" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Bukaan Caashaq - W.Q: Axmed-Deeq

Thursday, January 10, 2013

Bukaan Caashaq - W.Q: Axmed-Deeq

"Ima daayo caashaqu,
Dad haddaan la joogiyo,
Haddaan keli dawaafoo,
Waaba laygu daw galay".

 Xidhiidhada dadka dhex mara waxaa ugu adag, ugu qalafsan, uguna wanaagsan midka dareen caashaq ka unkama ee lammaanayaal isku qaadaan, amma midkood qaado. Dareenkaas badidiisu wuxuu ka dhashaa eegmo, waxaannu ku dhammaadaa illin. Eegmadu waxay ka timaad isha, illintuna waxay ka timaad qalbiga. Tani waxay keentaa in qofku kala garan waayo marka uu la baaxaa-degayo jacaylka mid uu canaanto isha iyo qalbiga. Waayo qalbigu wuxuu eedda saaraa isha oo ah tii u soo tebisay muuqaalkan ashqaraarka leh ee jiif iyo joogba u diiday qofka, halka ishuna ku garnaqsato inay tahay adeege hadba dhankii loo jiheeyo uun u darban oo aan diidi karin. Halkan waxa ka dhasha buuq iyo bulxan gudeed oo keena gil-gilasho nafsadeed iyo ruxan qalbiyeed. Haddaba, ruxankaasi wuxuu qofka ka soo daadiyaa xikmad amma wax u eg. Sidaa darteed qofka caadiga ah jacaylku wuxuu ka dhigaa suugaan jecle. Gabyaagana wuxuu ka dhigaa waalane, ogowna hal-abuurka dhabta ah iyo waalidu meelo badan bay ku kulmaane.


 Haddaba, goor ay tahay saqdii dhexe anniga oo qoraal isaga foogan ayuun baa irridkayga la soo garaacay, kuye; waa ayo? Waa jacayl !. Oo maxaad xilligan iga soo doontay? Waxaan ogahay inaad wax igu saabsan qorayso. Haddii aad og tahayna maxaa ku jaban? Waxa ku jaban, waxa isaga kaa qaldan jacaylka iyo kasbashada. Oo maxay kala yihiin labadu? Jacaylku waa wax bixin iyo naf hur oo xataa haddii aad waydo qofkii aad jeclayd waxaad door bidaysaa farxaddiisa, nabad qabkiisa iyo nimcadiisa. Sidoo kale waxaad dhibsanaysaa murugtiisa, war warkiisa iyo darxumadiisa. Laakiin kasbashadu waa qaadasho, waa anaaniyad, waxaad ku dadaalaysaa qofka sidaad u hantiyi lahayd, sidaad u yeelan lahayd, sidaad u maamuli lahayd, haddii aad ku guul-daraysatana waxaad ka sheekaynaysaa xumaantiisa, waxaanad ku farxaysaa dhibkiisa. Yaab, dee haddaa dadka hadda jooga waxa wada hayaa waa kasbasho ee maaha jacayl? Haa, Sidaas bay u badan yihiin, laakiin in badan oo wax jecelina waa jirtaa. Halkay joogtaa intaasi? Miyaanad weli booqan Cisbitaalka jacaylka? Ma booqan, jiritaankiisuna waa ii maqalkaaga. Haddaa sideed wax uga qoraysaa jacaylka? Mid i soo maray iyo mid dad igu hareeraysan haya ayuun baan kala soo baxaa nuxurka qoraalka. Horta kuwo aan meelna kala soo dhex bixin waad dhaantaa, laakiin midkaa ku soo maray ma kasbasho ayuu ahaa mise jacayl? Labada wuu u dhaxeeyay oo qofka inaan kasbado waan ku isku dayay, haddana uma cadhaysni. Waan gartay, haddaba ina mari waxaan ku soo tusayaa Cisbitaalka jacaylka’e. Ma saqdan dhexe? Haa, waayo habeenkii ayuun buu shaqeeyaa, maalintiina dadku noloshooda ayay la xarbiyaan.

 Haddaba, anniga oo faraxsan isla jeerkaasna yaabban ayaan deg deg u gashaday dharka, kabahana u illaday, gurigiina uga wada baxnay. Wuxuu ahaa habeen madaw oo haybadi ku lammaan tahay, lulmashada geedaha mooyiye cod kale oo buuq lihi ma jirin. Cirka waxa ku shaqlanaa xidigo, dhulkana waxa ku gedfanaa deganaansho. Wada hadal-kayagu ma badnayn, waxaanad moodaysay in isagu iga yar tallaabo horeeyay, anna cagta ayaan u dhigayay ilayn meesha isaga garanayee. Waxaanu soconaba markii aannu magaalada cabbaar ka baxnay ayaan si hinbiriirsi ah u arkay meel madaw oo dhir waxaad mooddaa ka soo muuqdaan. Markasta oo aannu ku sii dhawaano, waxa dhagahayga ku xoogaysanayay maqalka taah, jibaad iyo dhuun yeedhis badan oo dhanka meesha madaw ka imanayay. Haddii aannu wax yar u jirno wuxuu ii sheegay inuu Cisbitaalkii yahay. Irridkiisa markii aannu gaadhnayna waxaan arkay boodh wayn oo ay ku qoran tahay: Cisbitaalka Jacaylka. Markii aannu galnay waxaan isha ku dhaftay shaqaaalaha oo wada xidhan dirays cas. Anniga oo la yaaban dharkaa isna waydiinaya sababta ayaannu galnay qolkii soo dhawaynta, waxaana na qaabilay wiil raad caashaq dushiisa ka muuqdo. Soo dhawayn ka dib, wiilku wuxuu na waydiiyay inaanu soo booqanay qof iyo inaanu muraad kale u socono? Waxaanan u sheegay inaan booqasho guud uun ku nimid, isla markaana jeclaan lahayn hadduu xog kooban naga siiyo Cisbitaalka? Inta uu na fadhiisiyay, isna fadhiistay ayuu hadalka ku bilaabay:

Cisbtaalkan waxa la aasaasay hilaaddii 1937 kii oo ku aaddanayd dhimashadii Cilmi Boodhari AHN wax yar ka dib. Ujeedada loo aasaasay waxay ahayd dajinta, daryeelka iyo danaynta dadka ku barakacay, ku baaba’ay, ku bas-beelay boholyowga jacaylka. Muddadii bilowga hawshiisa iyo qaybihiisu way koob naayeen, wuxuuse balaadhay markii dhakhaatiir cajiib lihi ku soo biireen, sida Dr. Ismaaciil Cagaf-cagaf, Dr. Maxamed Cali Kaariye, Dr. Maxamed Cumar Huuryo, Dr. Cabdi Iidaan Faarax, Dr. Faysal Cumar Mushteeg iyo qaar kale oo badan dhammaantood Alle ha u naxariistee. Waxaanu hadda ka kooban yahay: Qaybta abaqaalka jacaylka, Qaybta aramida jacaylka, Qaybta qaliinada wadnaha, Qaybta bukaan socodka, Qaybta talo bixinta iyo qaybo kale oo badan. Waxaana Agaasime guud ka ah Dr. Xasan Daahir Weedhsame ” Warbixintan kooban ka dib, waxaan waydiiyay bal inuu dadka iyo xaalkooda nooga waramo, waxaanu yidhi: Dadka bukaan jiifka ah ee meesha ku jira, quudkoodu waa qaraami, hadalkoodu waa qiiro, qalbigooduna waa naafo, sidaa darteed waxaanu u fidinaa baxnaano badan. Waxaanay isugu jiraan rag iyo dumar, haweenku haba bataane”. Dabadeed, waxaan ka codsaday inaan dadka soo arki karo iyo in kale? Wuxuuse ii sheegay in hadda waagu soo dhaw yahay, sidaa darteed aan habeen kale ku soo noqdo waliba habeen Isniineed

 W/Q: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Ahmed Deeq)

No comments: