" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Dhallintii Dhulkaygaay!!

Saturday, December 3, 2011

Dhallintii Dhulkaygaay!!


W.Q: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Weli adiga iyo naftaadu habeenno ma kala dhaxdeen, Maalmana ma kala maqnaydeen? Ma isku soo hilowdeen, habna ma isa siiseen? Hadda waa adiga iyo naftaada !!



Siddeed iyo toban caano maal baan aniga iyo naftaydu is mooganayn. Halgan iyo heegan bay ku jirtay, anna hurdo iyo hadal baan ku jiray. Dhiiri galin iyo dhiig dhaqaajin bay ku jirtay, anna dhalandhool iyo dhabannnohays baan ku jiray. Fagaaraha Taxriir (Maydaan Taxriir, Masar) ayay inta samaha iyo sinaanta jecel jaal kula ahayd, anna xaafadda Madiinatu Nasri ayaan inta xuska dabada kula jirta ee xaalkoodu ahaa beerka jecli xaydha jecli saaxiib kula ahaa.


Dhallintii dhulkaygaay,
Dhaawac baan qabaayoo,
Wadnahaygu dhiigaba,
Ma dhaqaajinaayee,
Dhankaad iga xigtaan baa,
Dhaxantu iga haysaa,
Dhankaad iga xigtaan baa,
Layga soo dhacayaa,
Dhankaad iga xigtaan baa,
Dhurwaagu iga cunayaa,
                                                "Axmed Deeq"

Siddeed iyo toban caano maal baan aniga iyo naftaydu is mooganayn. Halgan iyo heegan bay ku jirtay, anna hurdo iyo hadal baan ku jiray. Dhiiri galin iyo dhiig dhaqaajin bay ku jirtay, anna dhalandhool iyo dhabannnohays baan ku jiray. Fagaaraha Taxriir (Maydaan Taxriir, Masar) ayay inta samaha iyo sinaanta jecel jaal kula ahayd, anna xaafadda Madiinatu Nasri ayaan inta xuska dabada kula jirta ee xaalkoodu ahaa beerka jecli xaydha jecli saaxiib kula ahaa.

Geesiyada geedka gobanimadu dhiigoodu ku baxdo ayay wayrixin iyo waano iskugu dhafaysay, anna giirrayaasha (fulayaasha) haweenka iyo carruurta ku dhex dhuumanaya ayaan baqasho la dhex joogay. Ul dheer baan guriga dhexdiisa kula wareegayay, anniga oo hablaha geesinimo aan meel fog jirin u muujinaya.  Gabdhuhu marka ay isha ku dhuftaan budka garma qaataha ah ee midigtayda ku jira iyo sida aan naqaska iskugu xidhayo waxa ay is lahaayeen:  Kani boqol nin oo warmo haysta biyaha u kaban maayo. Hadda bisadi haddii ay albaabka dhaqaajiso is dhiib baan ku jiray oo wadnahaan farta ku hayay. Fule, illaahay wuxuu asturay markuu haween iyo carruur u abuuray . Laakiin anniga waa ii cudur, waayo naftaydii baa iga maqnayd.

Halgankii markii uu dhammaaday. Heeryadii gumaystaha markii ay Masar hagaag isaga tuurtay. Waxay hibanaysay markii ay si toos u sheegatay ayaan naftaydii ka codsaday inay soo guryo noqoto. Waase igu gacan saydhay! Waxa ay iga dalbatay inaan fagaaraha xoriyadda ugu tago oo aannu halkaa iska soo raacno. Barqo Axadeed ayuun bay ahayd markii aan dheereeyaha dhinaca kaga booday, anniga oo u sii jeeda dhankii fagaaraha xoriyadda. Axaddaas iyo Sabti ka horraysay ayuun bay Masar iyo odaygii qabay is mooganaayeen . Wuu jeclaa haysashada islaanta, laakiin qasab baa lagaga furay. Haddii ay cid kale ka dhaqqjisan ciilba ma qabeene, waxa ka furay ubadkiisii.  In ay sidaa yeelaan gar bay u lahaayeen,  wayna ku sax sanaayeen. Sababtoo ah  odaygu wuxuu curdan dhadhiyay ubixii u soo kacayay. Wuxuu rajo tiray dhallintii dhulkooda jeclayd. Wuxuu isku soofeeyay muslimkii iyo gaalkii waddanka wada lahaa.

Iyaba waa yaabe, islaantii soddonka gu' siifadda siddeetan jirku ku baxaysay ee aan is lahaa meel la taabto ma leh, maalin qudha ayay ku xuub dhacsatay. Dun wanaagsanaydaa, waxaad mooddaa labaatan jir hilib iyo hannaan dumarnimo loo dhammeeyay. Dheeha dhabankeeda ku yaalla ayaa laba daraadle qalbigaaga bar jacayl ku dhigaya; hunguri aan hore ku hayn baa ku galaaya. Haddii aanan ka cabsi qabin in ay hadhaw I tidhaa: Mubaarak sidaa ima odhan jirin iyo halkaa lagagama tago, ama aan carruurteedu qasab hooyaday noogu fur i odhanayn waaban iska guursan lahaa.

Adduunyadu in ay filim tahay duqii qabay geeri buu qarka u saran yahay; murugo iyo muusanaw buu dabinta la ruugayaa; Ciil iyo caloolyow buu habeen walba la caweeyaa, iyaduna guur iyo geyaan bay isku diyaarinaysaa. Mashxarad iyo maaweelo ayay ku jirtaa. Cawo iyo caleemo lulid bay ku cawaynaysaa. Cidadda ay dumarku tirsadaan haddii ay afar bilood ahaan jirtay iyada laba ayaa loogu kordhiyay oo lix baa looga dhigay. Innagu celi aroortii Axadeed. Baabuurku wuxuu sii haw leeyaba waxaanu gaadhnay goobtii maalmahaa magacu saarnaa (Maydaan Taxriir) meel u dhaw. Kol alla kolka aad goobta u soo dhawaato waxa ku saaqaya xamaasadda iyo xiinka dadwaynaha. Waxaad dareemaysay in meesha samo iyo sinnaan lagu hayay. Barako iyo beerraq baa boggaaga iyo beerkaaga ku abuurmaya. Aad yar baan ka degay dheereeyihii. Wixii uu waduhu sheegtay oo aan wax yar ka jarayna waan siiyay. Dabadeedna cidhib barako leh ayuu ku dhuftay.


Jidadka dhawrka ah ee Maydaan Taxriir ku hormada waxaan ka soo galay jidka Cabdul Muncim Riyaad (waxa uu ahaa halgamaa Masriya Alle ha u naxariistee). Waxaan soo daba marteeyay Madxafka midabka guduudan leh ee uu Fircoon ka taliyo laguna booqdo. Intaa waxaan dhex jibaaxayay mawjado dad ah oo wada muraaqoonaya. Abbaartaydu meeshii ay ahayd markii aan soo gaadhay waxa gacmo furan igu qaabishay naftaydii. Hilow iyo kalgacal aannu isku qabnay darteed haddii aanu isku dhegnay, dhabanadana iska dhunkanay, waxaan la yaabay isbedelka ku dhacay. Waa maxay waxan oo widhwidh ahi? Waa maxay waxan oo dhoola cadayn ahi? Waa maxay waxan oo firfircooni ahi? Waa maxay waxan oo muusood ahi? Anniga oo yaabban ayay igu tidhi: Isbedelka iga muuqda waxa u sabab ah waddaniyadda aan ka hirqaday ee dhiigayga iyo dhuuxayga sidaa u dhex qul ulaysa. Waxa u sabab ah waddaniyadda qanjaha I taagan.

Haddii aan anniga iyo naftaydii isku noqonay annaga oo is jecel, waxaan u holladay inaan hoomaamiyo hareerahayga. Mawjado dad ah oo meel ay ka soo kacayaan aanan garanayn baan dhex muquurtay. Way I qaadaa dhigeen oo qalbigayga ayay luleen. Markaan hafan gaadhey dabaala joogtayn baan u beddelay. Foolasha dadka waxa ku taagnaa dhibco biyo ah oo aanan ka war hayn goorta ay tiixayaan. Cadceedu waa walacsanaysay oo marna daruur bay galaysay, marna dibadda ayay u soo baxaysay. Daruuruhu socod gaardis ah ayay ku jireen oo waxay u kala dab qaadayeen daafaha dalka. Gaashaan qaadka iyo guudlaydu waxay ku foognaayeen qurxinta iyo qaabaynta jidadka. Gurboodka iyo gabannada waxa lagu anqarinayay dal jacayliyo is xilqaan. Gadh caddaaga iyo ganboolaydu ducada iyo dardaaranka ma kala goynayn. Heesaha waddaniga ah ee codadka hallaasiga ah lagu ladhay baa dadka qaadaa dhigayay oo hilmaansiinayay meel ay joogaanba. Qofka aad jiidhaa isaga ayaa dib kuu raalli galinayay. Laba is danqaraya iyo laba is daandaansanaya midna indhahaagu ma qabanayn. Laba is hiifaya iyo laba is haaraamaya midna dhegahaagu ma maqlayn. Waa la is laab xaadhanayay oo luflufkii iyo leeleelkii uu nidaamkii jiray baday baa la iska dhaqayay. Cawadooda iyo ayaankooda ayay la ciyaaray. Himiladii dadkan oo hagaagtay baad arkaysay. Riyadoodii oo rumawday baad halacsanaysay. Biqilkii yididiilada oo isla jeerkaas ubax caynba cayna bixiyay baad ku indho doogsanaysay.

Goortaan is idhi waad ka hirqatay nimco iyo naruuro wixii meesha yaallay ayaan baal uga baxay dadwaynihii. Haddii aan salka dhulka la helay oo aan is idhi bal kala habayso wixii maanta kaaga soo go'ay meeshan, mise waxaba igu dhacay maskax burur. Afkaartii baa iska kay dhex gashay oo aan kala guri kari waayay. Waydiimo aan tiro iyo cadad lahayn oo aanan garanayn cidda I waydiinaysa ayaa la igu harqiyay. Waxa ka mid ahaa, suurto gal ma tahay inta aad nooshahay inaad aragto Soomaali oo xaaladdan oo kale ku jirta? Soomaali oo ku faanaysa magaceeda Soomaalinimo? Soomaali oo silica iyo saxariirka ay is badday ku bedelanaysa sharaf iyo shacni? Soomaali oo qoqobka iyo qabiilka ku bedelanaysa sinnaan iyo samo? Soomaali oo meel ay joogtaba is jecel oo jaal ah? Soomaali oo dhallinteedu ku celcelinayso "Dhallintii wadankiyo, Dhulkaanu nahoo, Inaan dhimaniyo, inaan dhisanno, maantaan waxba nooga dhaxayn". Allaha nafta I galiyay ee Soomaali iga dhigay baan ku dhaartay. Allaha wayn ee waaxidka ah baan ku dhaartay. Allaha aan baahan ee loo baahan yahay baan ku dhaartay. Allaha wax bog jira iyo wax baabaco jira og baan ku dhaartay. Allaha aanu arrinkiisu surma seegtada lahayn baan ku dhaartay. Allaha uurkayga iyo afkayga og baan ku dhaartay. Waa suurto gal intaa iyo in ka badaniba. Waxayse ku xidhan tahay dedaalka iyo daacadnimada barbaarta Soomaaliyeed ee aan ka midka ahay. Waxay ku xidhan tahay foojignaanta iyo fiira dheeraanta aqoonyahanka Soomaaliyeed. Waxay ku xidhan tahay baraarujinta iyo bislaynta bulshada Soomaaliyeed. Waxay ku xidhan tahay bahaha qalinka iyo fanka oo bulshada hanuuninteeda iyo hagaajinteeda hadh iyo habeen heegan u ahaada. Waxay ku xidhan tahay dhalinta oo hurdada dheer ka toosta oo dhan u wada jeedsada.

Dhallinyahay walaaciyo,
walbahaarku daashaday.
Dhallinyahay wax garadiyo,
Waayeelkoodu dayrsheen,
Dhallinyahay waqtigu gabay,

Marka aan ku weehdaba,
Wahan bay dilaayoo,
Wadnahayga rudhayee,
Waaxyahaygii midigoow,
Kuwaan weheshanaayiyo,
Wadayaasha dhiigoow,

Wareegtada adduunyada,
Wadartii is raacdaa,
Weel biyayn karaysee,
Wacad ma ila maraysaan,

Inta waaxyaheenniyo,
Waddankeenu sidan yahay,
Wahsi inaan is daynoo,
Walbahaarka dhaafnoon,
Dhisno wada jirkeennoo,
Weheshiga adkaynnoo.
                                            "Axmed Deeq"
 Dhallintii dhulkaygaay, xumaan iyo xasad baa la inagu abuuray, naxli iyo nuxus baa dhexdeenna la dhigay. Waa la innoo kala sheekeeyay, waana la ina kala qoqobay. Dabadeed cududdeenii baa wiiqantay; caqligeennii baa kala dhantaalmay; aayaheennii baa aydu cuntay. Iskuma uur fayoobin, iskumana caloolsamin. Kaalintii aan bulshada ku lahayn baan gabnay. Qanac iyo quus baa quluubteenna ku samaysmay. Qayrkeen baan ka hadhnay. Inteena kulantaa reernimo ayay isku aragtaa, inteenna kala tagtaana reernimo ayay ku kala tagtaa. Cabasho iyo caloolyaw baa innaga soo hadhay. Xooggeenii baa daah la inaga saaray.

Dhallintii dhulkaygaay ma joogno xilligii la werweri lahaa. Waxaanse maraynaa xilligii loo calaacalay ee uu gabyaagii Carbeed yidhi: " Hooggaygee, dhallinyarnimo miyay maalin ii soo noqoto, aan uga warramo cirro waxay I badaye". Walaalayaal aan is weheshanno, aan wada jirno, intii meel wada joogtaaba wax isku ahaanshaheeda iyo walaaltinimadeeda ha ka taliso, ha isku timaad, wax ha wada qabsato.

Dhalintii dhulkaygaay, dhawaqaygu wuxuu daaran yahay dhulkeennii, dhirteennii iyo dhagaxeennii baa innoo dhawaaqaya ee aan u jawaabno, oo aan nidhaahno:

Haddii aanan dhiman,
Dhulka hoos marin,
Dhibtaad mudatiyo,
Dhaawacaagaba,
Waannu dhayiyoo,
Dhakhsaad uga kici,
Ee beryo na dhawr.
                                      "Axmed Deeq"

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-Mail: awliyo177@hotmail.com
Alla Mahad leh.

No comments: