
Qoonkii Wadaadka ba beryaa Eebbe qooqsaday e
Afarta qalbadood iyo mar bay dunida qaateen e
Kuman qooraggoo' iyo lug bay col u qalqaaleen e
Dad towxiidka qirayay ka qarjafsiiyeen e
Qorrax saacad joogtiyo barquu qaamudkood galay e
Cirkaa lagaga soo qayay rasaas gaal ku soo qubay e
Dabadeed na qoys laga ma arag toban qof mooyaan e—
~Abwaan Ayax Dhawre Dagaal (AUN)

Allow aan lagu tafsiin qalcaddaas, oo ay ku wada xeeran yihiin gebiyo wada sidib ah, gebiyo xaani ah, asii isla jeer ahaan na ka kooban dhinacyo kala jeeda; gebiyo u sii kala janjeersan qalbado kala duwan; jarar si looga hoobto na, ay aad u fudud tahay. Jiqjiqaas ciriiryoon, alla maxuu dhaaxa ka daatay gaal, gaal weliba saliib culus, kuu walwaali jiray! Akhristow, ma aha Alamawt, halka aan kula beegsan doono; balse, waxa aan ku geyn doonaa sar dheer, taas oo, run ahaan, si na ba, aan Alamawt uga halis yareyn.



Fidaaiga sheekadan ay ku saabsan tahay; waxa la yiraahdaa Abuu RImaayah. Assassinka sartii Mawdka.
Gabbaldhicii, may, maalintii labaad, ayay reer Muqdisho, badidoodii ba, afurkii u wada fadhiyeen. Fiidaddowga, xiddigo cir ku tolan mooyaane, ma jiraan nalal ifiyaa waddooyinka magaalada. Ogow se, daljirro Soomaaliyeed ayaa jiro, dooyo indho curdoon, geeddan u jeedi karayo Woyanneha iyo dabadhilifkiisa ba—kol ay ku tahay, habeenka habeennada ugu wada madow. Illayse baabuurta soconayso ayaa siyaabo teelteel ah; u iftiiminayso qeybo ka mid ah Waddada Labaad ee Suuqa Bakaaraha; gaar ahaan, agagaarka Madaxtooyada ee ku dhow Isgoyska Aadan Cadde. Fariisinka Maryacalasta. Halkaan weeye goobta uu Xoogga Caabbintu ku laayay Woyanne wada injir badanaa. Hub culus ayaa halkaas ka gulaalay. In yar kadib na, teeryo Barxadda, illaayo Dhiigtaarrey (Xamar Bile) ayuu dagaalkii u sii dusay. Reer Wardhiigley, Nal iyo Siin[2], gaashaandhiggii looma kala hadhin. Xaggan iyo xaggaas ba, reemida madaafiicda, qoryoha dhashiigaha, baasuukayaal, dabomiishaarro, iyo hoobiyeyaal ayaa haddiiba meelo kala duwan ka qufcayay. Hayeeshee, hub kasta waxa uu tufayay dabkii geerida. Aagga Geedka Jacaylka, ayuu se bakhtigoodii u hareero tuunsanaa sidii caws beero laga limay; geddii eeyo naflaacaari ahaa, ayuu se dhaawacoodii na, jidadkii Wardhiigley, meel wal, uga dhex dhuunyeeriyay.
Naftihuraha hubaysan, fidaaigu; mayee Shabaab ku waa halyey u halgamayo bilisnimo. Gobnimo. Bulshada Saliibiyiintu se, iyagu ba, miyay hal maalin oo qur ah, ka qatanaan kari lahaayeen, gobannimo?

Ereyga galtiga ah aniga oo la yaabanaa ayaan weydiiyay, "Neftenya! Waa maxay neftenya?"
"Miyaan dugsiyadii na, taariikhda cadowgaagii ba, laguugu soo dhigi jirin? Neftenya, waa dable; mushaarkiisu na waa gibir xoog lagaga muquuniyo dadyow dulman, sida Anuak, Sidaama, Barta, Gurage, Soomaali, Oromo, iyo hodhodho’. Waa askar maxaysato ah."
"Woyanne na, muxuu yahay haddaa?"
"Woyanne, miyaad tidhi?" ayuu i weydiiyay.
Abuu Rimaayah, muuq ahaan, waa uu i ag joogay; illayse maan ahaan, meel fog, ilikuwareertay, ayuu fiiro ugu dhoofay. In yar dabadeed se, xaggaygii ayuu u soo yar qoraansaday sidii qof dhoohanaa oo kale. Sheekhu waa basaliisk[3] ay eegmadiisu wadato had iyo waabaay. Walow ay daymadiisu cabsi igu dhalisay, geesinnimo ayaan iska doonay.
"Haa. Woyanne!"
Kelmedda dool ah, wax aan ka doociyo ba; cabbaar kadib ayuu ii deexday. Si faahfaahsanayd iigu qeexay:
"Akhil kariim. Ereyga woyanne waxa uu baxay affar ya lixdan sano kahorow. Bishii May, 1943, gadood waxa dhacay oo ay reer Tigray kaga soo horjeedeen cadaadiskii boqortooyadii Amxaarada. Halgankaas waxa goor dambe afduub kula wareegay qolada haatan la yiraahdo TPLF ( Hizbaawi Woyanne Harinet Tigray, "Kacaanka Xoreynta Shacabka Tigraay ). Kacdoonka reer Tigray na waxa uu joogsaday bishii Oktoobar ee isla sanadkaas isaga ahaa. Hayeeshee, maanta, ereyga Woyanne waxa lala xiriiriyaa maamul kasta ee ku dhisan: qallooc, beensheegnimo, dhagar, mardaddabaannimo, iyo waxii la mid ah. Woyanne waa shuuci! Diin ay leeyihiin ma jirto; waxa ay caabudaan sanan la dhaho Enfeer Hoodjaa, kelitayehii reer Albaanya.Fahamtal kalaam, am laa’?"



WELI WAA SOCOTAA...

Cagdhig
[1] Gallayr ~ka: haad, shimbir midab ahaan, guud ahaan, u leh midab ciiro, midabka ciiryaamada oo kale; balse si gaar ahaaneed na, u leh af iyo addimo gudguduudan. Gallayr ku wax uu ugaarsadaa, oo cunaa na: gebleyda (shibiraha yaryar) iyo xamaaratada (halaq — mas iyo good).
[2] Wardhiigley, dhammaadkii kontomeeyadii, waxa la soo garsiiyay siiman telefoon (tiirar biro ka sammeysanaa) iyo baalleyaal nal (tiirar shub ka sammeysanaa). Marka aad u jaheysan tahay dhankii magaalada, jiidda siinka telefoonka, waxa ay kaa qabanaysay dhanka bidix; jiidda nalku na waxa ay kaa xigaysay dhanka mid.
Ujeeddada halkaan loo adeegsanayo ‘nal iyo siin’: waa in labada dhinac ba ay degenaan jireen reero ka soo kala jeedi jiray beelo Soomaaliyeed oo kala duwanaa. Sidaan ayay soo ahaan jirtay Wardhiigley weligeed. Dad is jecelaan jiray. Soomaali hiil iyo hoo ba isla barbartaagnaan jirtay.
[3] basaliisk: mas lagu sheego in eegmada uu wax ku dilo.
by Yusuf Wayeel
No comments:
Post a Comment