Habeen kii oo dhan waxaan ku
dhammaystay sariir uu yaallay dhinaceeda. Kolba waan soo hinqannayay, madaxa oo
aan taataabto mooyee awood kale oo aan wax ugu qaban karayay may jirin.
yeedhmadiisii taahii iyo jibaad kii xumaddii lagu shaqlay ee uu dhinaca la dhigi
la’aa ayaa iga goynayay fikir iyo walaac aan noloshiisa aan ka
walaacsannaa. Saacaddu markay tahay kowdii habeenimo ayaan ku fekeray in
aan magaalada ka soo raadiyo meel furan oo aan kiniin xumaddeed ama goob
gargaar degdeg ah lagu sameeyo ka dayo. Waxaan kaga bilaabay oo aan orod
ku imi cusbitaalka wayn ee Hargeysa, waxaan ku xigsiiyay, dhammaan cusbitaalada
gaar ka loo leeyahay ee magaalada intii aan orod iyo gucle ku gaadhi karayay oo
dhan. Meel furan waan soo waayay. Cusbitaal ka wayn oo albaabka wayn ee birta
ah ee koonfur u jeedaa uu furnaa mooyiye.
Furnaanshaha albaab kaasi uu furnaa
sababtiisa maan garan, waxaan se u fahmay haddii dad ka yaala qaar ka mid ah ay
naftu ka agguugto in dadkoodu ay kala baxaan uun maydkiisa. May jirin ujeedo
kale oo uu u furnaa albaabkaasi. Cusbitaal ka wayn markii aan soo gaadhay,
waxaan si degdeg ah ugu baydhay qolal ka gargaar ka degdega ah oo dhammaan tood
ay albaabadu u xidhnaayeen. Waxaan dhex wareegay cusbitaalka oo dhammaantii
madawga aad ka baqayso in uu waraabe kaa dhex qaato. Waxaan maqlayay uun jibaad
ka dad ka buka ee cid wax u qabataanna aannay ka agdhowayn. Anniga oo quus ah
ayaan ku soo noqday dhinacii sariirtii bilaa miciin ka ahayd ee uu aabbahay
yaallay aan kaga fadhiyay.
Aroortii
hore markii uu waagu beryay ayaan gaadhi kula soo orday oo aan u keennay
farmasi uu gaar u leeyahay wasiir ka Wasaarada caafimaad ka Somaliland oo
ku yaala magaalada Hargeysa. Markii aan soo horjoogsaday farmasigii waxaan
arkay dad soddomeeyo ah oo in ay saaka iga soo hor kalaheen oo iga
firfircoonaadeen iyo in ay sii seexdeen aan kala garan waayay. Waayo waxay
ahayd shantii subaxnimo. Aabbahay xaaladiisu way kasii liidatay dhammaan dad
kii kaga soo horeeyay kuyuuga, muu fadhiyi karayn manuu jiifi karayn. Si
haddaba dadka iga soo horeeyay na aan u xaq siiyo,waxaan ka codsaday inan kii
farmasiga fadhiyay in uu gaadhi curyaan ka yar ee la riixo igu caawiyo, si aan
gaadhigana ugaga soo dejiyo aabbahay, inta uu sugayo dad ka ka horeeyana uu u
dul yaallo. Markii aan waydiiyay waxa uu inan kii igu yidhi ‘’qolkaa yar riix
oo kala soo bax’’ qol albaab siliig ah leh baan hor istaagay oo aan riixay.
Waxaan arkay in uu hoos ta ka xidhan yahay waayo korkiisa wax dagagar ah iyo
quful toona kumaan arkayn. Inta aan ku soo noqday inan kii ayaan
ogaysiiyay in uu xidhan yahay. Markaasuu isaga oo foorara oo telefoon ka
gacanta ku mashquul san igu yidhi: ‘’iska sug qof baa hurdee inta uu
toosayo!’’. Waan yaabay, haddana waan naxay, kol waan cadhooday, marna way igu
gudhay oo indhahayga oo ilmo soo buuxisay mooyee meel kale jidhkayga dhaqaaq
waan ka waayay. Mudo daqiiqad ah markii shoogaasi I haystay ayaan ku
idhi: ‘’waar qof aan dhanna xamilayn baan sitaa oo weliba waayeel ah oo aadna u
xanuusannayee, ma qof caafimaad qaba oo aan bello iyo baas toona ku dhacayn
haddii la toosiyo ayaad leedahay suga, oo cad kaa aad sidataanna gaadhiga ha
idiin dhex yaalo’’? Gaadhiga laftiisu haddii uu ku fillan yahay jiif kiisa oo
uu balaadhan yahay waaban iskaga dhex daysan lahaaye, gaadhiga oo gudihiisu uu
cidhiidhi ahaa awgeed ayaan xamilli waayay in aan ku dhex daayo. Inankii hadal
kii kamuu jawaabinne hawshii uu ku mashquul sannaa iyo telefoonkii gacanta ee
uu wadwadday ayuu iska watay, madaxana xitaa kor ummuu qaadin.
Inta
aan isakaga dhaqaaqay ayaan gaadhigii ka soo dejiyay aabbahay oo aan
dhiggay meel kaabad ah oo farmasiga albaab ka laga galo ku taalay. Dadkii ka
soo horeeyay oo xaaladda la socday bukaanna iyaguba iska ahaa oo aan itaal
badan haynin ayaa mar qudh ah inankii ku wada qayliyay, annigana ii ogolaaday
in aan ka hormaro oo aabbahayna aan ka horeysiiyo iyaga oo ka soo horeeyay.
Markii aan qaaday ee aan u u galay dhakhtarkii, wasiirkii wasaarada caafimaadka
oo fadhiya farmasigiisii gaar ka ahaa. Waxa uu igu yidhi ‘’ bukaan ka halkiisi
ku celi oo adiga oo keli ahi ii soo gal?’’. Waxaan is waydiiyay oo ma adigaa
buka?!. ‘’dhakhtar annigu ma buko mana xanuusanayo, nin kan wayn ee aan siday
imaka oo aabbahay ah ayaa xanuusannaya…’’ hadal jaad kaa ahaa ayaan ku idhi.
‘’waxba loogama baahna isaga ee adiguba waad iiga warami kartaa waxa uu qabo
iyo sida xaal kiisu yahaye soo soco’’. Haddana waxaan is waydiiyay miyaan
tallow in uu xitaa muuqiisa arkaa aannay daawadda qayb ka qaadanayn?.
Sidii baan yeelay, dhammaan wixii aan ku arkay intii uu jiifay wixii waraaqo
ahaa ee dhammaan goobihii kale ee caafimaad ee aan soo mariyay iyo wixii kale
ee war iyo wacaal ahaa oo dhan baan u sheegay una soo bandhigay.
Waraaqihii
ayuu mid ka mid ahayd oo u soo saraysay isha dul eryay. Inta uu igu soo
jeedsaday ayaannu igu yidhi: ‘’qolkan yar ee daahu noo dhexeeyo jiifi waxaan
cabirri doonaa wadnihiisa, wadno xanuun xun baa haya’’ Haddana waxaan is idhi
ma waraaqaha hore uun baa u sheegaya, miyaan isagu xirfad uu ku daah rogo waxa
haya oo isaga gaar u ahi jirin?
Qushiye
halkii baan dhiggay. Waxaa ii soo gallay inan kii mobile ka ku mashquul
sannaa ee qolkii baaskiilad curyaan tu taalay igu yidhi waa la hurdaa. Waan
yaabay anniga oo moodaya in uu meesha wax uga baahan yahay oo uu ka qaadannayo
ayuuba aabbahay dul baxay oo uu waayiro dhaadheer oo mishiinka wadnaha cabirrayaa
lahaa ku xidhxidhay. ‘’…oo ma adigaa ka cabirraya wadnaha?’’ , Isagoo
waayiraddii mid dhafoorka kaga sii xidhaya ayuu iigu jawaabay ‘’Haa…annigaa ka
cabiraya’’. Waxaan is idhi ma nin ka naxariis halkaad arkaysay ka taagnaa ayaa
mishiinkan ku shaqeeya oo dad ka buka wadnahooda cabirra?
Mishiinku
marka la daaro, waxa uu soo saarayay waraaq dheer oo muujinnaysa sida uu
wadnaha qofku u shaqaynayo iyo malaha garaaciisu sidii loo baahnaa uu dhiiga
iyo ogsajiin taba u gufaacinayo, kaarboon kana uga soo rarayo xubnaha muhiim ka
ku ah nolosha; sida beerka iyo kelyaha oo kale. Waraaqdii ayaan qaaday
waxaannan dib ugu celiyay dhakhtarkii ama wasiir kii wasaaradda caafimaad
ka Somaliland oo fadhiya xafiis kiisa labaad ee uu gaarka ugu shaqaaysto.
‘’wadnihiisu ma fiicna, inkasta oo aanu joojin shaqadii looga baahnaa
dhammaanteed balse wuu hakiyay oo si wacan uma shaqaynayo, markaa waa in aad
dhigtaan meel ogsajiin leh, sida Edna Hosbital ama Cusbitaal ka wayn’’ . Inta
aan waayahay idhi ayaan warqadiina ka soo qaatay lacagtiina bixiyay,
aabbahay na gaadhigii yaraa ee cidhiidhiga ahaa ee aan watay ku soo jujuubbay.
Waxaan soo horjoojiyay cusbitaal kii Edna. Qolal gaar ah oo lacag waxoogay ah
lagu kireeyo ayaan dhiggay. Meel meel dhaantaa ma jirto. Edna Maternity
Hospital waxa uu dhegaha dadka ugu soo dhacaa, in uu yahay meel ka adeeg
wanaagsan dhammaan cusbitaalada kale, laakiin xaqiiqadu sidaa way ka duwan
tahay. Edna waxaa loogu sameeyay baadhis iyo dawooyin waxoogay ah na waa loogu
soo qoray. Dawooyinkii loo qoray oo qaar kood ahaayeen qaar xididda dhiiga lagu
dhex mudayay ama la raacinnayay, ayay dhallin yaro aan ku qiyaasay da’ahaan
17-20 jirro meel walba ka daloolliyeen odaygii, dhiiggiisii ayaa dhulka ku
dhammaaday. Markii uu arkay sida xaal yahay ayuu iga codsaday in aan ka saaro
cusbitaalka Edna, oo aan gurigii iska geeyo.
Waxaan
keenay Cusbitaal ka wayn ee Hargeysa. Qolal gaar ah oo la kireeyo ayaan sariir
bilaa go’ahayd inta aan ku goglay go’yaal aan siday mid ka mid ah dul dhigay
odaygii oo aan wandaafinayo. Waxay gaar la yihiin oo aan ka ahayn kelinimo ay
hal sariirri qolkiiba taalo ma jirto. Waxay dheer yihiin in qofku uu
kelidii jiifo qol u gaar ah. Waxay kaga liitaanna waadhadh ka waaway na
waa in aanad helay dhakhtar wax ma tare ah oo kugu soo mija baxsada sida
waadhadhka waawayn oo kale. Cidladaasi ayuun baad adiga iyo qofka bukaan ka ahi
is dul fadhiyaysaan, lacag na weliba aad ka bixinaysaa cidladaasi, tobban
dollar oo lacag ta maraykan ka ah ayaad ka bixinaysaa jiif ka oo keliya, dawada
iyo dhakhtarkana adigaa isku qaba.
Markii
aan anniga iyo aabbo maalin ku jirnay qolkaasi yar ee aan cid aqoon caafimaad
lihi kadinka nooga ka soo gelin, waxaa na soo maray nin dhalasho ahaan Maraykan
ahaa. Maraykan oo keliya dhalashada ma ahayne, waxa uu ahaa nin cad oo timo
midab ka dahabka u eeg leh. Waxa uu I waydiiyay waraaqihii ay qoreen dhammaan
goobihii aan soo mariyay oo dhan. Waxaan u fahmay in uu taariikhdiisii
caafimaad tixraacayo intii uu bukay odaygu. Waan u dhiibay. Bac yara
jacdadsanayd oo ay ku jireen daawo ka mid ah daawooyin kii u qornaa ee
Cusbitaal ka Edna oo ahaa halkii ugu dambaysay ee dawo u soo qorta ayuu eegay.
Waa dawo cabirkeedu uu yahay, 10 milligaram, waraaqdana waxaa ku qoran in
halkii mar la siiyo 50 miligram oo isla dawaddaasi ah. Nin kii
dhakhtar ka ahaa wuu yaabay waxa uu yidhi, ‘’dawada ay kuu qoreen waa 50 mg
sida aad arkayso, dawada ay kaa soo iibiyeenna waa 10 mg midhkiiba,
markaa halkii mar ba ma 5 xabbo ayaad siinaysaa nin kan aan biyaha liqi karayn
’’?. Waxa uu inta iigu daray; ‘’sideedabana dawaddan uma baahna in la
siiyo qof xaaladdiisu sidan oo kale ay tahay, dawo kale ayaan kuu qorayaa taasi
ayaad siin doontaa’’ intaa kumuu soo koobin hadalkiisiiye waxa uu ii sharxay
sababta uu dawaddii hore uga bedellayo iyo sababta uu tan cusub ugu qorayo.
Dhakhtar kanni waxa uu ka shaqeeyaa waadhka dad ka waalwaallan, shaqo kuma laha
qolal ka la kireeyo ee cusbitaalka, waxa uu waxan oo dhan u samaynayaanna waa
bini’aadaminimo.
Waxa
uu ii qoray dawaddii, anna waxaan u sheegay dhakhtarkiisii ugu horeeyay ee
xanuunadan ka baadhay oo ka mid ahaa dhakhaatiirta Hargeysa ka shaqaysta. Waanu
ku qancay in dawaddaasi hore laga bedello taa cusub ee imaka dhakhtarkaasi u
qoray na la siiyo. Waxaan hoos isku waydiiyay, waxa uu imaka ugu qancayo in aan
dawaddan la siinin ee uu markii hore u garan waayay.
Marka
aannu xaaladdiisa ka yar didno ba waxaannu telefoon kala hadlaynay
dhakhtarkiisaasi hore. Nooma yimaado, waxaa ba se badhi iyo sed noo ahaa in uu
telefoon ka naga qabto oo na dhegaysto.
Habeen
ka dib ayuu nagu soo noqday dhakhtarkii Maraykan ka ahaa. Waxa uu gacanta ku
sitay qalabka wadnaha iyo garaaciisa lagu cabbiro. Markii uu soo galay ba waxa
uu u dhaqaaqay dhinac ay taalay bir ka ag qotontay aabbahay oo ay ka
lullatay sayloonka dad ka xidid ka lagaga qotomiyo. Inta uu ku dhowaaday ayuu
akhriyay korkeeda, markaasuu anniga oo agtaagan I waydiiyay ‘’yaa u qoray
sayloonkan ee idinku yidhi ku mudda?’’. Waxaan u sheegay in uu u qoray
dhakhtarkiisii ugu horeeyay, markii aannu telefoon kala hadalnay ka dib. Inta
uu labada indhood aad u kala jiiday sidii wax qaladdi samada kaga soo dhacday
ayuu igu yidhi: ‘’ oo ma telefoon uu ka soo hadlayo ayuu go’aan ka ah in
sayloon ka jaadkan ah ee waxmataraha ah lagu xidho ku gaadhay?’’ Haddana anna
haa baan ku idhi. Waxaan soo jeeday shan habeen, yaab iyo naxdin iyo falcelin
firfircoon waannu kala tagnay oo sidii caag la buufiyay ayaan mar ba meel
qotomaa, ama kolba qof dhan iila kacayaa isaga oo aan wax macno leh ii
sheegayn.
