" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Qof is-diiddan baan ahay!

Wednesday, April 11, 2012

Qof is-diiddan baan ahay!

Habeenka oo badh tegay baa, hammigu lammaan yahay, hurdo igaba dheer tahay, Haatuf ila hadlaayaa, hawl ii bandhigayaa, heegada dad aadoo, hawlkarnimo la yimidoo, horu-socod sameeyuu, iska daba huqleeyoo, hiigso uun I leeyahay. Wuxuuse moog yahay inaan ahay qof is diiddan oo xubnihiisu gadood iyo cadho ku Kala maqan yihiin. Xubnahaygaa kala maqan, xanuun baa halakeeyoo, midba gees u xidhoo,  xaafadi xaafad ma gaadho, xanaf baana dhextaal, iyo xumaan ay kuba beertay, in xun oo xilka haysay,  xilli aad u fogayd.


Haddaba, xanuunkaa halakeeyay, jidhkaygaa xubnihiisu, wuxuu ka indha-saabay in wax noqoshadoodu ay ku jirto wada jirkooda, wada shaqayntooda is weheshigooda, is cafintooda, is raalli galintooda iyo isku tanaasulkooda. Taas oo weliba ay u dheer tahay is jeclaanshahooda iyo isku jidh dabacooda. Laakiin, taasi  waxaanay u suurtagalayn qalbigayga waxa buux dhaafiyay cadho, cuqdad iyo ciil. Maankaygu waxa uu ku weelaysan qab, kibir iyo faan. Indhahaygu wax xun mooyee wax san ma qabtaan, dhegahayguna dhiillo mooyee dhawaq-san uma dheg taagaan. Dabnahaygu hadal-san way ku turun-turoodaan, kiisa deel qaaf lehna way dudubiyaan. Gacmahaygu waxay ka hawl yaraysteen wax qabad iyo dhibka, addimadayduna waxay ku kaaftoomeen tamashlayn iyo xarrago. Maskaxdaydu waa gudhan tahay oo godol laguma oga, calooshayduna way taagan tahay oo saalo kama soo baxdo.

Gasiinkaygu waa bariis badaha laga keenay, garashadaydu waa ku dayasho indha la’, gadh wadeenkayguna waa qabiil. Waxaan ku hubays nahay aqoon la’aan, faqri iyo xagjirnimo diineed. Inkasta oo aan xor isku haysto haddana waxaan ahay addoon reereed, cabiid aragtiyeed, iyo afeed. Tayda kuma meel maro, tu kalena tagoogaha ayaan kaga jabay. Tamartaydu waa hadal, taagtayduna waa xan, xasad iyo xiqdi.  Waxaan tarmiyaa, taakuleeyaa, naxliga iyo turxaanta dhextaal xubnahaygaa aan kala maarmin.

Magacaygu wuxuu ku suntan yahay tilmaan xun oo dugaagnimo iyo dadnimo la’aani ka kaw tahay, dib u dhac iyo dullinimana ay ka laba tahay. Taws aan qabo ayaan la tawaawacayaa, tiiraanyo cudur baanan la taahayaa. Tagtadii waan u murugoonayaa, taagantana waan ka werwersanahay, timaadadana waan ka baqayaa.

Addduunyada ma haybshee, anigaa is heeroo, halbowlaha is gooyoo, hanaqana is wada jaray, anigaa is hiifoo, habeen iyo hadhkii galay, halakeeyay taydii, anigays hogeeyoo, huqda aan ku nooliyo, halaagaba isugu wacan, hadda iyo haddeertana, hadal hay danbeeyee, haddii aad halyey tahay, hiyigaagu nool yahay, haybtayda guudnimo, bal aan kuba horkeenee,  hawraartan iga qabo.

Qof is diidan baan ahay, qof dayaysan baan ahay, qof dagaalsan baan ahay, qof is dooxayaan ahay,  qof ay gaajo dubatoo, daranyaysan baan ahay, dawarsaan ku noolahay, dibin-daabyadaydiyo, darxumooyinkaan qabo, daah kaama saarnee, dushaydaad ka aragtaa, danna heedhe kama lihid!

Alla doorrigaygoow, miyaan jiidh dubaaxshiyo, qalbiyada damqada iyo, maan digiigixoodana, daayin kuguba muunayn?  Alla doorrigaygoow,  aqoontaad daldalatiyo, digriigaad hadhkii galay, dadka uguba faantaa, ma mid aan duruufaha, dagaalada sokeeyaha, dakanooyinkii dhacay, dadka kaba dawayn baa? Ma mid diradiraalaha, dadka kala fogeeyee, dabka hurin yaqaannee,  aan dooh dhahayn baa?  Ma mid, baylahdaydiyo, bulshadayda kala wadhan, bawsigaan ku noolahay, aan baydh ka tarin baa?

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-mail: awliyo177@hotmail.com
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

No comments: