DHADHAMI WAAYIHII DORRAAD: Taxane dib u milicsanaya taxanihii siyaasadeed iyo duruufihii nololeed ee Somaliland wakhtiyadii laga soo gudbay. Wuxuu taxanahani faallayn doonaa saaxadda siyaasadeed, saxaafadeed, nololeed iyo wax kasta oo uu u arko in loo baahan yahay in dib loo milicsado.
Qaybtan oo huwan ciwaan-hoosaadka 'Xorriyatul-qawl mise Xabsi-qool?' waa tan ee shifo ku il-saara.
Dhawaaqa ka soo yeedha dalka hooyo marka qofku
dibedda ka joogo, waxaad mooddaa in uu ka kulul yahay, kana damaq badan yahay
kuwa laga sheego marka dalka gudihiisa la joogo. Xarun warbaahineed baa la
xidhay! Hadda waa xidhitaankii waynaa! Qadhaadhaa oo culusaa, waxase garan kara
uun intay damqayso. Waxbase kama oga miisaanka ay leedahay inta kaskoodu aanu
dhaaddanayn iyo inta iska indho-tiraysaba.
Warbaahintu way gaftaa, waliba xadkeeda u
gudubtaa si indho-la’aan ah. Wakhtiga la joogo iyaga ayaa ugu xad-gudub badan.
Hadda ma xukumayo oo kama hadlayo in Wargeyska Hubaal ee la xidhay uu qaladka
leeyahay iyo in kale, sababtoo ah, arrintaasi xukunkeedu waxay leedahay jid loo
maro, sida sharcigu dhigayo. Waxase wax walba isku fuuqsaday ereyga XIDHITAAN.
Maanka saliimka ahi wuxuu garowsan yahay in Wargeyska Hubaal aanu diyaarado
dagaal iyo madaafiic ku weerarin qasriga madaxtooyada ama dawladda..Haa, waan
yaqiinsanahay in madaafiic la isku weeraro ay ka adag tahay marka qofku qalinka
cid gaar ah ku weeraro, hase ahaatee, taa lafteeda (Haddiiba ay jirto), ayaa
sharcigu dhigayaa jid loo maro. Waxa muuqata inta masuuliyadu saaran tahay ee
kala ah; masuuliyiinta qaranka iyo masuuliyiinta qalinku inaanay midkoodna si wacan
u fahamsanayn (Intooda badan weeyaane), macnaha iyo qeexitaanka
qorriyatul-qawl. Bal aynu si kooban u qeexno qorriyatul-qawl;
Qorriyatul-qawlku waa ta meel ku tiirisay
qorigii la sitay ee keentay in qofku qalin ku cabbiro dareenkiisa, kagana
maarmo in uu qori ku sheegto cabashadiisa. Waa ta dhistay qaranka maanta jira
ee aqoonsiga u taagan ee Somaliland. Xorriyatul-qawlku waa qaabkii loo maray in
Madaxweynaha talada haya hadda ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu gaadho
hammigiisii ahaa hoggaamiyenimo. Yaa I odhan kara, qeexitaankeedu sidaa maaha,
marka laga eegayo macnaha ay ugu fadhido Somaliland?
Ayaan-darraduse waxay tahay, masuulkii
qarankuna wuxuu xorriyatul-qawlka u yaqaanaa in aan waxba laga qori karin isaga
iyo inta uu raallida ka yahay – haddii laga qorana ay hay’addaasi xadhig
mutaysato. Halka masuulkii qalinkuna uu u yaqaano in uu ciddii uu doono wax ka
qori karo, wuxuu doonana ka sheegi karo. Ma fahamsana in xuquuqda
xorriyatul-qawlku ay ku egtahay halka ay ka bilaabanto xuquuqda gaarka ah ee
qofka wax laga qorayaa. Isku soo duub oo aqoon-darro baahday dheh. Waxba yaanu
ila dheeraan qoraalkuye, qaladka jira ee ay sameeyaan masuuliyiinta qaranka iyo
kuwa qalinku, sixitaankeeda haddii la rabo waa la garanayaa jidka loo marayo,
waana loo tilmaamayaa ciddii danaynaysa, waase haddii la doonayo in wax la
saxo.
Aragtida sharci:
Sadarada kore ugama jeedo halka aan u
socday iyo in aan kaga hadlayo Wargeyska Hubaal iyo in uu dembi leeyahay iyo in
kale, balse waxaan si guud u sawirayaa marxaladda maanta guud ahaan ay ku sugan
yihiin Siyaasiga iyo suxufiga dalku. Aan u soo noqdo dulucdii qoraalkayga’e,
gar iyo gardarraba waxa maanta saxsan oo laga gar daran yahay Wargeyska Hubaal,
laba arrimood dartood;
1- Sifaha loo
maray in la xidho xaruntaa warbaahineed oo sharciga ka hor imanaysa.
2- Tallaabada
XADHIG oo aan meelnaba kaga jirin shuruucda dalka.
Aan marag u keeno labada sababood ee
kore. Shuruucda dalka waxa ugu sarreeya (Marka laga yimaaddo Kitaabka
Quraanka ah iyo sunnaha nebiga), waa distoorka Somaliland. Muxuu ka yidhi
dhawritaanka warbaahinta iyo xuquuqda qoraalka, waa tan ee bal dhugo akhriste;
Qodobka 32aad ee dastuurku wuxuu
dammaanad-qaadayaa xorriyadda iyo madax bannaanida warbaahinta iyo faafinta
aragtiyaha, sida ku xusan farqadda saddexaad oo u dhigan sidan;
‘Saxaafadda iyo warbaahinta kaleba, waxay
ka mid yihiin xorriyaadka aasaasiga ah ee rayi-dhiibashada, waxaanay leeyihiin
madax-bannaanidooda. Way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo,
hawshoodana xeer baa nidaaminaya.’
Dhinaca kale, farqadaha A, B, C ee qodobka
saddexaad ee xeerka warbaahinta Somaliland, waxay sidoo kale reebayaan tallaabo
kasta oo ka horjeedda madax bannaanida warbaahinta, waxaanan inagaga filan
faqradda B oo u dhigan sedan; ‘Saxaafadda cabudhin lagulama kici karo.’
Xeerka warbaahinta Somaliland kaliya xuquuq
ma siinayo warbaahinta iyo inta ka hawl-gasha, wuxuuse sidoo kale saarayaa
waajibaad ay tahay in uu guto qofku. Sida ku xusan qodobkan 10aad, farqaddiisa
1aad oo u dhigan sidan;
‘Saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay
xaqiijiso waxsoosaarkeeda saxaafadeed ee ay fidinayso in uu noqdo mid run ah oo
dheelitiran.’
Geesta kale, marka saxaafaddu dembi gasho
ama ay xad-gudub samayso, sharciga warbaahinta Somaliland wuxuu qeexay habka
loo marayo iyo shuruucda la adeegsanayo, sida ku cad farqadda lixaad ee
qodobkan 10aad oo u dhigan sidan;
‘Saxaafadda ku xad-gudubta farqadda
qodobkan, waxa loo raacayaa anshax-marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa
saxaafadda iyo xeerarka madaniga ah ee falkoodu khuseeyo.’
Meelnaba sharciga kagama jirto waa la xidhayaa
iyo albaabbada ha loo laabo – haddaan cid kale iska jeclaan inay ku qaaddo
Xeerka ciqaabta guud IWM. Qofka u mara in uu adeegsado xeer kale, amar qof
kaliya ama awaamiir dad jamac ahi ay soo bixiyeen, waxa sharcigu ku tilmaamayaa
waxba-kama-jiraan. Tallaabo kasta oo ka dhalatana, waxay noqonaysaa mid
sharciga baal marsan.
Waayihii dorraad iyo walaacii
mucaaradkii wakhtigaa:
Haddaba, akhriste si aynu u milicsanno waayihii
shalay iyo wixii la soo maray inyar oo ka mid ah, aynu dhugano qoraalkan hoose;
Taariikhdu waxay ahayd 09 February 2005,
guddoomiyihii xisbigii mucaaradka ahaa ee wakhtigaas, ahna madaxweynaha maanta
ee JSL Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay
Ingiriiska, waxaanu ka soo degay Hargeysa. Shir-jaraa’id oo uu gurigiisa ku
qabtay wuxuu kaga hadlay arrimo door ahaa oo wakhtigaa taagnaa. Waxa ugu mudnaa
xadhigga afar suxufi oo ka tirsanaa Wargeyska Haatuf oo xukuumaddii wakhtigaas
ee Daahir Rayaale xabsiga u taxaabtay. Akhriste, si wacan u dhugo ereyada uu
wakhtigaas Md. Siilaanyo ku cabbiray xadhigga suxufiyiiintaas;
“Taas (xadhigga suxufiyiinta) oo aan hubo
inay ceeb wayn ku tahay geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dadnimadeena iyo
qaranimadeenaba, inaga oo maanta higsanayna oo dunida u bandhigayna oo ku
faanayna inaynu nahay qaran madax bannaan oo doonaya inay dunidu ictiraafto oo
doonaya inaynu dunida u bandhigno waxaynu qabsanay, geeddi-socodka
dimuqraadiyadda, xurmaynta aynu xurmaynayno sharafka uu qofku leeyahay,
madax-bannaanida saxaafadda, qorriyatul-qawlka, sharciyadda iyo distoorka,
inaynu maanta talaabooyin noocaas ah qaadno, waxaan u arkaa inay aad iyo aad
inoo waxyeelayso indhaha caalamka!”
Md. Siilaanyo oo sidoo kale ka hadlay
arrimo kale oo uu ku eedaynayay xukuumaddii wakhtigaas, waxa uu hadalkiisa ku
soo gebogebeeyay wakhtigaa uu shirka-jaraa’id qabanayay;
“Waxyaabahaas oo dhami waxay wada
muujinayaan dhammaantood, dalku maanta halka uu marayo iyo hadlkaa aynu
higsanayno ee qaranimadeena aynu ka raadinaynaa inaanay wax isleh ahayn.”
Haddaba, isweydiintu waxay tahay, haddiiba
markaa isaga oo mucaarad ah uu Md. Siilaanyo sida muggaa leh u cambaaraynayay
xadhig suxufi, sidee ayay maanta u suurtogashay in isaga oo Madaxweyne dalka ah
la xidho Wargeys dhan oo albaabada loo laabo? Indhihii caalamka ee wakhtigaa
ina eegayay, miyay inaga jeesteen maanta? Aqoonsigii aynu doonaynay ee xadhigga
suxufigu carqaladda ku ahaa, miyaynu ka maaranay maanta? Mise waxaynu
nidhaahnaa, Md. Axmed-Siilaanyo hadalkuu uu wakhtigaa ku soo gebogebeeyay ee
ahaa in aanay islahayn halkaynu u socono iyo waxa dalka ka dhacayaa, ayaa
maanta taagan oo uu madaxweyne ka yahay?
Gebogebo:
Isku soo duub, khalad kasta oo ay
warbaahintu gasho waxa jira habab loo maro, sidaynu soo sheegnay. Waxa kale oo
jira xal loo hayo si ay meesha uga baxdo khilaafka iyo is-haysiga joogtada ah
ee Xukuumadda iyo warbaahintu. Hase ahaatee, wuxuu caqliga saliimka ahi arkayaa
in xadhig iyo cabudhin aanay ahayn xalka dhibta taagan. Haddii inta fikirka
cabudhinta ahi in uu xal yahay aaminsan ee arkaya uun khaladka ay warbaahintu
gelayso ee ay iyaga laftoodu ay qaybta ka yihiin, ay ku adkaystaan falalka
cabudhinta ahna, waxa qalinka iyo inta u ehelka ahi ay ku qancinayaan tuducan
ka midka ahaa maansadii Daalalley ee Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi);
Ma didee hargooloow,
Ha igu tumin durbaannada,
Iyo daasadaha madhan.
Sababtoo ah, cabudhintu xal maaha, hore
ayaa loogu dabri lahaa. Ha loo soo noqdo xalka, ha lagana raadiyo halkuu yaallo
oo ah cidda dantu ka dhaxayso ee masuuliyiinta qaranka iyo masuuliyiinta
qalinka ah.
Barkhad M. Kaariye
Email: kaariye104@gmail.com
Blog: www.kaariye.blogspot.com
No comments:
Post a Comment