Waxay ahayd maalin xusuus ku leh noloshayda, maalin aanan iloobi Karin, maalin badashay noloshaydii, maalin sumad iyo astaan gooniya ku leh qalbigayga. Waxay ahayd duhur iyo casar dhexdood dadka badankoodu way hurdeen, hooyaday ayaan bogga kaga jiray, dhamaan walaalahay waa ay I ag jiifeen, mar kaliya ayuunbay nagu bilaabeen weerar, maan garanayn waxa ay ahaayeen iyo sababta ay noo weerareen toona, dhagaxaan aad moodo inay sida roobka xaga sare ka imanayaan ayaa si is daba joog ah noogu dhacayay. Dhagaxii u horeeyay waxa uu kalida kaga dhacay hooyaday, inta ay xanuunkii kor u booday ayay isku dayday in ay na difaacdo balse awoodeeda waa ay ka baxsanayd. Weerarku intaas oo kaliya kuma uu eekayn ee wuxu ahaa mid socday ilaa aan aniga hooyaday iyo walaaladay aan kala firdhanay, oo midba meel ka dhacay, orod ayaan miciinsaday maan garanayn meel aan ku socdo, waxan u ordayay kaliya si aan naftayda u badbaadiyo, hareeraha iyo gadaal ayaan kolba eegayay bal in aan mar uun isha la helo walaaladay iyo hooyaday, balse waxaan boodh ahayn maan arag!. Aniga oo ordaya ayuu mid ka mid ah cadawgii na weeraray tunka I qabtay kadibna kor ii qaaday hadana dhulka igu si daayay.
Dawakh ayaa igu dhacay waxba waan arki waayay hadana waxaan dareemay in uu mar labaad I qaaday, dagaal ayaan isku dayay, cidiyaha ayaan la soo baxay hadana dhulka ayuu igu sii daayay. Markaas ayaa miyir iyo maan iigu danbaysay.
Waan soo baraarugay aniga oo dhaawacyo badani igu yaalan, meel lugta ah way ii dhiigaysay, madaxu aad ayuu ii xanuunayay, indhaha ayaan isku dayay in aan kala qaado, laba ilaa sadex ayaa idul taagnaa, markii hore ee ay na weerareen malaha laba waa ay ka badnaayeen, imika se waa dhawr, waa ay buuqayeen, ma garanayo sababta ay u buuqayeen balse dood iyo muran ayaad ka dareemaysay hadaladooda “aniga ayaa qaadanaya tan!”, “ma qaadan kartid! aniga ayaa soo qabtay, oo hooyadeed ka eryay” “may aniga ayaaa iska leh! markii u horaysay aniga ayaa soo qabsaday!” hadalo sidaas ah ayay ku doodayeen, inyarba kama ay soo wareegin markii uu mid tunka I qabtay oo ila orday.
Wuxu isoo wandaafiyaba imay hoygiisii, inta uu gurigoodii aayar albaabka furay oo sidii tuug dhabaraya labada suul ee hore ku socday ayuu horta igu tuuray maqsin ay alaabooyin duug ah oo jajabay ka buuxeen, kadibna albaabka igu soo xidhay. Laba cisho ayay ahayd markii aan halkaa ku sugnaa ee aan cidna albaabka igu soo furin, gaajo iyo haraad ba’an ayaa I qabtay, codku dirqi ayuu igaga soo baxayay, waxa aan isku dayay in aan kor u dhawaaqo bal in ay cidi ii gargaarto. “maxaa meesha ka ciyaya?!” cod leh inta aan maqlay ayaa mar kaliya albaabka la igu soo furay, “tolow ma bisad baa meesha ku dhashay?!”.
Iftiinka markaan arkay ayan gurguurad isku dayay, “bisinka maxaa waxan meesha noo dhigay?!!” ayay ku qaylisay islaantii markii ay isha igu dhufatay kadib inta ay tunka I qabatay ayay dibada ii tuurtay albaabkiina iga soo xidhatay. Cadceedu waa ay kululayd, gaajada, haraadka, madax xanuun ayaa ii dheeraa, meel aan tago iska daaye meel aan ku suganay ma garanayo. Ilaa maalintaan dhashay hooyaday gosheeda ayaan ku jiray, jaqista naaska hooyaday iyo la ciyaarida walaaladay uunbaan aqaanay, guri laga guuray oo duug ah ayaan doc ka daganayn, sidaas ayay ahayd noloshaydu kahor intii aanay masiibadani igu habsan, ee aan aniga, hooyaday iyo walaaladay nala kala firdhin, ee aan la I badin kalinimadan iyo silican.
Dib ayaan ugu soo noqday halkii layga dayriyay, albaabkii guriga ayaan anigoo kolba gabanaya isna kuusaya garab istaagay oo sugay inta qof furayo, isla markii u horaysay ee la furay ayaan dalam yidhi, waxan soo luudaba waxan yimid dhisme hortii ay hor joogto gabadh yari “hooyo waa maxay waxani?!” ayay ku qayslisay inantii yarayd “waa bisad yar oo kolay hooyadeed ka tagtay ee iska daa” intay tidhi gabadh door roon oo aqalka ka soo baxday, ayay I siisay biyo iyo wax aan cuno. Haraadkii iyo gaajadii markii ay iga ba’een ayaan iskaga noqday maqsinkii alaabadu ka buuxday oo aan hurdo iska galay.
Indhaha ayaan kala qaaday mise isla kooxdii da’da yarayd ee isoo afduubatay, aniga iyo qoyskayagiina baabiisay ayaa igu xooman, oo igu dheeldheelaya, kolba dhinac ayay ii tuuraan, kol dhagax ayay igu dhuftaan. Wax ay igu dheeldheelaanba mar kaliya ayaan ka dhex baxsaday oo aan orod miciinsaday, orodkii iyo baxsadkii ayaan ilaa maanta ku jiraa, meeshan istaagaba waa layga eryaa, xaafad walba waa layga soo xidhaa. hooyaday war danbe kama helin, nasiib umaan yeelan la kulankeeda mar labaad, walaaladayna haba sheegin, tolow halkay joogaan iyaguna? Xaalad noocee ah ayay ku sugan yihiin? Ma sidaydan oo kale ayay balanbalaan ? mise way I nolol dhaamaan?!
Waxa aan ku noolahay meel kasta, waxa aan jiifsada kolba halkii gabalku iigu dhaco, cidi ima daryeesho cidna ima quudiso, waxa aan cunaa kolba wixii ilaahay I siiyo ee aan la kulmo, suuqyada ayaan iska xaabsadaa. Sidaas weeye meertada noloshaydu, taasina waxay ahayd qisadaydii, magac ma lihi waxa aan se ahay Bisad.
Alla mahad leh
Qalinkii: Muna Ahmed Omer
Email: muna_gafaneh@hotmail.com
No comments:
Post a Comment