" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ma iyagaan dhalin? - W.Q: Muna Axmed Cumar

Thursday, May 30, 2013

Ma iyagaan dhalin? - W.Q: Muna Axmed Cumar

Waxay ahayd amin hore, qof dani wado mooye ruux kale wadada ma socon, waxa aan u jeeday suuqa, isa soo taagay goob lagu raaco basaska, koray midkii ii qornaa, kursi lamaane loogu talogalay oo mid uun ka sokeeyay fadhiistay, mudo markii aan kursigii ku kaliyoobay, waxa mar kaliya ila soo jaaray nin iyo ilmo isku lamaan. Ishaydu way qabatay markii uu baska soo korayay dhinacaygana u soo socday, ilmaha laabta ayaa uu ku siday markaa, balse markuu salka kursiga dhigay ilmihii dhabtiisa ayuu ku qabtay, waan fiirinayay balse isagu iima jeedin waayo waxa mashquuliyay daryeelka xad dhaafka ah ee ilmihiisa yar.
 
Da’ ahaan waxa aan ku qiyaasay 30 jir, wuxuuna iila eekaa aabaha dhalay ilmaha yar, waxa aan aad uga yaabay sida uu ilmahaa yar ula sheekaysanayay, u maaweelinayay , laabta ugu qabanayay, labada dhabanna kolba uga dhunkanayay. Kalgacalka, sheekada, koolkoolinta iyo farxadda dhexmaraysay ilmahaa yar iyo aabihii waxay ahayd mid ay wada dareemeen dhamaan daddkii baska saarnaa. Qof hoosta ka qooraansada, qof si badheedha u eega, iyo qof u riyaaqa oo la muraaqoodaba waanu iskugu jirnay. Oo tolow maxaa laga eegayay?! Ma wax cusubaa? miyaan waligeedba la arag ilmo yar iyo aabihii oo wada socda?! mooyi!.
 
Waqti badanba kamay soo wareegin markii ay noo cadaatay in aabaha iyo ilmaha yari aanay ahayn soomaali balse ay ka soo jeedaan waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, isla markaas aan ogaaday ayaa waxaan galay fikir hor leh anigoo is waydiinaya su’aalo badan: “wali miyaad aragtay nin Soomaali ah oo ilmo yar oo da’dan jira kaligii sida?, haba sido ee mid sidan oo kale ee kalgacalka iyo aabanimadu ka muuqato u haya ilmo yar oo uu dhalay?, wali miyad aragtay aabo Soomaali ah oo kaligii ilmo uu dhalay suuqqa wax uga soo gaddaya?, ama goob caafimaad la fadhiya?, amaba sidan oo kale ula saaran gaadiid guud?!” jawaab ayaan u waayay su,aalahaas, waan isku qabsaday in aan arkay iyo inkale!. Oo tolow maxaa keenay in aan isku qabsado in uu jiro aabbo Soomaali ah oo ilmihiisa sidan u jecel iyo in kale?, maxayse u jeclaan waayeen ee u diiday ma iyagaan dhalin?!, oo yaa dhalay hadaa? Mooyi! Malaha hooyada oo kaliya uunbaa ka masuula ilmaha korintiisa, barbaarintiisa iyo daryeelidiisaba, mise inaga ayaan dhaqan u lahayn in uu Aabbuhu ilmaha yar jacayl u muujiyo, kaxeeyo oo hooyada kala qayb qaato korintiisa iyo hawlihiisa gaarka ahba?. Oo ma ceebbaa haduu kaxeeyo, oo uu bas la raaco, ciyaarsiiyo, dugsiga geeyo, wax u soo iibiyo, waqtina siiyo?. Maya ceeb maaha balse waa waajib iyo xuquuq ay garab mareen oo hilmaameen Aabbayaal badan oo Soomaali ah intii ay ku mashquulsanaayeen soo helida waqti lumiyaha(Qaadka), Intii ay fadhiyeen goobaha lagu barjeeyo, intii ay buux dhaafiyeen xarrumaha mirqaanka iyo waalida lagu boqro, intii ay falanqeynayeen siyaassada dalka iyo ta dibada, intii ay ka sheekaynayeen wax aan dantoodu farin, intii ay ku foognaayeen qabyaalad iyo fadhi ku dirirnimada!.
 
Ugu dambayn, waxa mudan in aynu is weydiino hadaan Aabbuhu jacayl iyo naxariis tusin ilmaha inta uu yar yahay, marka uu weynaado ilmahaasi intee in leeg buu jeclaanayaa ama u naxariisanayaa Aabbihii??!
 
Fiiro gaar ah: dhambaalkan ma khuseeyo aabbayaasha wanaagsan ee xilkoodi ka soo baxay illaahay ha ka abbaal mariyee.
 
 
Alla mahad leh
Qalinkii: Muna Ahmed Omer
Email: muna_gafaneh@hotmail.com

No comments: