" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Agoon: Iridda laga galo xukunka! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Saturday, May 25, 2013

Agoon: Iridda laga galo xukunka! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Markaad eegto basaasta timihiisa ka muuqata, wuxuu u ekaa qof intuu gelgelin dhex jiifsaday, ka soo dhex kacay. Raqabadda shaadhka yar ee uu xidhan yahay waxa ka muuqday rid cas oo aan u kala garan waayay uskag iyo dhidid. Qiyaastii da’diisu waa 11 sanno, markaadse aragto dhugashadiisa wuxuu u ekaa in uu caqliyan ka wayn yahay. Wuxuu ka mid yahay dad isu-soo ururay oo tiro badan.


 
Nin meel sare saaran oo ay gacmaha uga buuxaan cod-baahiyayaal tiro badan, muraayad weyn oo uu xidhan yahay-na ay wejigiisa badankiisa qarisay, ayuu wiilka yari kor u eegayaa oo wuxuuba inyar u jiraa in qoorta muruq ka galo, mase dhaaddana isagu ee waxa kaga culus ereyada ka soo baxaya afka ninka hadlaya oo aad mooddo inay wax kaga xidhan yihiin. Ninka hadlayaa wuu xiiqsan yahay, labada qawlal ayuu ka xunbaynayaa oo waxaad mooddaa in uu codka gaadhsiinayo dad ka tiro badan dadka hoos taagan ee uu boodhka ay jaantoodu kicinayso muraayadda indhaha ee madow ka xidhay. Tolow maxaa iskaga xidhan dadkan uu meesha ka saraysa fuulay ee haddana uu boodhkooda ka xaragoonayo iyo isaga? Kollay waa dantaa uu uga maarmi la’ayahay.
Aniga laftaydu ma dhadhamin ereyada ninka xiiqsan, waxaanse ku dhaygagay Ilmaha yar ee qoortiisu dallagan tahay. Isaga oo aan nuuxsan, ayaan isa-soo garab taagay oo aan wejigiisa eegay, iimase jeedo. Indho aad mooddo in ay gaajo gudhisay oo god ka soo jeeda, haddana casuusta ku jirta aad mooddo qof dhawr caano maal aan waxba cunin, ayuu libiqsi-la’aan ugu eegayaa ninka hadlaya. Markaan ilbidhiqsiyo eegayay, ayuu gacantiisa oo laalaadday kor u soo qaaday, si uu uga biiyo indhihiisa biyo hooraya oo daalku ka keenay – sidaan qiyaasay. Markay gacantiisu wejigiisa la sinnayd, ayaan eegay farihiisa; ciddiyuhu way ku baxeen, qaarkoodna in uskag ku hoos jiro ayaad mooddaa, boodhna waa ku yaallay. Aniga oo weli ku maqan wejigiisa, farahiisa iyo marxaladda uu ku sugan yahay, ayuu wiilkii yaraa sacab ku dhuftay. Anigiiba booday sidii koronto I haysatay la iga gooyay. Waxaan raadiyay waxa uu u sacab-tumay oo waxaan maskaxda u jeediyay hadalladii uu ku hadlayay ninkii hadlayay, mise wuxuu leeyahay; “….Agoonta ay ka dhinteen shuhadadii iyo dadkii dalkan xoreeyay, waxaanu ka dhigi doonaa kuwa ugu nolol wanaagsan facooda. Waxaanu u samayn doonaa nolol ay ku illoobaan dhibtii soo martay iyo kaalintii waalidkoodii dalka u dhintay ay ku banneeyeen…” Waxaan soo jalleecay wiilkii yaraa, qosol muusood ah ayaa wejigiisa farxad ku shaqlay. Intaan ku maqnaa sawirashada iyo cabbiraadda muuqaalladaa kala duwan, ayaa dhawaaqii aamusay, dadkiina kala dhaqaaqeen.
Wiilkii yaraa wuu dhaqaaqay, aniguna siduu ii yeedhay baan daba dhaqaaqay. Markaan inyar daba socday ee uu sidii qof dhulka wax kaga lumeen ama neef muqlaysan uu qoorta hoos u dhigayo oo uu dhulka ku foogan yahay isaga oo socda, ayaan garabka taabtay. Waxaad mooddaa in uu ku talo-galsanaa oo uu hadal iila sii diyaar ahaa. Aniga oo aan kelmad odhan, ayuu intuu igu soo jeedsaday igu yidhi; “Adeero ninkani waa nin wanaagsan, soo maaha?” Wax alla waxaan ku jawaabo waan garan waayay. Aniga oo anfariirsan oo su’aashu iga nixisay, ayuu hadalkii raaciyay oo uu yidhi, “Haddii agoonta uu wax tarayo, miyaanu wanaagsanayn?” Markaasaan gartay in uu ka hadlayay ninkii khudbadda isla qondhodhinayay. “Haa adeero, haddii uu ka dhabeeyo waa nin wanaagsan,” ayaan ugu jawaabay. Waxaan u holladay in aan waydiiyo wixii aan u soo daba socday masaafada, igumase simin. “Oo adeero imika haddii ninkaasi guulaysto waan ka baxayaa dhibtii?” ayuu I waydiiyay sidii oo aan dhibtiisa ogaa. Markuu arkay inaan hadal gabay oo aan naxsanahay, buu yidhi, “Adeero kollay aabbahay soo noolaan maayo oo waan ogahaye, haddii ninkani wuxuu doonayo uu helo, miyaan ka raysanayaa cunto-la’aanta? Mase helayaa dharkay xidhaan caruurta ila midka ahi?” Waar illeen ibtilo waa tan oo kale! Bal maxaa I soo daba waday. Waxaan isku dayay inaan ku qanciyo hadallo aan habaysnayn oo aan kula naxay iyo in aanu dhibta ku waari doonin.
Waxaan waydiiyay xog isaga ku saabsan, kuye; “Magacaygu waa Bile. Aabbahay wuu dhintay oo kuma garaadsan, caruurtyada oo toddoba ahina waxaanu iskala noolnahay hooyaday oo aan shaqaynin. Markaa adeero, ninkani hadal wanaagsan buu sheegayay ee wuxuu doonayay haddii la siiyo, anaga ma na siinayaa wuxuu ballan qaadayay?” waxaan waydiiyay, “Miyaad garanaysaa wuxuu doonayay?” intuu dhoolla-caddeeyay buu yidhi, “Haa, waa siyaasi oo I doorta buu yidhi ee adeero haddii ninkani intaasba qaban karo marka la doorto, muxuu madaxweynaha imika joogaa noogu qaban waayay intaas?” Waa waydiin kaba sii mug weyn, kana culus kuwii hore! Intaan iska dhigay qof aan maqlayn, ayaan waydiiyay, “Iskuul ma dhigataa?” kuye; “Waan dhigan jiray, waxaanse ka baxay markii dharkii direysku iga dhammaadeen ee markaan iyaga oo dillaacsan xidhayna ay ardaydu igu qososhay!”
“Bile barasho wanaagsan adeero, nabadgelyo” intaan idhi, ayaan ka dhaqaaqay. Ma xal kale ayaa jira oo Bile lagu qanciyo? Waxaan dib u milicsaday inta dhacdo aan u soo joogay ee olole lagu galay in agoonta iyo maatada danyarta ah wax loo qaban doono haddii talada lagu aamino. Waxaan ku qancay in agoonku yahay albaabka iyo irridda kursiga laga fuulo. In ay yihiin kuwa ugu baahi badan maanta, berri marka ololuhu yimaaddana kuwa lagu af-gobaadsado ee la yidhaahdo wax baanu u qaban doonaa. Waxay noqdeen ateenada lagu kala gabbado iyo eedda laysu hagoogo. Waxa qofka talada haya lagu dhaliilaa wuxuu dayacay agoontii, waanuse dhergin doonaa…Waxbase kama hirgelaan.
Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.

No comments: