" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: GOO-GOOS!

Tuesday, December 13, 2011

GOO-GOOS!


Shareecooy lagu hafar,
oo been lagaa sheeg,
Maxaa sheekh-is-moodiyo,
Shilimada qof raadsaday,
Shaydaan dan raadsaday,

Intuu shaarac soo baxay,
Dadku sharaf uu leeyiyo,
Wax ka sheegay aadmiga!
Diintiyo Shareecadu,
Shalay iyo wax soo degay,
Ma Shaah wax la siistiyo,
Shaadh la xidhanayiyo,
Waa shay addoomuhu,
Markay rabaanba sheelaan?


*************************************


Soomaaliyeey wada silloon,
Si baa tihiin aan la sixin,
Sun baa tihiin aan sal-bixin,
Sirgacan wada suudal jecel,
Soof-habow baa saadsateen,
Silic baad doorateen,
Saxal baad weheshateen,
Wanaag baad suuliseen,
Samaad ku wacad-furteen,
Haddaan Saatir idiin gargaarin,
Arrinkiinu sahal ka dheer!!!!!

No comments: