" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Gurmadkii Fanka!

Thursday, January 3, 2013

Gurmadkii Fanka!

Dadka intay heeso/suugaan aanay lahayn qaada ee waliba sheegta ama xumeeya waynu dhaliilnaa, maxaa diiday inaynu hambalyayno dadka qaada heeso aanay lahayn, sheega ciddii lahayd heesta, walibana horumariya. HALKAN KA DAAWO...

 
Intaan arkayay heeso hore u jiray oo dadka casrigan joogaa dib u soo tumeen, ma arag hees ka qiimo badan habka kuwan loo soo tumay! Habka, muusigga, xusidda cidda ereyada lahayd, horumarinta iyo farshaxanka dib-u-soo-tumista IWM. In la xumeeyo mooyaane, hees dib loo tumay oo laga qurux badnaysiiyay sidii hore tan mooyee ma arag. Hambalyo cid kasta oo qayb ku lahayd iyo fannaaniinta/muusigyahannada habka qurxoon u tumay. Waxaan ku dari lahaa in had iyo jeer la xuso cidda heesta hore u qaadday.

Heesahan hoosta ka muuqdaa waa kuwo kala duwan oo si farshaxan leh loo tumayo. Hore way u jireen, balse la casriyeeyay.

LAMMAANAHAN WAXAAN U BIXIYAY GURMADKII FANKA! ALLAHAA DHAWRO.
 
 


No comments: