" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: WUU I FURAY!

Tuesday, December 13, 2011

WUU I FURAY!

W.Q: Axmed Ismaaciil (Axmed-Deeq)


Keli socoshadu haddii ay dadka dhibto, indhawaydba annigu waan dheefsadaa, oo waxa igu da'a roob aan madaxa iyo maryaha qoyn, ee maanka iyo maskaxdaba qooya. Roobkaasi inta uu i hayo waxaan halis u ahay inaan hogag iyo haadaamo ku dhaco. Inta badana waxaan ku war helaa biib biibta gaadhi sanka iila saaran, ama ruux i garanaya oo i hor joogsada.


Haddaba shalay ayuun bay ahayd markii aannu iska soo hor baxnay haweenay tabaalaha waqtigu tagoogaha ka jabiyeen. Gu’geedu inkasta oo uu soddonka wax yar ka gudbay haddana gabaw bay la gabax tidhi. Tallaabada sida ay midba meel ugu witiq siinayso waxaad moodaa todobaatan jir caruur la’aan iyo caydhnimo isugu darsameen. Indhuhu waa gudheen oo waxaad moodaa ceel gofnoobay oo guyaal ka hor laga haajiray.Dhabanaduna waa xaalufeen oo waxa ka soo hadhay laba kood oo soo taag taagan. Halka ay dabnuhuna qalayl daraadeed la qar-qarxeen. Waxay jiidanaysaa laba caruura oo aan muuq dhaamin. Halka ay laba kale oo rif rifanina daba ordayaan. War isuma hayso oo waxay rabto ayay ku hadaaqaysayaa iyada oo hiin-faadhaysa.

Caad igama saarna caloolyawga ay qabto; cindigayguse wuxuu soo saari laayahay cidda ay tahay.Waxaanan ka war wareegayaa inaan idhaa isku kay sheeg. Inta aan dhab u fiiriyay ee aan maskaxda qaybta xusuusta qaabilsan aad u tuujiyay, ayaa waxa ii soo baxay sawir haydh haydh ku jiro oo si walba uga duwan keegan maanta. Haddana yeelkeeda’e waxaan ku idhi : Ma Hindaa? Inta ay sidii wax yar naxay ii soo eegtay bay igu tidhi:

Haa, miyaad i garan laadahay Axmed? Anniga oo madax dhul ka ceshi ah ayaan ku idhi: Kuma garan li’i ee maxaa kugu dhacay? Wuu I furay, wuu I furay, wuu I furay!! Ayay si murugo iyo maroora dilaac leh ii tidhi.

Goormuu ku furay iyo muxuu kuu furay midna anniga oo aan odhan ayaan ka dhaqaaqay oo aan dhabada qaadey. Xataa inaan ka dhaqaaqay war isuma hayn ee sidii aan u sii xiimayay waxaan is arkay anniga oo dalaq idhi bakhaarkii oday ku sheegeedu lahaa. Intii aan dhexda ku sii jiray waxaan go’aan ku gaadhay in midkaayo maanta lafaha laga guro. Nasiib daro iyo nasiib wanaag mid ay ahaydba meeshauguma tegin isagii. Ku yar oo u shaqaynayay ayaan ku idhi anniga oo xayraansan: Mee kii Cismaan? Ma Sheekh Cismaan? Ayuu si hal haleela ii waydiiyay. Sheekhna maaha ee shaydaanka gadhka dheeri halkee buu ka baxay? Ayaan si kacsan ugu jawaabay. Subxaana-laah, qadafku ma fiicnee, wuu soo noqonayaa ayuu si dejin iyo duridi ku jirto ii yidhi. Waayahay adeer inta aan ku idhi, ayaan meel banaanayd salka la helay oo aan xiiq gooyay. Kii yaraana shaah uu hore u cabayay ayuu halkeer firi-riqda kaga saaray. Cabaar intaan xaraarada xajistay ayaan markii danbe is hayn waayay oo aan kii yaraa ku halgaadey: Waar garashada illaahay kaa qaadye shaah noogu yeedh. Inta uu naxay ayuu maqaaxi hortooda ahayd iiga dalbay, iigana soo qaaday.Waad mahadsan tahay adeer inta aan ku idhi ayaan dhabanada qabsaday oo uu dhididku i hooray. Anniga oo gagab gooyay ayuu Sh. Cismaan soo galay. Ladnaan baa dushiisa ka muuqata, labeenina wajigiisa ayay ku dahaadhan tahay.Rays buu cagaha kula jiraa, roob lacagina waa ku da’ayaa. Xaydh buu sidii dibida yeeshay, xalusna sidii dumarka.Qosol aan dabnaha dhaafsiisnayn haddii uu igu bariidiyay. Kama qaadin ee waxaan si adag ugu idhi: maxaad sidaa u samaysay? Inta uu i fahmay ayuu banaanka iila baxay. Markaasuu si jees jees ah ii yidhi: Way kibirtay oo waan iska furay. Intaan madoobaaday ayaan haddana cadaaday. Intaan qiirooday ayaan haddana qaracmay. Intaan xayraamay ayaan haddana xanaaqay. Hase yeeshee anniga oo aan eray u celin, warna isu hayn ayaan hortiisii ka huleelay. Haddii ay xaaskiisii hore ku hadaaqaysay wuu I furay, wuu I furay. Waxaan is arkay anniga oo ku hadaaqaya :Waqtigu nacasaysanaa. Waqtigu nacasaysanaa.. Waqtigu nacasaysanaa.

Anniga oo baydkaa ku tasbiix-sanaya ayaan banaan iska fadhiistay. Canjalada xusuusta ayaan dalaq rikoodhka siiyay. Dib baan u celiyay oo waxay socotaba dhalinyarnimo markii ay gaadhay ayaan is taajiyay. Anniga oo aan iska war hayn ayaan Aaah… Aaah ku waashay. Waxaanu ahayn dhalinyar dhib iyo dheefba wada qaybsada. Waanu wada ciyaari jirnay waananu wada cawayn jirnay. Waanu wada haasaawi jirnay; waananu kala haasaawi jirnay.Hindi waxay ka mid ahaan jirtay hablaha bilic iyo bilig lagu majeerto ee xaadafadayada. Asluub badnaanteeda iyo edab samaanteeda waxaad moodaysay culimadii hore ee Soomaaliyeed. Dhawrsanaanteeda iyo dhibir-sanaanteedana waxaaad moodi jirtay dhal awliyaad. Qof dulqaad badan bay ahayd oo haddii gacanta afka laga galiyo aan ku qaniinayn. Kalsooni buuxda ayay ka haysatay bulshadii ay la noolayd, haba ugu sii badnaadeen reerkooduye. Inkasta oo ay nala ayni ahayd, haddana annaga waxay noo ahayd walaal iyo wehel rumaad. Hablaha ayay na bari jirtay, mararna nooba haasaawin jirtay, oo hadda xaaskan aanu wada joogno is jamashadayadii iyo is jeclaanshahaygiiba iyada ayaa door wayn ka qaadatay qaadirku ha ka abaal mariyee.

Imisa nin oo sidii ay hanashadeeda u heli lahaayeen habeeno u dhafray ayaan garanayaa. Bashiir miyaanu ku hadaaqi jirin marka ay maqan tahay, marka ay timaadna miyaanu hiban jirin. Cabdi Faynuus miyaanu caashaqeeda cuntada beryo uga go’in? Faysal Faqash miyaanu ka fikirkeeda maalmo la foorarin?. Miyaanaan kor iyo hoosba u odhan jirin walee tan ninka helaa nasiib badanaa.

Calafku waa caleemo daad wada’e dhabcaalka aan kor ku soo sheegnay ee lahaa: Way kibirtay ayay reerkooda ula timid. Aqoon guud oo aan u lahaa ayaan hadlayaaye. Wuxuu ahaa nin danyara oo dadkiisa isaga dhex jira. Han iyo hirasho toona ma lahayn. Haddii uu fikiro wuxuu ka fikiri jiray wax uu cuno iyo wax uu cabbo. Dhoohniduna dhafoorkiisa ayay ka muuqatay.

Dadka intii taqaanay barigaa waa yaabeen. Ninba dhan buu arrinta u fasirtay. Koox aan ku jiray waxaanu ka gayn waynay: Waa miskiin, Hindina dadka tabaalaysan waa iska jeclayd. Wuxuu doonaba ha ahaadee, mashaqadii ugu darnayd waxay ka timid Hinda reerkoodii oo si walba u diiday ninka. Waxayna kala dooran-siiyeen inay iyaga u go’do ama ay Sh. Cisman Gadheere u go’do(Bariga gadhka wuu xiiri jiraye). Talo ayaa ku cadaatay oo dhulka ayaa cidhiidhi ku noqday. Asxaabtii ay soo ciirsatay ayaan ka mid ahaaye. Waxaanu isku taxa-luujinay inaanu reerkooda ku qancino inay inanta dookheeda u tixgaliyaan. Hase yeeshee waanu ku hungawnay oo waa nagu gacan saydheen. Wax aanu samayno ayaanu garan waynay markaanu aragnay Hinda oo talo ku ciirsan tahay iyo Cismaan oo halkeer dacayda laa-laadinaya. Mar baanu is nidhi Hinda ma ku tidhaahdaan reerkiina maqal oo ninkan isaga hadh. Haddana waxaanu xasuusanay maah maahdii ahayd “Walaashaa ma hubtide seedigaa ha colaysan” Markasanu ku nidhi: Hinda arrinta go’aan ka gaadhideeda adiga ayaa iska leh, sidaas baanu faryaro bidix kaga baxnay. Haddii ay arrintii cabaar rog rogtay waxay is tustay in ninkan reerkoodu ku diidan yahay xoolo la’aan oo kaliya. Waxayna is tidhi: Haddii aad la dedaasho oo uu xoolo yeesho reerkiinu waa iska ogolaan. Sidii baanay ku go’aansatay inay isaga raacdo.

Maalmo dhawra ka dib, ayaanu maqalnay arrinkaa. Af kala qaad ha nagu ahaato, haddana arooskeedii kamaanu baaqan ee waanu tagnay oo si wanaagsan baanu uga soo tunay. Run ahaantii markii aan habeenkaa wajigeeda si fiican u dhugtay way faraxsanayd, wayna murugaysnayd. Way deganayd, wayna didsanayd. Way joogtay, wayna maqnayd. Isna halkeer buu ciridka faydayay caashana taagayay cuqubo ku dhacdaygu(Waanagaa sidii dumarka u habaartanee).

Arooskoodii ka dib Inta ay dhexda marada ku xidhatay ayay ku dhiiri galisay inuu dhididkiisa dheefsado, oo uu shaqo adag bilaabo.Hoodalay bay ahayde markiiba shaqo ku filan ayuu helay. Waxay si dad-ban u dareensiisay waxa laguu diidayaa inay xoolo yaraan tahay.Waxaanay ku dhalisay qorshe mustaqbaleedyo badan oo ay ka mid tahay sidii ay guri lahaansho ah u dhisan lahaayeen.Taasina ay ku iman karto dedaal dheeri ah oo uu sameeyo iyo xakame bir ah oo ay naftooda ku qabtaan. Waxa kale oo ay xil dheeri ah iska saartay hagaajinta qaab dhismeedkiisii xumaa. Jidhkiisii wada kurtinka ahaa ee ku xaganayay ayay daleed iyo wax xalay la dhalay ka dhigtay. Surwaalkii dhuubnaa iyo shaadhkii balaadhnaa ee uu isku xidhan jiray ayay ka dhigtay, oo dharku sida uu isu leeyahay ayay isugu dul dhigtay. Ilaah baa na dilayee dhawr bilood ka dib arooskoodii, waxaanu aragnay ninkii oo aan Cismaanba ahayn. Oo inta uu hagaaskii ka ba’ay hilaacay, inta ay qoloftii ka dhacday quruxaystay. Inta ay tuura-tuurihii ka ba’een toosay. Waxaananu mar kaliya wada nidhi: Waar ilayn wuxuu naag uun buu u baahnaa.

Waa la isku wada baahan yahaye, Hindi waxay halgan adag u gashay sidii ay duruufaha nololeed ee ku xeeran uga gudbi lahaayeen.Waxaanay dhitaysay biil maalmeedkii nolosheeda, iyada oo iska ilowday waxa inta badan dumarku wajigooda ku dhumuuqaan, lacagahana ku kharash gareeyaan. Xataa haddii ay xanuun qabto way qarsan jirtay oo qofkii il dheer ayuun baa foolkeeda ka dareemi jiray. Cismaan Gadheerana inta uu halkaa soo fadhiisto ayuu marka uu ugu roon yahay odhan jiray: Maanta waad yar caajisan tahay Hinda. Mayanee, waan yar daalanahay inta ay tidhaa ayay kici jirtay oo ay cunto iyo cabid u keeni jirtay. Aaah, Haddii uu soo dhinac fadhiisto oo uu xanuunka la qaybsado ma ciil bay qabi lahayd.

Shan sano oo ay afar caruura ugu dhashay haddii ay nolosha caynkaa ah ku jireen. Mar kaliya ayaa albaabadii risiqu isu wada balaqeen. Odaygeedii wuxuu ku hilaaciyay bakhaar laba af leh oo bagaashka lagu soo rogo, laguna gado. Lacag sun-sumaysa ayaa sanka uga soo gashay. Adduun la iskuma haleeyee, sanadkii ku xigayba ilmahoodii shanaad wuxuu ugu dhashay guri ay leeyihiin oo ay dhisteen.

Dhixirkii ay Hindi dhexda ku xidhatay maalintii ay aqal galeen, waxay dhigtay maalintii ay gurigooda ku hoydeen. Muraayadda markii ay isu eegtay waxay is aragtay daqaradii waayuhu ku dhufteen oo wajigeeda wax aad qaarado moodo ku sameeyay. Waxa kale oo ay aragtay timaheedii kala rognaan jiray oo rif rifmay iyo dhabankeedii dhaylada ahaa oo qolofi fuushay. Inta ay muuqaalkaa ka murugootay ayay haddana aragtay caruurteedii oo ku ag ciyaaraysa, markaasay daraadood dhib kasta ku ilowday, oo ay la faraxday, la muraaqootay, lana ilmaysay. Waxaanay cindiga ka jeclaysatay odaygeeda oo galabtaa la joogi lahaa, lana wadaagi lahaa jawigaa barakada iyo barkhadda leh.

Bilo haddii ay ku jireen nimcadaa aan lagu waarayn, Hindi waxay dareentay doogo iyo dakharo waayihii adkaa ee soo maray kaga tageen oo ku soo kacdoomaya. Maantaa inay qarsato waxay ka door biday inay is dawayso, maadaama uu waqtigu u saamaxayo. Sidaas bayna ku dhaqaaqday oo ay dawooyin ugu bilaabmeen. War la isuma hayee, intii ay Hindi ku foognayd is dawaynteeda, Cismaan gadheerana wuxuu ku gaaf wareegayay hablaha soo kacaya. Isaga oo asxaabtiisa ku qancinaya in xaasku muddaba ka xanuunsanayd, oo uu iska sabrayay. Maalmahaa wuxuu la soo baxay dabeecado yaab leh oo aanu lahaan jirin. Waxana ka mid ahaa cadho badnaan, canaan badnaan iyo saluug badan oo uu ka muujinayay wax kasta oo loo keeno. Waxaanu uga dan lahaa xaalad abuurnimo, si uu hadhaw ugu qiil helo guurka labaad ee uu cindiga ku hayo. Hadalkiisu ma badnayn guriga marka uu yimaad, indhihiisuna waxay ku mashquulsanaan jireen raadinta wax baylahsan oo meel yaal. Halka dhegahiisuna u dheg taagi jireen maqalka jabaq yar oo aan macno buuran lahayn. Islaantiisa waxa ku dhacay u qaadan waa iyo amakaag, waxaanay is tidhi: Malaha waayihii adkaa ee idin soo maray baa raadadkan kaga tegay, oo wuxuu u baahan yahay dhakhtar iyo dawooyin. Arrintaa markii ay la soo qaadayna inta uu dar illaahay isaga xanaajiyay ayuu ku yidhi: Bidco iyo adiga la idinma kala ag waayo waligiin. Wuxuu gaal sameeyay baad afar iyo labaatanka saacadood la soo taagan tahay, ee waxa ka bax oo caruurtu maxay salaaddii subax masaajidka u tegi waayeen? Inta ay naxday ayay ku tidhi: Way yar yar yihiin, waana jiilaal oo guriga ayay ku tukadaan. Inta uu hanqalka la soo kacay, Kitaab agtiisa yaalayna soo qaaday ayuu ku yidhi: Adigu quraankii Madarasada maxaad u joojisay?. Markasay iyada oo afka haysata tidhi: Ma dayn ee waanigii xanuunsanayay, haddana waan bilaabi doonaa. Insha alla dheh inta uu yidhi. Ayuu kitaabkii halkiisii isaga celiyay markii ay baxday. Nin dar illaahay u seexday ayuuna iska dhigay. Daartu ku duntaygu (Waanagaa haddana sidii dumarka u habaartanee).

Dhawr bilood ka dib, ayuun bay markii aanu maqalnay wuu guursaday, af kala qaad aan ka yarayn kii guurkiisii hore ayaa nagu dhacay. Hinda waxaan uga baqnay wareer iyo waali, isna cuqubo iyo cidhib xumaan. Ubadkoodiina baylah iyo basan-baas. Waxaan aad u jeclaystay la kulankiisa, bal si aan dareenkiisa arrintan ku aaddan wax uga ogaado. Maalmo ka dib, haddii aanu is aragnay waxaan ku idhi: Maxaa kugu kalifay inaad xaaskaagii waqtiga adag kula soo martay la guursato? Waxaan eegayay inuu yidhaa: Qof xun bay noqotay. Wuxuuse yidhi: Waan awoodaa inaan laba xaas wada qabo adduun ahaan. Midda kale Hindi waa iska yara xan- xanuunsanaysaa. Waxaan si qiiro leh ugu idhi: Hindi miyaanay kugu raacin xoolo yaraan, miyaanay reerkoodii kaaga soo gu’in, maxaad abaalkeedii ka dhigtay? Wuxuu si ay mana sheegasho ka muuqato iigu yidhi: Abaalkeedii guri wayn iyo biil ku filan ayaan ka dhigay. Markan arkay isaga oo isla quman, ayaan nabad galyeeyay, inta aan madaxa ruxay, shantana dhabanada saaray, ayaanan ka huleelay meeshii.

Todobaad ka dib, waxaanu si ku talo gal la’aana u kulanay Hinda oo tukaan ka soo baxday, aragtideeda waan ku farxay oo waxay i xasuusisay beri-samaad, haddana waan ka naxay xaaladda adag ee foolkeeda ka muuqatay. Is nab-daadin ka dib, anniga oo aan waxba waydiin ayay igu bilowday:” “Axmadaw abaal raaga rag ma leh. Wixii aan ehel iyo asxaaba uga go’ay; wixii u jidhkaygu u qayirmay, jamaalkayguna u qalalay, wixii aan habeeno u seexan waayay, maalmana u silcay, Wixii aan naf hurka u sameeyay ee alle igu ogaa, waxa abaal la iiga dhigay minyaro iyo mana sheegasho. Waxaana la ii sii raaciyay canaan iyo cag juglayn. Haddii aan la iba furina waxaan taaganahay Alxamduli-laah. Waxaanse ku leeyahay walaalkay baad tahaye: Xaaskaaga dulmiga iyo deel-qaafka waligaa ka ilaali, debeca iyo dulqaadkana la ogow. Aaaaah, Erayadan calaacalka iyo caqli badnaanta isugu jiraa waxay igu rideen miyir door-soon, waxaanay iga keeneen illin. Iyadana neefsi bay u noqdeen oo waa yar nafistay sida foolkeeda iiga muuqatay. Hadalba inta aan cabaar I aamusnaa ayaan mar danbe ku idhi: Walaal sabir oo dul-qaado. Haye, ee nabadeey reerkiina igu salaan, bay i tidhi.

Maalintaa iyo shalay markii aanu kulanay ee aan garan la’aa waxa u dhexaysay wax sanad ka yar. Hinda abaalkeedu ma wuxuu ahaa in Taj-maxaal loo dhiso, mise in minyaro lala guursado?  Xanuunada duruufuhu ku keeneen ma in loogu dulqaato ayay ahayd mise in lagu deedifeeyo? Ma in la furaa bay istaahishay mise in lagu faano? Naf hurka ay samaysay ma in lagu necaa bay ahayd mise in lagu majeerto? Adduunka ay beeridiisa lahayd ma in loogu mana sheegtaa bay ahayd mise in lagu maamuuso? Diinta illaahay ma wuxuu u soo dejiyay in Hinda lagu addoonsado mise in lagu dara-jeeyo?

Annaaniyad ka wayni miyay jirtaa in ninku naagtiisa oo bukta inta uu ka tago mid kale oo caafimaad qabta garabkeeda seexdo? Bal adba !!

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Awliyo177@hotmail.com
Alla Mahad leh

No comments: