“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu
geynay,
Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,
Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,
Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,
Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”
Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,
Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,
Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,
Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,
Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,
Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,
Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,
Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”
Maansada Guubaabo ee Timacadde, 1970-kii
Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Xarfaha xarafka ugu ayaanka daran ee Somaliland
ugu xanaf iyo xumaanba badan, waxaan is-idhi waa Xa’da. Marka horeba waa
Birqaab, marna waxaad mooddaaba Kelbeddan wax lagu qabsado. Xumaan badan oo
aanu xarafkani galabsan ayaa ku xadfan. Ma aha wax Xarafku xushay ee waa wax ay
u xisheen inta summad ahaan u xanbaaratay. Bal hadda u fiirsada Xarafka aynu
ereyada uu ku jiro ugu xamashada badan nahay. Waa Xarafka inoogu xadantada
badan. Xilli wal oo aad joogtaanba isaga ayaad ka xantataan, ku xajiimootaan
kuna xanuunsataan.
Xukuumadda ayaad xiisaha xamashada intaa ku
xiiqdaan hadal-haynteeda. Waxa idiin raaca Xeer-dejinta. Xilalka kale ee aad ku
xiiqdaan waxa kale oo ka mid ah Xil-dhibaannada. Xilalka aydaan ku xiiqin kana
xishoon ee had iyo jeer xamataan waxa ka mid ah Xisbiyada. Xilalka kale ee
xasaasiyadda laga qaaday inta badanna aynu ku xajiimoonno waxa ka mid ah
Xeer-ilaalinta iyo Xeer-beegtida. Ereyada aynu u adeegsanno wadartooda waxaynu
ka soo qaadan karnaa oo aynu ku suntannaa in ay is-xanbaar yihiin. Go’aammada
ay qaataan ee xanuunnada ina haya ku xaydaaman waxaynu ka soo qaadan karnaa
Xeerarka oo aynu xakamayntooda iyo xaal-xumada ay inagaga tegeen aad uga
xanaaqno. Ereyada maamuuska iyo milgaha leh ee aynu xilalkan ku marriinno waxa
ka mid ah xishmad iyo xaq-dhowr.
Waa xaraf xarfaha afkeenna ka mid ah oo aynaan u
samaysan in aynu ku xajiimoonno, bal se intii u xilatay in ay adeegsadaan ayaa
xasadkaa iyo xiqdigaaba baday. Innagaa ka xaal-marin oo xarfaha kale ayaa
waan-waanta geli doona.
Ilaahay ha inoo sahlo e’, haadaan ayaynu ka
lulannaa. Dawladuhu waa saddex dhadhaar oo la isla wada yaqaanno, waxna lagu
cabbirto sida ay u hawl-galaan. Mid afraadna mar mar ayaa lagu daraa oo la
yidhaahdaa War-baahinta ayaa iyaduna mid kale oo miisaankeeda leh noqota.
Haddii la is-xisaabin waayo, haddii xilalka gudashadooda la isku ilaalin waayo,
haddii ay cid waliba sida ay doonto yeesho oo ‘hus’, ‘huf’, ‘hambee’ iyo
‘hadhba’ la is-odhan waayo, waa la lumayaa sida aynu maantaba u lunsan nahay.
Xil-dhibaannadii aynu 2005tii doorannay ayaa weli
ina hor fadhiya oo aan waxba inoogu maqnayn, aan ahayn in ay noloshooda iyo
aayahooda ka taliyaan. Shabaag ayaa u daadsan ay ku ugaadhsadaan. Sahankoodu
wuxu daadsan yahay tan iyo Madaxtooyada. Waxa sii socda iyo waxa soo socdaba
waa ay og yihiin. Marka la hor keeno ayay xanjadooda ku dhejistaan. Is-maba
hawlaan.
Maalin aan fogeyn ayaa la hor keenay Xeer lagu
xadaynayay xuquuqda iyo gunnooyinka Madaxweynayaashii iyo
Madaxweyne-ku-xigeennadii hore. Indha-adayggooda markiiba waxay go’aansadeen in
Xildhibaannadana loogu daro muddo sannad ah mushaharkood, marka ay muddada
xilka ay hayaan ka dhammaato.
Bal hadda aan daalacanno Odeygeennii Buuniga ahaa
ee ‘Google’ Guud-cadde sida uu dhacdadan u soo tebiyay. Waxaan ka soo weriyay
Qurba-joog.com, waxaanay u dhignayd sidan:
“Hargaysa 18. June (SDN) Fadhigii maanta ee
Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu waxay cod aqlabiyad
ah ku ansixiyeen xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo
Mudanayaasha Baarlamaanka Xeer No/62/2013.Mudanayaasha soo xaadiray fadhigii
manta oo tiradoodu dhamayd 44 Xildhibaan ayaa ansixinta xeerkaasi waxaa
ogolaaday 38 Mudane, waxaa diiday 2 Mudane waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan
Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay Xeerka maamuuska Madaxweynaha,
Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka oo ah xeer No/62/2013ka.
Mid Xildhibaan ah oo aan weydiiyay ayaa igu
yidhi: “Waxaanu korodhsannay muddo sannad ah oo ah sagootis.” Sida aan
aamminsanahay ama ka war-qabayba, Xukuumaddu waxay madasha keentay Xeerka
Hab-maamuuska Madaxweynayaashii iyo Ku-xigeennadii hore. ‘Iyo Mudanayaasha
Baarlamaanku’ waa arrin ka dhashay Golaha Wakiillada. Iyagu is-ma illoobaan,
innaga se cid ina hadal-haysaa ma jirto.
Nimankaa muddo-dhaafka ku jooga, nimankaa
xilalkoodii gudan waayay ee Xeer walba iska sii deynaya, nimankaa aan war iyo
wacaal ka hayn goorta ay doorashadoodii dhacayso iyo Xeerarkii lagu geli lahaa
ayaa jidaystay lacag 3 milyan oo dollar ku dhow haddii aanay ka badnaynba.
Hadda iyaga ayaa inoo qaamaysan. Ma halkii aynu daalac ka heli lahayn, ayay
innagii deyn inagu sii jarayaan. Bal ka warrama dee! Alla maxaa naaneys aanay
ummaddani galabsan u baxday, maanta ayay se ugu daran tahay oo aan ‘Ceelna u
qodnayn, cidina u maqnayn.’ Xeerarkan dhafan-dhaafka la isu weydaarsanayaa
dano ayay ku fadhiyaan aan danaheenna ahayn. Dhallintan dabar-go’a ku dhow ee
Tahriibka ku idlaatay Xeer kama soo baxo, duunyana looma qoondeeyo. Ammaankan
xumaaday ee guryihii la joogi la’yahay xeer kama soo baxo.
Laakiin! Miisaaniyaddu waa duudduub ku qaado.
Xeerka Sir-doonku waa arag la’aan ku qaado. Iyo dee intaas oo wax oo kale. Ma
waxaynu tirin karaynaa! Wasaarado, Wakaalado iyo hay’ado aan sharci ahaan u
jirin oo aanay Xeerkii dhismahoodaba oggolaan ayay intaa Miisaaniyad u sii
deynayaan. Dhallaankeenna iyo dhiillada haysata ma dhandhamiyaan, dhalandhoolka
geeddigooda miyay warba ka hayaan.
Waa wax aan hore inoo soo marin. Dawladihii
9kii sannadood iyo nidaamkii Maxamed Siyaad Barre midna waxan oo kale laguma
sheegin. Waa odey-ka-sheekee. Waa xaajo ugub oo ummaddan dhabarka iyo
xanjaadkaba ka jabtay misgaheedii la doonayo in lagu sii saarnaado. Xukuumaddu
kama hadasho. Haa! Laga yaabaa in markii ay Xeerka soo diyaarisay dareensanayd
in Xildhibaannada Wakiilladu sidaa yeeli doonaan, laakiin maxay ka qabatay.
Daacadnimo haddii ay jirto waa ay ka qaban lahayd, bal se waa la isku
danaysanayaa oo xaal wuxu iska noqday: “I daa an ku daaye, I diro aan ku
dirtee, Ii danee aan kuu daneeyee, I dooro aan ku doortee, Ii debci aan kuu
debciyee, Ii dar aan kuu daree, I dabbaalsii aan ku dabbaalsiiyee, I dallacsii
aan ku dallacsiiyee, Ii danbaab aan kuu danbaabee, I daaddihi aan ku
daaddihiyee, Ii dalee aan kuu daleeye.” Si kale kuma garataan e’ kii ‘Deel’
ahaa ayaan qudhiisa ka yaabbanahay oo aan Xa’diiba ka dhicin. Ilaahayow
Xarfahayaga aan nalagu dirin. Xuruuftaada oo lagula collaysiiyaa, waa
habaarrada laga ducaysto.
Cidda kale ee dhawaaqa laga sugayay waa
Xisbiyadii, iyagiina meel ay ku dhibceen cid sheegta la waa. Iyaga qudhooda
ayaad mooddaa in ay go’aammada noocan oo kale ah u rixinayaan oo ay
u-sacabbo-tumayaan, illeyn haddii kale waa ay ka hadli lahaayeen e’. Iyagana
sacabbo lulan, caleemo qoyan iyo ubaxyo qoorta loo sudho ayay doonistoodii iyo
dulucdoodiiba ka soo hadhi weyday. Maxaa kaa bi’I lahaa haddii ay dalka
gudihiisa meeraysan lahaayeen illeyn awalba wax inoo ma ay tarayn e’. Saarku
Yurub iyo Mareykan waxaan ahayn kagama soo dego. Marna waa sii dhaweyn iyo
baabuur sunsumaysa, marna waa soo dhaweyn iyo baabuur sunsumaysa. Car yaa wax
kale sheega. Waxaa ammuuro ina haysta ee camal-la’aanta, ammaan-darrada iyo
tahriibtu ugu mudan yihiin ma hadal hayaan. Waa casuumad….Waa ubax qoorta loo
sudho…..Waa lacag duluglaha Qurbaha ku ambaday laga yaboohsado……Waa waxaa iyo
waxaan dhaamin waxa lagu hawlan yahay.
Maye xilalkii ummddan tabaalaysani u igmatay?
Marka ay Xukuumaddii xilka loo dhiibtay xan iyo xatooyo loo nisbeeyo, marka ay
xeer-dejintii kormeeri lahayd ka mid noqoto, marka ay xisbiyadii la xisaabtami
lahaa xero-joog aan xaab tegin noqdaan, xaggee loo ciirsanayaa. Subxaan!
Sow tii ay Xisbiyadu Muxaafidka iyo Mucaaridka
ahaan jireen? Maxaa maanta xero keliya wada geliyay? Meeday Xeer-dejintii? Ma
afkii baa juuqda gabay? Sow kuwii odhan jiray hadal iyo hootaba waanu soo rogan
naqaannaa? Sow tii Daahir Ra’yaale Kaahin joog iyo jiifba loo diiday? Sow tii
Muddaaharaaddada Golaha hortiisa laga abaabuli jiray? Intii maalmahaaba
joogtay, ayaa maantana joogta e’ maxaa is-beddelay? Ma nidaamkii Daahir Ra’yaale
oo keliya ayaa ahaa xadhig lama sitaan? Maxaa dhacay? Maxaa si’ ah? Mise
siyaasadda inagu cusub ee ‘Shaglaydhka iyo Shaabuugga’ ayaa shaqaysay oo
tolow il la iskaga gartay? Mise qabyaaladdan ummaddii qardhaasta ay jaxaastaan
looga dhigay ayaa dhiilladan keentay?
Mise annaga ayaa qaldan oo aad nala yaabban
tihiinba. Meel kale laga dooni maayo: Qabyaaladda duluca furatay ee wax walba
cabbirka u noqotay ayaa inoogu daran. Wax kaleba ma hadal-haynno: Xaalkeennu
waa Qusum. Ilaa ciyaarihii gobollada ayaa sidii xawaashka lagu dallacay.
Kooxdii kubbadda ciyaaraysay ayaa Qusum ahaan qaydhiinka lagu qaybsaday.
Xulashadii wasiirrada ayaan wax kale loo adeegsan. Subxaan! Tolow maxaynu ku
danbayn, haddii aynu is-daba qaban weynno.
La ye innaga ayaan daawan e’, kubbadihii weli waa
ay socdaan. Haddii aanay socon maxaa loo garan waayay qofkii ugu gool dhalinta
badnaa? Ma Cabdi-riyaad baan baabuurka geyin! Ma qabyaalad baa lagu kala saari
la’yahay gool-dhaliyayaashii? Ka warrama dee maxaad la hoganaysaan! Ma taasaa
beer bisil kala goyn doonta.
Dadku Qabyaaladda ma rabaan. Waxaan u
maragsanayaa tixdii uu Gaarriye ku ballaysimay Deelleeydii ee ‘Dugsi ma leh
Qabyaaladi’ 10/12/1979kii uu ka tiriyay Muqdisho, waxaanu yidhi:
“Qabiilkii dorraad yiil,
Isticmaarki baa dumay,
Shalay dabo-ka-naax iyo,
Dibitaati baa waday,
Maantana dillaal iyo,
Dibbir baa ku xoogsada,
Waa dabin qarsoon oo,
Ummadday ku dagayaan,
Boobkay ku dedayaan,
Qolo-qolada loo degay,
Kama dhalan dadweynaha,
Ragga dacarta huriyaa,
Waa kooxo duumo ah,
Daaddihiyayaashiyo,
Maamulkay ku duran yiin,
Qaar baa digtoorro ah,
Digriigoodu madhan yahay,
Qaar baa durbaanno leh,
Oo daacaddii jaray,
Darna waa hagoogtaan,
Waa deniyo waaweyn,
Isku soo dabbaal oo,
Waa dabaqad maal jecel,
Waxa loo dig leeyahay,
Dhididkayga dahabka ah,
Sidii loo duddubin laa,
Afartaa docdaa mari,
Dugsi ma leh Qabyaaladi,
Waa dararta baahida,
Waa astaanta dib-u-dhaca,
Waa boog dalooshoo,
Dadka maanka kaga taal,
Dirxi qudhun ku nool iyo,
Waxa fadha nin daallin ah,
Damqa oo ku joogsada,
Maxaa maalmaha iskaga eg. Maantana Gaarriye miyuu
inala joogaa, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.
Dhammaad
No comments:
Post a Comment