Waxa la caayayaa kaskaaga iyo garashada suubban ee ka soocda
abuurta kale. Haddaa maxaa laguu jaho-wareerinayaa. Waxa la ogaaday
goldalooladaada iyo iimaha ku dul gawdiida, waxaana la oddorosay falcelinta aad
kaga jawaabi karto qadaf kasta oo laguula badheedho.
Waa lagu halaanbeeyay oo
berdaanka ayaa lagu saaray; waa lagu lafoguray, waana lagu dersay. Dharaar sii
fogeyd ayaa hoosta laga xarriiqay qabitaannadaada iyo ahdaafta
biyo-kama-dhibcaanka u noqon karta masiirkaaga. Waxaad guddo iyo waxaad gashaba
waa laga dheregsan yahay, maantana wax kasta oo aad samaysaa waxba kuma biirin
karaan baadi-doonka aad ugu jirto nolol tan dhaanta!
Haa. Waad halgantay si aad u xaqiijiso yool aan cidi kuu diran.
Waad xiiqday oo waad xabeebatay. Himilo durugsan iyo hilaad fog midna maad
astaysane, sidii qori daad la tegay ayuun baad badweyn sabbaysay. Maalintii aad
is weyddiisay cidda aad u shaqaynayso iyo sababta aad waxan oo hanfi ah ugu
jirtana, cidi kuma dhegaysan. Kii reerkiinna ahaa ee idin hor kacayay markii
aad su’aashaas kula dhiirratay, waa kii kugu afwaajiyay: “Dee beryahanba inaad
madaxtooyada u dusto waa la sheegayay”. Yaab. Madaxtooyaduna xaggee kuu soo
martay! Laakiin maanta waxaad uurka ka tidhaahdaa, mararka qaarkoodna aad ku
calaacashaa, “Iska geli lahaydaa!” Adeerkaa maalintaa si adag ayuu kuu
waabiyay, waxaanu duqeeyay qofnimadaada, si-araggaaga iyo xorriyadda
afkaartaada. Xaqiiqada waxa lagu caabbiyaa xadhkaha been-abuurka, bahdilka iyo
dafiraadda.
Qoomammo iyo qammuunyo toonna ma joogtid maadaama uu dadkuba
kula wada mid yahay. Waa la caaddifadaysnaa, dadkuna uma gacan-bannaanayn inuu
si furfuran uga baaraandego mawqifka hadoodilan ah ee la soo walwaashay. May
jirin fursado lagu falanqeyn karayay aragtidan marin-habaabisay sifihii
toolmoonaa ee wax loo raadin lahaa. Degdeg iyo si aan kaadsiimo lahayn ayuunbaa
dadka wax loogu af rogay. Labadii dhinac is eryanayay ayaa dadka madiiddo
saaray oo caroog jaan iyo darammal runta lagu bogdooxo u tumay. Nacab iyo
nasteex may kala lahayn ee labada haliilba dadka way dhaceen; mid hantida
fadhataystay iyo mid caqliga masaakiinta bililiqaystayba.
Bulshadu way daallanayd, xal kale oo ay ku eeran karaanna ma
muuqan. Dabcan, nafta ayuunbay kula dul dhaceen. Waxa kale oo laga
faa’iidaystay dhacii, boobkii, iyo baylahdii kale ee jirtay oo lagu iidaamay
boqollaal maslaxadood oo huwan shaadh qarannimo. “Walaalayaal, waannu ka
xunnahay saxaafadda la cabbudhiyay…. Waa in dadku codkooda kaga jawaabaan
caddaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo keli-talisnimada maamulku caadaystay…
Annagu, haddii ay biyaha tahay, haddii ay waddooyinka tahay, haddii ay
caafimaadka tahay, haddii ay…. iyo haddii ay…”. Waxan oo afmiishaarnimo ah oo
loo geeyay muddaaharaadyo salmi ah,Madaxweynuhu ha dhaco iyo afcaal hunguri
wed ma arko ah ayaa noqday sallaankii lagu halabsaday geenyada.
Maantana run badani ma jirto. Sida aad u og tahay tahay ama aad
uga war la’ dahay in marar hore lagu lug-gooyay, ayaanad xogogaal ugu ahayn in
maantana mar kale lagu jillaafaynayo. Timaaddo kasta iyo tagtadeedaba, waxa la
iskaga gudbaa boqollaal khad oo wada turxaan iyo tarbiico miidhan ah, waxaana
lagu dhaqaaqaa tallaabooyin iska hor iyo daba imanaya oo wax laguugu dhimayo.
Bal adiguba dib u xusuuso inta aad u soo joogtay arrin deelqaaf ku ah
dawladnimadan meehannowsan oo aan laba Cali ku wada hadlin. Subax walba gef baa
dhaca, weliba, indha-adayggooda; turunturrooyinkooda ayay kaaga dhigaan guul
markii ugu horreysay la hantiyay. Adiguna waad u dhug leedahay waxa socda,
waxaad se ku deysatay “Dhiilku ha buuxsamo” ama waxaad aamintay in isbeddelkii
aad jeeshay sidan ahaa.
Intii aad jirtay iyo taxanaha sooyaalkaagaba, xilliyo kala duwan
ayaad isku hawshay tacabyo kala duwan. Sidii lagaaga bartay, maantana, mar kale
ayaad tasaysay. Libtii aad diif iyo darxumaba ugu dhabar-adaygtay waxay kaaga
baahnayd daryeel iyo tooggo-hayn. Waxay kaaga baahnayd ilaalin, il-ku-dhawris
iyo dabagal joogteysan. Laakiin markii aad intaasba ka hawlyaraysatay, ee aad
duhur cad ka seexatay ayay dubur hawd ka xushay!“Gunti furey nin caashaqay
haddii, guudka loo sudho’e,” Waxaad isku qancisay; “Labada sanno ee
hore yaan waxba laga sheegin”. Ma taqaannid sababta sidaas loo yidhi, waxaad se
maqashay qaar sidaas uun ku halaanhalaya oo waad ku ayidday. Dalagdalagta
Raacdeyntaadu waa goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oo aanad karaan u lahayn
inaad aqbasho runta mutaxan iyo guul-darrooyinka ku hor tuban. Haddii
labadaasiba ku dhammaadaan wax aan ahayn wixii aad u golongoshay, ma wax baad
istifiidday? Sow daal uun maad korodhsannin? Ma sidaasaad weliba ku doonaysaa inaad
adduunyada kaga mid noqoto? Mise taas diyaarba uma tihide, waa meexaanaha aad
nafta ku madadaaliso. Maxaad u ilduuftay meerisyadii ahaa: “Hadba soo gadaal
eeg ninkaad, gadato hiilkiisa”. Dee mooyidaada!
Mar haddii aanad wax-diiddo lahayn ama aad doonista kasha ka
raadinayso hilimada leexsan, way adag tahay sida aad u rumeyso riyada
maleawaalka ah. Cidna ha eersannin, hana ka murugoon urugooyinka iska soo daba
dhacaya. Waxba indhaha ha ka meermeerinnin, hana is-diidsiinnin inaad waajahdo
hadimooyinka muuneysan ee car iyo bey la’. Inkaaraha iyo ibtilooyinka arlada
simay waa abaalgudkii tacabkaaga. Miyaan Ilaahay odhannin “Musiibada dhacaysaa
waa wixii aad kasbateen”. Haddii cidi eed leedahay, adiga ayaa leh. Inta aad
dunuubtaada ka ordayso iyo inta aad ka dhego-la’dahay xil-gudashooyinka kuu
gacan-haadinaya, waad lunsan tahay! Inaad is daba qabato, inaad is illowsiiso
iyo inaad ka jawaabtaaba, kuu furan. Kolleyba, door iigama bannaana inaan kuu
dooro hannaanka aad jeceshahay inaad u noolaatid.
Maxamed Saleebaan Cumar
E-mail: halabuur@hotmail.com, contact@weedhsan.com
Website: www.weedhsan.com, www.weedhsan.org
No comments:
Post a Comment