" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Horta yaa waalan? Q. 2aad: W.Q: Axmed C. Cumar

Saturday, October 27, 2012

Horta yaa waalan? Q. 2aad: W.Q: Axmed C. Cumar

Salaan, araar iyo guud-mar labada dhinaca ka dib, Ninka “ Ma waalida mise wareerka”, Waa siday yidhaahdeen qoladii xaggaaga ka socotay. Qoladii xaggayga ka socotayna waxay tibaaxeen si ilbaxnimo ku jirto sidan;
“Ha na odhan ma waalida mise wareerka’e waxaad na tidhaahdaan horta yaa waalan?” Isla markiiba waxaa bilaabmay, is af-garanwaa iyo kala dhicid labada dhinac ah. Waxay hoos-hoos intaa iskugu odhanayaan hadalo goos-goos ah oo ninba marka uu cabbaar ilaa shan-daqiiqo aamuso uu mar hal eray ku yidhaahdo saaxiibkiisa ag-fadhiya. Waxa hadalladaa inta ogaal-kayga ah ka mid ah; “oo miyey waalan yihiin?” “Maxaa ka si ah” ‘bal ka sitee’ ‘Adba’ “U malee” “Ugu dhaaro” “wadhi” “Umuur” iyo qaar kale oo aad looga helo markaan kaligay ugu sheekaynayo nafta. 

Waxa marag-ma-doon ah in labadeena qolo aynu midkeenba gaarkiisa aad ugu kala kalsoonahay, laakiin haddana aad mooddo inay iyagu kaa saxsan yihiin marka loo sii fiirsado. Ha moodin saxsanaanta tii tooska ahaan jirtay. Waa mid dhexda ka qaloocda oo sidaad moodayso inaad waddo toos ah u marayso, ayuun baa markay xaafadaha qaar dhex-marayso tuur-tuur iyo jeex-jeex iyo laab-laab miidhan noqotaa. Haddaad la sii socotana, haadaan iyo godad iyo boholo kala waaweyn bay kugu ridaysaa. 

Gartii aynu ku soo noqo; waxa inoogu dambaysay, kala shakigii. Waxaa intaa ka dambeeyey, in dhowr jeer la kala ballamo. Meelo kala duwanna lagu kulmo. Ilayn gar qaloocda meel la fadhiistaa waxba kama tarto!. Waxaa tiro dhaafay meelaha la iskugu yimaaddo arrintan awgeed. Waxa dhacda mararka qaar raggii ku balansanaa in gar la galo, ay isku arkaan meelaha hubka lagu iibiyo. Dabeedna uu nin waliba is-idhaahdo, “Ma ninkan hubka iibsanaya ayaydun meeshii isugu iman kartaan!”. Dabadeedna shakigii sii waynaado, sii naaxo, sii ballaadho. Ciyaar shoodhe-khiyaamo la yidhaahdo ayaa la wada dheelayaa oo midba midka kale markuu ka badiyo, ku tilmaamaya wax waaalan. Dadkii kale ciyaalkoodii iyo kuwani markay iskuulka isku yimaaddeen, waxay kala barteen, eraygan “Waad waalan tahay.” Muddo ilaa toban sanno laga joogana erayga waad waalan tahay, wuxuu dadkii xagooda la noqday wax lagu faano, la iskuna amaano. 

Hadda I fahan, wali garteenii natiijadeedii lama gaadhin, si saxana cidi wali ugama fadhiisan. Intiiyoo dhanna aniga uun baa dhinacayga kaaga akhriyey siday ila tahay.
Faalladaa badan marka laga yimaado….La soco.

W.Q: Axmed Cabdiraxmaan Cumar

No comments: