Saddex wiil iyo gabadh dhalinyaro
ah ayay ahaayeen. Meel waddo dhinaceed ah ayay u taagnaayeen si wareeg ah oo u
muuqatay inay xog kala qaadanayaan. Aniga oo ag-maraya, ayay dhegahaygu maqleen
ereyo sababay in aan dib ugu noqdo; “Iska joog, anagaa ku geynayna xerada laga
baxo’e,” ayuu mid ka mid ahi leeyahay markaa. Waxa maankayga ku soo dhacay in
uu ka hadlayo tahriib, balse ma garanayn cidda uu la hadlayo. Dib baan ugu
noqday oo dhankoodii ayaan u dhaqaaqay. Intii aan u sii socday, ayaan
halacsaday wejiyadooda, mise midkood ayaaban weji-garanayaa, balse aanan
magic-dhebi karin. Markii aan gaadhay, ayaan salaamay, waana markaan ogaaday in
inanku uu la hadlayay inanta oo uu ku qancinayay in ay tahriibkeeda sii wadato.
Waa mid ka mid ah magaalooyinka
saldhigga u ah shabakadaha tahriibiya dadka ee mandaqadda geeska Afrika.
Markaan salaamay, ayay warkoodii gaabsadeen oo igu eegeen indho didsan. Inankii
aan weji-garanayay, ayaa isaguna I gartay, markaas buu si wacan salaantii iiga
qaaday. “Iga raalli ahaada, waxaan filayaa in aad ka mid tihiin dhalinyarada
danaha u jooga halkan?” ayaan si aan kalsooni badan lahayn u waydiiyay. “Haa,
oo arday baanu nahay halkan wax ka barta,” ayuu iigu jawaabay mid ka mid ahi.
Waanse ka war qabaa in af-gobaadsi iyo ku-gabbasho ay tahay waxbarashadu,
sababtoo ah, hore ayaan ula kulmay dhalinyaro facooda ah oo isla magaaladan ka
tahriibayay, kuwaas oo hore iigu sheegtay inay arday yihiin. “Kollay qaar
tahriib ahina way idinku jiraan!” ayaan u idhi si kaftan ku jiro. Markaas ayuu
wiilkii aanu is-weji garanaynay yidhi, “Haa, dabcan way nagu jiraan!.”
Waxaan isku dayay in uun inaan
hogo-tusaaleeyo oo aan xusuusiyo dhibta ay iyaguba og yihiin ee tahriibta,
“Saldhigyadan tahriibka iyo istaanka ay ka baxaan tahriibayaashu markaad
joogtaan, waxa laydiin sheegayaa in wax waliba dhaw yihiin oo ay sahlan yihiin,
balse dhibtu intaa ka mug weyn ee miyaad dalkeena aamintaan,” ayaan ku idhi.
Inta uu si kalsooni leh u faadhumaystay, ayuu yidhi, “Waar halkan dadkaa laga
dhoofiyaa, balse dalkan aad noo sheegayso hankaa laga dhoofiyaa!” Waan fahmi
waayay macnihiisa, dabadeed waraysi toos ah ayaaban la galay markaan arkay in
uu diyaar u yahay in uu hadlo.
BMK: Saaxiib horta magacaa?
Rejo-doon (RD): Magacaygu waa Rejo-doon.
BMK: Maxaad uga jeeddaa hankaa laga
dhoofiyaa?
RD: Waxaan uga jeedaa, waxa
dalkeena ku yaalla dekedo iyo istaanno laga dhoofiyo hanka iyo rejada
dhalinyarada iyo muwaadinka. Intayada halkan taagan imika, mid walba oo naga
mid ah waxa Yurub kaga sii horreeya oo uu u socdaa hankiisii! Anigu waan
xusuustaa maalintii HANKAYGA LA DHOOFIYAY! Waxay ahayd; aniga oo jaamacad
dhammeeyay oo aan waligay dalka dhinac uga bixin, maalintaan rejo helay ee aan
is-idhi imika ayaad shaqo gelaysaa ee xilkii ugu yaraa la siiyay qof dibedda
iyo qurbaha ka yimi. Wasiir ma rabin, ku-xigeen ma rabin, xildhibaan ma rabin,
agaasime guud ma rabin. Waxa kaliya ee aan rabay waxay ahayd urur dhalinyaro oo
aanu hal-abuurnay in la gacan-qabto oo curinta aanu la nimid ugu yaraan nalagu
dhiirigeliyo, tiina ma dhicin. Xitaa agaasime-waaxeedkii u hooseeyay ee
hay’adaha dawladda waxa la siiyay qurba-joog intooda badan. Badankoodu nagama
aqoon badna ee waxa ugu wayn ee loo door-bidayaana waa inay weftiyada raaci
karaan oo ay baasaboor ajnebi haystaan! Imika, intayadan mid walba hankiisu
wuxuu joogaa oo uu kaga sii horreeyaa dal gaar ah; aniga wuxuu joogaa
Ingiriiska, inankan wuxuu joogaa Iswiidhan, inankan kale wuxuu joogaa Noorway,
inantan nala taagan ayaa ugu dambaysay oo wuxuu kaga sii horreeyaa Holan.
Markaa, hankaa lagu dhoofshaa halkaase, ma dembi baanu leenahay?
BMK: Laakiin, soo ma ogid in
shaqo la qabtaa aanay kaliya ku koobnayn xafiis la fadhiisto iyo dawlad loo
shaqo tago oo dalkiina aad taageero dawladeed la’aanteed wax qabsan kartaan?
RD: Waa rejadii aanu qabnay,
balse taasna waa la dhoofshay. Waliba waan xusuustaa istaankii ay ka soo baxday
iyo dekeddii aan ku sii sagootiyay, waxay ahayd markii masuulkii aan xilka u
dirtay uu yidhi; dad kibray ayaa tahriiba ee baahi ma hayso dadka tahriibaya!
Waxa ka sii daran markii wax walba la igu yidhi; dal la aqoonsan yahay ma nihin
oo taagteena ayaa iska yar, markaas ayay rejadaasi hortay tahriibtay.
BMK: Mase ogtahay in adiga oo aqoontii
ahi markaad tahriibto, in garan-waa iyo aqoon-laawe uu ku bedelayo oo uu dalka
u hadhayo?
RD: Haa waan ogahay, balse kaas
waan ka dhacsan karaa markaan baasaboor soo qaato, waa haddii aan nabad-galo’e.
Bal u fiirso, dhawaan waxa madaxweynaheenu magacaabay guddi la yidhi waxay ka
hortagayaan oo ay wax ka qabanayaan tahriibka, waxa ku jira qaarkood qurbe-joog
ah oo baasaboorro ajnebi haysta. Sidee buu aniga iyo inta ila aragtida ah uu
ugu qancin karaa ha tahriibin qof isaguba baasaboor ajaanib haystaa? Adigaan ku
waydiinayaa, ee sidee buu ii qancin karaa qofka guddidan ku jira ee shalay I
lahaa dad kibray oo dhaqaale haysta ayaa tahriibaya? Sidee buu dhibta u xallin
karaa qof aananu isku aragtiba ka ahayn dhibta aan ka tahriibayo, haba
yaraato’e? II jawaab saaxiib adigaan ku waydiiyee?
BMK: Saaxiib waan dareemi karaa
dhibta kale ee jirta, balse waxa laguu garaabi karaa markaad soo negaaddo ee
aad dooddaas dalkaaga gudihiisa ka dhiibato. Xal kuma jiro in aad tahriibto,
qofka masuulka ah ee sidaas u hadlay ama aad u aragto in aydaan isku dan ahayn,
shalay wuxuu yimi adiga oo jooga, berrina adiga oo jooga ayuu tegayaa. Balse
adigu naftaada ha halaagin.
Waraysigii intaas iyo kaftan guud
ayaanu ku soo afmeernay, waxaana ii soo baxday in dhalinyaradan iyo inta la
aragtida ah ee tahriibayaa ay yihiin dad isla raadinaya HED IYO HAN waa hore
iswaayay oo kala hor-dhoofay. Balse, xalku kuma jiro in la tahriibo, naftana la
halligo. Waalidkana waxa la gudboon in ubadkooda ay ka caawiyaan sidii ay ugu
qanci lahaayeen dalkooda.
Barkhad M. Kaariye
Email: kaariye104@gmail.com
No comments:
Post a Comment