Ninkii
Maraykan ee dhakhtar ka ahaa inta uu ii yeedhay ayuu ii sharaxay sayloonkii ku
qotomay aabbahay. ‘’saw ma tihid qaraabadda bukaanka halkan jiifa…’’ intii
aannan u jawaabin ayuu hadalkiisii sii watay isaga oo wejigiisu is bedelay oo
casaan dhiigroorsan noqday. ‘’Dhegayso, sayloonkan lagu xidhay wax uu u
kordhinayo ma laha bukaha, waxa uu yeelayo ayaa ka badan. Tusaale ahaan;
sambabada bukaankan biyo ayaa ku jira sayloonkanina waxa uu sambabadiisa ku
sii kordhinayaa biyo kale, jidhkiisa wax nafaqo ah gelin mayo, garaaca
liita ee lagaba yaabo in uu goor dhow joogsadana hoos buu u dhigayaa. Markaa
nin yahaw laba mid soo gal, in aad ta aan kuu qoro aad ku muddo qof neersan
ahna u yeedhato, ama in aad ila hadashiiso ninkan telefoonka ka dawaynaya qofka
xaaladdiisu sidan tahay?’’ Waxaan ku idhi aan kula hadashiiyo, anniga oo
u golleh in aan ogaado sababta uu dhakhtarkan gurigiisa iska jiifa ee aan
telefoonka kala hadlaa sayloonkan iigu qoray in aan ku xidho. Telefoonkii
markii aan garaacay ayaan u sheegay in dhakhtar kii ajaanibka ahaa doonayo in
uu la hadlo, waannu aqballay. Dhaskhtarkii ajaanibka ahaa waxa uu si toos
ah ugala hadlay dhakhtarkii kale ee Soomaaliga ahaa, xaaladda aabbahay, waxa
kale oo uu kala hadlay sababta uu sayloonka jaadkan ah ugu qoray qofka caynkan
ah, waxa kale oo uu waydiiyay, SIDEE AYAAD UGU DHIIRATAY QOF SIDAN U
XANUUSANNAYA OO AANNAD MUUQIISA JIDH AHAANEED (PHYSICAL) IYO XAALADDIISA
GUUD MIDNA ARKAYN, IN AAD TELEFOON KA DAWAYSO? Maan maqlayn waxa uu kaga
jawaabay su’aashaasi, waxase aan ku war helay dhakhtarkii ajaanibka ahaa oo igu
soo fidiyay telefoonkii, oo igu leh, ‘’dhegayso wuu aqballay in aynu ka bedelno
sayloonkaa wax mataraha ah ee uu ku xidhaye’’. Sayloonkii sidii baan kaga
goynay oo mid kii kale ugu taagnay. Waxa uu ii sheegay dhakhtarkii ajaanibka
ahaa in xaaladda aabbahay ay aad u liidato, xanuun kanina uu yahay Severe
cardiac arrest. Markaasi aan ku samro, wixii kale ee aan u qaban karayana aan u
qabto, maankana aan ku hayo in ay adagtahay in uu ka kaco xanuunkan.
Waxay
iigu darnayd markii habeenkaasi qaybtiisii danbe oo ku beegnayd labaddii
habeenimo, ay noo soo galeen hablo doonaya mishiin yar oo farta kaga xidhnaa oo
garaaca wadnaha lagala socdo. Waxay ii sheegeen in gabadh umul ah oo koommo ku
jirta ay u doonayaan mishiinkan in ay ku soo eegaan in wadnaheedu si wacan u
shaqaynayo iyo in kale, waxaan waydiiyay sababta ay u doonan waayeen mid kale,
ee ay kan keli ah u soo doonteen. ‘’Walaal xabaddan oo keli ah ayaa cusbitaalka
taala, ee noo dhiib waanu soo celinnaynaaye’’ ayay iigu jawaabeen. Waan naxay.
Waa mishiin yar oo Wallaahi xadhiga dabka u soo qaadaa uu xumaa oo aan annigu
sidaan u wadwaday aan hagaajistay, markii la ii soo dhiibay se aan shaqaynayn.
Waxaan u sheegay in mishiinku xun yahay, haddii la dhaqaajiyana uu damayo,
labadayaduna aannu seegi doono haddii aan taabto. Markii ay iga dul dhaqaaqi
waayeen, ayaan siiyay. Afartan miridh ka dib ayay igu soo celiyeen markii uu u
shaqayn waayay. Dibbaan u wadwadday muddo danbe oo saacad ah, Allena wuu igu
asturay, halkiibaanan farta inta aan dib ugu sudhay, aan kala socday cadaadiska
wadnaha iyo xadiga ogsajiinta wadnihiisu jidhka u tebinnayaba.
Habeenkaasi
dul fadhi iyo soo jeed ayuu waagu noogu baryay. Aroortaasi dambe saacaddu
markii ay gaadhay 11:00 barqo nimo ayaan naftayda la sheekaystay, waxaan arkay
xaaladda aan ku jiro iyo xaaladda uu aabbahay ku jiro. Inta aan qolkii uu
yaalay oo dad kii soo toosay ee soo booqanayay ku soo bateen isakaga baxay oo
geed cusbitaalka weyn ee Hargeysa ku dhex yaala iska hoos fadhiistay. Waxaan is
arkay in wixii aan itaal hayay aannan waxba hagran, waxaan arkay waddankaygii
in aabbahay ku dhex dhimanayo, dhakhtarkii ugu dhowaana telefoon mooyee aannu
mar qudha soo dul joogsan. Waxaan arkay in cusbitaalkan uu yaallo oo dawladda
dad ka caashuurta ka gurataa sheegato in ay maamusho aan waxba loogu qabanayn,
ama aqoon daro ha noqoto ama bini’aadmi daro ha noqotee. Indhahayga waxaa ka
soo rogmatay ilmo aad moodo tog. Oday meel labaatan mitir ah ii jirta fadhiyay
ayaa I arkay sida aan u qaracannahay. Inta uu ii yimi ayuu igu yidhi ‘’
adeer ma odaygan halkan yaala ayaa ku dhallay, iska samir, Alle ku samir,
saw magaalad ma deginnid?’’ Markaasaan ku idhi ‘’ Haa’’.
‘’annigu waxaan ka imi Ceerigaabo, waxaan halkan keenay gabadhaydii, magaalada
cid ka garan mayo, aad bay u xanuusannaysaa oo qolkaasay taalaa, dhakhtar qudh
ahi ma soo dul joogsan, kaan yara daba carraraana wuu iska kay reebayaa oo
mashquul baan ahay ee annaa kuu iman doona ayuu I leeyahay, haddii ay maanta
halkaa ku go’dana cid ila aasta magaalada ka garan mayo. Haddaba adeer haddii
aad magaalada degan tahay saacaddiisa dhaafimaayo, darxumadana Allaa inna
baday, cid kula aastana waayi mayside shaydaanka iska naar…’’ Intaa
markii uu igu yidhi waxaad moodaysay in aan saxar noloshayda iyo waayahayga
toona ku duullin, inta aan u mahadceliyay ayaan boodhka dabada oo aan dhulka ku
hayay ka tumay. Waxaannan usoo dhaqaaqay qolkii uu aabbahay yaallay, sodon
daqiiqaddood oo danbe markii aan dul fadhiyay na Illaahay naxariistii janno
haka waraabiyee naftii baa ka baxday.
Qalinkii:
Mustafa A. Nuur
No comments:
Post a Comment