" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: KUMA AYAA FADHIYA GURIGII MILILIQ?

Monday, December 26, 2011

KUMA AYAA FADHIYA GURIGII MILILIQ?

W.Q: A. M. Yusuf (Wayeel) ---

  1. Kha'i teen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyn e
  2. Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaa e
  3. Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaa e
  4. Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaaraan e.
  • — A.U.N, Sheekh Cali Cabdiraxmaan Fiqqi Khayrre : Alif Yeen, qiyaas. 1835
________________________________________

HADDII AAD SOOMAALI TAHAY, haddii aad Soomaalinimada jeceshahy, haddii aad qabyaaladdaneceb tahay, haddii aad tahay Muslim Ilaahay yaqaan: adiga weeyaan qofka aan maanta la hadli lahaa; marnaba na, uma oggolaadeen, in uu akhriyo ruux dabadhilif ah; ruux weliba Soomaalinimadii ba gabay. Af buuxa, ayaan ku oran lahaa:

  • Soomaali diidow silac u dhimo!
  • Waan ka samreynaa, silic u dhimo!



WIILKII  DAMACA  WAALANAA

Diktatoorka ugu garaad liita, ugu na coonsan.ATO MELES ZENAWI, jacaylka uu awoodda u qabo iyo dhadhabkiisu ba, waa kuwo soo jiray teeryo carrurnimadiisii. Ilaal (gogle) ka shaqeeya Matxafka Addis Ababa, ayaa u sheegay Maxamed Diiriye, aqoonyahan Soomaaliyeed, in Meles oo cagabbaruur ahaa, beri', isaga oo baal maraayay gurigii Menelik, ka ku yaalla Addis Abeba, inta uu ku dheygagay, ayuu dabadeed na hooyadii ku yidhi:

“Hooyooy gurigaas baan doonayaa.”
“Aamus!” ayay tidhi hooyadii na, “kaas waa HooygiiIberatoorka, ma na dhex fadhiisan doontid e.”

GABANKII YARAA, Meles, oohin ayuu ku waashay; ilmo ayaa qoysay dhabannadiisii, taas oo ay ugu wacnayd argaggaxii ay hooyadii, isaga,  ku ridday. Durbadii ba na, ooyintii intuu joojiyay ayuu yiri, “Gurigaas ayaan dhex fadhiisan doonaa goorta aan hanaqaado” (Mohamed Diriye Abdullahi. “The Jackal, the Hyena and the King of Beasts in Somalia”. Hargeisa, Somaliland, Jannaayo 1, 2007).

KUMA  AYUU  AHAA MENELIK  II?

 Gambboole [Shaashle] Mililiq IIMENELIK  II (1889-1913), Soomaalidu na ay u taqaannoMililiqii Labaad, waa Iberatoorkii Xabashida ee ku caanbaxay boobitaanka dhulalka dadyow kala jaad ah; dayow maanta wada hoostaga gumeysiga dalka dhalanteed ah — Itoobiya. Mililiq II, afaryalabaatan dabshid, ayuu ahaa boqorkii Xabishada. Haddii aan sheekadiisa in kooban kaaga soo qaado, waxa jiray dhambaal hirgalay, kaasoo habeentirskiisu na ahaa Abriil 10, 1891. Dhambaalka, isaga ah,  waxa lagu kala hagaajiyay Gumeysteyaalkii Dhulweynaha Afrika, Reer Yurub, sida: Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska,Talyaaniga, iyo Ruushka. Nuxurkii dhambaalka na waxa ka mid ahaa:

  • MW Hr Cali Mahdi [Nov 25, 2011]“Afar iyo toban qarni ayay Itoobiya ahayd jasiirad ku dhextaal bad wada cawaan iyo diinlaaweyaal miiran ah”.

Soomaalida waa in dib loogu baraarujiyaa tibaaxo beenabuurka ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa isla qoraalka isaga ah:

  • RW Dr. Cabdiweli [Nov 25, 2011]“waayadii hore soohdinta Itoobiya, badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay wayday awood ku filan oo ay wax isaga caabbiso, xoogaggii kiristaanka ahaa na ay wax kaalmo ah taaran waayeen, ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jiray waxa ay u gacangaleen quwado Musulmaan ah.”

  • Sugunto LiidoMaanta Meles Zenawi, waxa uu maleegayaa shirqool horleh, kasoo lagu dhammeystiri doono Riyadii Boqor Mililiq ee qabyada ahayd—“isballaarinta xagga dhulka iyo gacankudhigidda badaha ay ummadda soomaalidu leedahay” (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. “Ethiopian Unwarranted Interference in Somali’s Internal Affairs”. Somalitalk.com | May 19, 2002; Afcelintii: Axmed F. Cali idaajaa).

SOOMAALIDA waxa aan ka codsan lahaa in ay si feejigan uga hortagaan damaca waalan ee Ato Meles Zenawi: diktatoorka dhexgelay Guri Mililiq, kalitashadeha ku fadhiya kursigii Menililiq, hoggaamiyeha burcadda Tigreega ee doonaya in uu ka dhabeeyo Riyadii Mililiq IIsheegashada Xeebahii Banaadir. Boqor Mililiqii II, isagu, ma arag hirarkii Badweyntii Hindiga; weligiis na,  ma ba uu maqalin hugunkooda. Ogow se, Meles Zenawi hore ayuu Badweynta ugu dabbaalbartay, hore ayuu na uga soo daalay hugunkeedii: waxa uu hataan istaawinayaa in aan ay jirin, hirar, damicii Mililiq hafin karo—macnaha,Soomaali wax iska dhicin karto.

ARLADAA  LA  KALA  BOOBAYAA

MA OG TAHAY Madaxweyneha—waxa loogu yeero—Dowlad Goboleedka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiyo Md Cabdirashiid Duulane, iyo dhiggiisa MW Junegdi Saddo ee Ismaamulka Oromada, in ay warmurtiyeed ka soosaareen xurguf ka dhexeysay labada Ismaamul, taasoo ku saabsanayd xuduudaha u dhexeeya labadooda dalal ama labadooda Itoobiyo. (Isha: http://www.djibnet.com; Khamiis, Diseembar 19, 2002).

Isballaadhinta ItoobiyaMaanka Soomaali Galbeed (Soomaalida Ogaadeenya), maanka Oromada Oromiya, iyo maanka Tigreega Tigraaya, beryahan, waa kala maan. Kolkii la afgembiyay diinlaawehii la oran jiray Mengistu Haile Mariam, ayuu Meles Zenawi ogolaaday:“lixyatoban gobol ay Itoobiya ka koobnaan jirtay, in shan gobol oo qura, ay iskood isu taagaan”. Oromiya iyo Ogaadeenya, labaduba, waxa ay ka mid ahaayeen shantaas gobol. Ogow se, Oromo iyo Soomaalida, waxa la dhex dhigay colaad lagu saleeyay damaca waalan ee Meles Zenawidhulballaarsi. Isaga ayaa  foodda isu gelinayay labadaas ismaamul?

HADDABA, bal arrimaha soo socda ila eeg, walaal. Oromada waxa laga raariday—magaalooyin ay weligeed Soomaalidu lahaan jirtay—in ay sitaan magacyo, asal ahaantoodii hore, ka soo jeeday afaan Oromo (af Oromo).

Tusaale ahaan:

  1. Magaalada Fayaanbiiro, dhacda inta u dhaxaysa Jigjiga iyo Harar. Taliska Tigreegu waxa uu Oromada ku soo boorriyay in ay Soomaalida ka qixiyaan. Oromo waxa ay ku doodeysaa in magaca ama ereyga Fayaanbiiro uu yahay ladhkab ka kooban “Fayaan” +“biiro”; afka Oromoda na ku noqonaya, "salkii suurta"; waayo magaalada iyada ah, ayaa ku taalla, buur salkeed.
  2. • Ilihii dhaqaaleha Soomaalida, magaaladii ganacsiga, Diridhabo, ayaa lagu qeexay dood kale, oo gurracan. Afka Oromada, sida kii Fayaanbiiro ba, isagu na, waxa uu ka koobmaa “dirree” + “dhawaa”; tibaax afka Oromada u dhigmeysa: “garaacii dhulka”; waayo, Oromadu waxa ay rumaysan yihiin in magaalada laga dhisayay dhul didib ahaa; si ay fuundiyadoodii u qiireeyaan, in ay u qaadi jireen hees hawleed ahayd,dirree dhawaa, “dhulka garaaca”. Sidaas ayuu na ku baxay maagaca “Dirreedhowaa
  3. • Magaalomadaxda Dowlad Goboleedka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, jigjiga, ayaa, haddana, iyada na afaankii Oromo (afkii Oromo) lala soo galay. Sidii kuwii aan soo aragnay ba, Oromadu waxa faafisay in ereyga Jigjiga uu ka soojeedo "ji + jituu” ama “jii + jiiggaa”—macneha waa “dhul + gariir” ama ba, Dhulkii Gariiri Jiray.
  4. • Hargeysa, caasimadda Somaliland, Dowladda Ismaamul Goboleedka Soomaalida Soomaaliya, ayaa qaansheegadkii reer Oromiya wax ka soo gaadheen. Sidii kuwii kore ba, waa “hargga + gaysa”; oo iyana ah weedh u dhiganta "hargaha geeya". Oromadu waxa ka dhaadhacsan in ay awooweyaashood ganacsi la lahayn jireen waayadii Carabtii ka beecmushtari jirtay xeebaha Afrika, gaar ahaan Badweynta Hindiga iyo Gacanka Cadan.
  5. • Berbera iyo Oromiya waxa iska galay, ayaa kuu laaban. Afka Oromada “bir + birraa” ama “bil + billaa”—weeedh micneheedu uu yahay “magaaladii ololeysay ama magaaladii kululeed”.
  • Google: Soohdinta SoomaaliyaGOOGLE EARTH/MAPSoo qeyb ka ah shirkadda Google ayaa waxay July 20, 2010 boggeeda warbaahinta ku soo bandhigtay in qayb kamid ah khariidada xuduudda Soomaliya iyo Ethiopia ay dib u habyen ku sameyeen, kana bedeleen calaamaddii hore ee ahayd, kuna muujisay xarriiq ka tarjumaysa in xuduudaasi aysanahayn “Caalami”, balse ay tahay mid ay ku muransan yihiin labada dal. ( http://www.somalitalk.com/2010/07/23/google-oo-badashay-khariidada-xuduudaha-soomaaliya-iyo-ethiopia/, Friday, July 23, 2010 )

LA SOCO QEYBTA HARSAN...
  •  
  •  
  •  
Qormo: "Kuma ayaa Fadhiya Gurigii Mililiq?"
      Wq A. M. Yusuf (Wayeel)

No comments: