" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maanso cusub: Dayow - Waxa curisay Yasmiin M. Kaahin

Tuesday, January 29, 2013

Maanso cusub: Dayow - Waxa curisay Yasmiin M. Kaahin

Weedhsamow dabuubtii
Aan daayay waayadan
Xalay maanku dayn waa
Damqan waa jidhkaygii
Ma dareemin dhaxantii
Show waan dakaamo
Way durugtay ruuxduna
Dunidaan warkeedii
Kolba baal duljoogo
Ku dawakhay dhankaygoo
Xaajo iga da’ roon baan
Furfurkeeda doontoo
Madaxaygu daalaye
Bal dareen warkaygoo
Jawaab dabacsan ii sheeg
Haday durugto xaajadu
Sidiiq iyo dadkeenii
Abwaannadii dun-dheeraa,
Iyagana ka doondoon.



Maxaa diir cadaawaha
Degalkaa galbeed jira
Maxaa iigu daw galay?
Kolba waranka duuggaa
Maxay iigu durayaan?
Mindi hoose oo dedan
Maxay iigu dooxaan?
Maa anaa is-dagayoo
Kolba daw u soo fura
Inay nagu dekeeyaan?
Hadalkay dedeyaan
Maxay uga danleeyiin?
Waxa sida daruurtaa
Ruuxa sabigii daalaco
Een baabaco daboolayn
Miyey daah madow iyo
Xumbo dagagaraysaa?
Miyuu ruux dulaysani
Damiirkayga xadayaa?
Qof damiirku eber yahay
Ama dayro iga maqan
Carabkooda dalabta le
Degalkay ma wiiqaan?

Maxaa helay dadkeenii?
Isku duubnidii mee?
Maxaa dilay hankeenii?
Dawgii hiigsi yaa jaray?
Yaa dabarka igu xidhay?
Gacantayda dib u dhigay?
Danankay baxaayaa
Miyaan iyaga kuba duxin?
Mise waa dareenli’i
Waxan lala digriyayaa
Oo iyaga ma daarana?

Aan kuu dilaacshoon
Dul-ka-xaadis dhaafee
Dulucdiyo ujeeddada
Deelkaygan maansee,
Dalmarow ogaalkay
Di’i waayay roobkii
Dalka wada dhamayn jiray
Wixii cudur dillaacana
Daxalkiisa biin jiray,
Indhihii dam weeyaan
Daafbaana soo galay
Daacuunna lagu arag
Kala diray dadkeenii.
Siyaasiga dullaystee,
Dulmanaha xadaayee,
Maatidan dayaanka ah,
Halkii uu hir-doogliyo,
Gole cadow ka dadaniyo,
Daruuraha uu geynlaa,
Marka ani lay doortaa,
Dalka hooyo degayaa,
Haddii kale dam weeyaan,
Dagaaliyo dhib weeyaan,
Dirir aan hadhayniyo,
Dayac iyo lur weeyaan,
Reer hebel ma doorana,
Anaa lay dan leeyahay,
Danihiisa ku af-jaray,
Ku doobyaaya waan dili,
Dam-dagiigan bay noqon,
Muxuu daarran yahay sheeg?

Dadkeenuunse maahee
Afrikaba dam weeyaan
Danaheedii laga rabay
Mashquul daalan weeyaan,
Dib u curasho weeyaan
Damacoodu wuxuu yahay
Dib inay gumaystaan
Dal waxaynu leenahay
Ama diir madow jiro.

Tolow diricyadeenii
Gabbalkood miyuu dumay
Ma intii la duugaa
Mise duul qarsoonbaan
Ani iga dahsoonoo
Daljirkii ma dhiman weli?



Waxa aan dabuubtaa,

Aan uga dan leeyahay

Halgan iyo dagaal adag,
Qalin dirirtii weeyaan,
Afku ima daboolnee
Iga hoo digniin culus
Heegan duur xulkiisi

Su’aashaa da’weynta ah,
Ruuxaan ka doonaa
Halabuur damiirliyo,
Abwaankow damqanayee,
Danta caamka ee guud,
Deelqaaf-la’aantii,
Dadweynaha la liidee,
Dulman hoos u eegiyo,
Waa hormoodka aan dagan.

 

Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin


Hargeisa, Somaliland.

 

No comments: