" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Horta yaa waalan? W.Q: Axmed C. Cumar

Thursday, October 25, 2012

Horta yaa waalan? W.Q: Axmed C. Cumar

Horta ma anigaa waalan mise adiga?. Inaan anigu waalanahay sow adiguba imaad garateen mar hore, haddaad fayowdahay?. Laakiin, sideen kuu aamini lahaa?. Inaan sax ahay waxan ku garanayaa, dee adigaaba waalan!  Waa la-yaab sida waallidaadu wax noogu tartay xilligii sicir-bararka. Haddaan ogaan lahaa inaad waalan tahay, aniguna waan is-waali lahaa!.  Yaase, xaq inoo siiyey inaynu waallideena wax ka sheegno? Kuwaasi iyagaaba waalan hadday jiraan.


Waan ogahay inay dadku is-leeyihiin labadan maxaa waalay, manay aqoonsan  lab iyo dhedig kaynu kala nahay, haddana, keena waalan kuu yahay wali kama dhaadhacsana. Anigu waan ka hadhi lahaa kuwa lagu tiriyo inay waalan yihiin, laakiin waxan ka baqanayaaa markaan dadka dhex-galo in la i yidhaahdo kaligay; ‘waad waalan tahay’. Sidaa darteed, waallidu koox ahaantay ku fiican tahay! Waa iga talo’e waalidu yey kaligaa cidlo kaa helin waligaa. Tusaale ahaan waxa kuugu filan, Iska daa cid kale oo’ xoolaha kuwa dabeecadda wanaagsaniba markay waashaan wax ka dabeecad xumi ma jiro.
 


Waxaa laga yaabaa in hadii aynu ku heshiino inaad  waalan tahay, qaar badani, kugu yidhaahdaan, “waad hagaagsan tahaye, yaa ku yidhi waad waalan tahay?” Dabadeed aad la soo an-fariirto “ma waalni ee caadi-baan-ahay. Wallaahi sax baan ahay” iyo hadalo caynkaas ah, oo aad hadhawna marka adiga iyo asxaabtaadu shir-shirtaan af-gobaadsi ka dhigato  “Ninkaa ha la iga qabto”  oo la inoo garnaqo. Garta lafteeda waa muhiiim inay ka qayb-qaataan dad waalan iyo dad waayeel ahiba. Gartaasi, waxa ku bilaabmi kartaa—waa haday dhacdaba’e—sidan:

Salaan, araar iyo guud-mar labada dhinaca ka dib, Ninka “ Ma waalida mise wareerka”…Lasoco qayb dambe.  





W.Q: Axmed Cabdiraxmaan Cumar


No comments: