Mar keliya ayay asxaabtii ardaaga wada
fadhiday aamuseen. Kaftankii iyo jareexadii ay talantaaliga isu waydaarsanayeen
hakiyeen. Daymaddooda middeeyeen oo muuqaal aragooda ku dhegay wada jalleeceen.
Iyagoon is ogayn oo mid kastaaba moodayay inuu keli ku yahay aragtida sawirka
jawigii haasaawahooda bedelay, ayay isku mar ku dhawaaqeen, ?? Ax..Ax..waar bal
eega arxan darada iyo axmaqnimadda intaa le?eg ee la samaynayo, caano iyo nabad
waaya??. Dareen iyaga wadnahooda iyo dulmanaha ay muuqaalkiisa daawanayeen isku
xidhayay baa jiray. Mid dhaqday iyo mid aan dhaqanba lexejeclaa ka hadlisay,
taasina waa ta keliftay inay ka xumaadaan oo weedhahaasi ka soo yeedhaan.
Laakiin halkay ku sugan yihiin iyo meesha ficilkaa ay ka damqadeen uu ka
dhacay, laba kala fog weeye. Bari iyo bogox(galbeed) ayaa la kala joogaa.
Kumannaan kun oo mayl weeye masaafada u dhaxaysaa. Inay habaar iyo haaraan
hawada u mariyaan mooyaane, ma samayn karaan wax kale oo intaa dhaafsiisan oo
jawaab u noqota cidda ficilkaa dhibay samaynaysay.
Tiro ahaan 10-nin way
gaadhayeen ragga ardaaga fadhiyay. Is aqoon kaftan wadaag leh oo markay is
haleelaan maalmaha fasaxa afka isu furta oon isu hambayn weeye. Geel uma
xeraysna oo ardaagu mid geel jire maaha. Waa ardaa magaalo, weliba waa mid
qurba-joog. Baradu waa Oslo, beledkuna waa Norwey. Qofkii iyo camalkii ma kala
hadhaan. sidaas oo kale mid soo tahriibay iyo mid kaleba, soomaalida qurbaha
balwad iyo caado-ba dhaqamo badan baa la soo hayaamay oo midba meeshii la
jooga. Qabyaaladda iyo qaadkuna waa ma hadhayaal wehel fiican ka helay
soomaalida oo meel ay joogaan kama maqna. Sidaa darteed, qurba joogu haasawaha
waxay uga laan gooyaan, Hargeysa, Muqdisho, Jigjiga, Jabuuti, gaarisa?marka
roobku meelahaa ka hooro ayaa halkan(yurub iyo ameerika)dalaayadaha la furtaan.
Markuu halkan ka tiixona dhibic caabisadda way xidhaan. inta ardaagan Oslo
doonyaysata ee kaftanka ku wadaagtaana khayrkood bay wax la qabaan. Habeen iyo
axwaashii, war iyo wacaal wixii soo yeedhay ayaa marba diiradda la saaraa.
Qodobkani maaha mid isbedbedela mar mar iyo dhif mooyaane, hase ahaatee
haasaawaha faan qaybsiga ahi ma kala kaxeeyo. Sida ciyaarta waallada ee
geel-jiruhu gacmaha ka ciyaaro ama legdenka isbeejinta kurayda, mar xag laysu
daayo iyo mar kaleba waa la arkaa dhexdooda. Sidaa aawadeed, habeenkani wuxuu
ahaa mid la mid ah qaar badan oo hore. Shubaashu waa isla ceelkii. Maxaa u
danbeeyay? Iyo waxaasaa dhacay iyo waxanaa dhacay, markii hal cabaar ah laysku
tuurtuuray, ayaa dareenkii ardaagu mar keliya is bedelay. waxa bilowday barnaamij
dareenkooda wadaajiyay humaag kale oo ka duwan kii u socday. Iskaa tusto
hortooda taalay oo marka horeba shidnayd, laakiin aanay xiiso u qabin
daawashaddeeda, ayaa mar qudha lagu wada jeestay oo wiilkooda(indhaha) iyo
qalbigoodaba soo jeedisay. Wuxuu ahaa barnaamij muuqaal ah oo TV-ga
Aljazeera,qaybta af ingiriisigu baahisay. Isla markaana ku saabsanaa Geella.
Muuqaaladii u horeeyay ee furitaanka u ahaa filimka, ayaa midba dareen ka duwan
ka kale ku salaamay ardaaga. Mid farxad ku bariidiyay iyo mid dhiilo-sidle oo
cadho geliyayba, mid kastaaba fariin run ah buu tebinayay.
Muuqaalkii Koowaad
Biligtii u horaysayba
wuxuu ku furmay geel hor weyn ah oo bidhaan wacan oo meel saxaare ah
tooraynaya. waa saxaaraha boqortooyada Qatar. niman carbeed oo dharkii dhaqankooda
xidhan ayaa hareera socday. caraabe xeradiisii haybsanaya ayuu u muuqday.
Daymadiisu mid meel kale laga keenay oon ahayn kii jasiiradda carabta lagu
yaqaanay ayay u ekayd. Nin degellada geel daaqeenka soomaalida aad u yaqaana,
dhogortiisana hilaadin karaa, wuxuu u qaadan lahaa mulki carro-edeg laga
keenay. Dhulkuu marayay bur iyo geed midna ma lahayn, balse calaf iyo biyo-ba
fadhiguu ku helaa oo kal tabasho korkiisa kamay muuqan. Wuxuu socdaba wuu soo
hoyday, la godlay, la lisay oo weel caano ka buuxaan oo xoorku ka sareeyo
candhadiisa laga saaray. Dabadeedna inta loo fadhiistay la dhamay. Muuqaalkaasi
wuxuu i geliyay xusuus dheer. Ardaagaan fadhiyay kama kicin, hadana ruuxdaydu
waxay u socdaashay degelo aad uga fogaa bartaan joogay oo aan marar badan
mayrac iyo mirashaba geel ku raacay. Qawrax iyo Miyir baa hortayda yimi.waa
laba halaad oo la ii lisi jiray, geella kale iiga tilmaanaa, dhiiqdooduna
koriinkaygii hore qayb ku lahayd.hase yeeshee, xusuusi shalay ma soo celiso,
safarkaasina ma sii dheeraan oo durba maanka soo dabaalay. Kelina kumaan ahayn
ee mid layla magaabinayay ayuu u ekaa.
Sidii daymadaa il qabadka
leh indhuhu ugu dheganaayeen, ayaa il bidhiqsi gudihii aragii ka soo booday
shaashadii uu dheehashaddeeda ka go?i la?aa. Mid dacar iyo doogba ku kiciyay
ardaaga ayaa bedelay muuqaalkii hore.
Muuqaalkii Labaad
Kamaradii na dul gaysay
saxaaraha carbeed, waxay u duushay safaanaha Austarelia. Waxa bilawday qaybtii
labaad ee filimka.farxadii hore waxa xigay murugo iyo muraara-dilaac. Saa waa boqolaal
kadin oo Geel ah oo ka qurux badan kii hore, da? kasta leh, cidna aan xero ugu
jirin.isla markaana, Hal, Awr, Qaalin layliya, Qaalin ugub ah ,Nirgo, Baarqab
iyo Koran, dhamaantood mid hays leh iyo mid toosanba dil lagu xukumay. rasaas
nool lala dhacayo, yaacaya, shiishyahano cadaan ahina ay neef neef u
tooganayaan.midba mar ciirayo markay ku dhacdo oo dhulka cuskanayo, maalmo
kadibna dheecaankiisu carrada hoos gelayo.
Barnaamijkaa muuqaalka
ahaa oo uu daadihinayay nin carbeed wuxuu muujinayay, in dawladda Austarelia ay
la tacaalayso korodhka taranta Geella duurjooga ah ee dalkaa ku nool oo xiliga
duubista la waday lagu qiyaasay hal milyan oo neef. Inkasta oo Adhi iyo Lo?ba
lagu dhaqdo dalkaa, hadana, Geella xoolo ma moodaan oo ma dhaqdaan. Laga yaabaa
soomaali badan in aanay taasi ka daadegin, balse waa jirto aan been ahayn.waxay
u arkaan Geella mid dhibaato badan ku haya, mid deegaan iyo mid kaleba. taasina
waa ta ay u sibir saareen go?aanka dilka ah oo ay ugu yeedhaan, hawlgalka
yaraynta taranta Geella qalqaaliga ah. Waa naf la dhibay oo mararka qaarkood
Geella duurjooga ah ee Austareelia wuxuu toore ku jiidhaa wixii uu ku beegmo,
waxaanuu gaystaa khasaare. Malihii kama aha aargoosi, hadana, dareenkiisu ma
moogana nacabkiisa oo kollay noole kasta kashiisu way taqaanaa bidhaanta
cadawgeeda, midba meel uu dareenka didmada ku leeyahayba.
Waxa lagu tilmaamaa
Geella xoolo amran oo kitaabka Alle ku soo arooray. Faa?iido iyo manaafacaad
badan, mucjisooyin aanay xoolaha kale la wadaagina leh.??xasbuna laah wanicmal
wakiil?? sidaa waxa ku celcelinayay weriyaha carbeed ee barnaamijkan soo
saaray, oo u muuqday nin ka madluunsanaa ciqaabtaa xasuuqa ah.
Mar kale iyo Dooddii
Ardaaga
Muuqaalkii xumaa
daawashadiisa laguma sii negaan, wax badan oo uu xambaarsanaana lagama wada
bogan, misna dood arrintaa la xidhiidha ayaa la yara wadwaday. Mid baa yidhi,
??Geellani waa keenii oon biyo is marin??, mid kalena wuxuu ku ladhay, ??Alla
yaa inooga soo kaxeeya?? mid kale ayaa jawaab degdeg ah ku soo celiyay oo
yidhi, ??Dee waa lagu siinayaaye orod doono??.midba dhinac buu iska taagay,
laysu baaci, aragti kastana wax laga yidhi. Lama aamusine la sii wad sheekada,
nin kale ayaa ku soo booday, kuye, ??Kuwani xuquuqdii mayeedhaanka meel bay
kaga dhaceen, bal eega siday xoolahaa u gellayaan??. Dhiniciisa waxa fadhiyay
nin ay saaxiib yihiin oo ay akhyaarta kale isaga dhaw yihiin. waa nin af-gaaban
oo aan hadalka tarmin, aragtida dadka kale aad u ixtiraama, markuu hadlana
midhkiisa seegin. Umuu hollan inuu hadlo oo goorahaaba wuu aamusnaa, hase
ahaatee aragtidii jaalkiisa ayaa jawaab ka keentay, wuxuu yidhi; ?? Inagu
xuquuqda dadkaba ma naqaanee, ma mid xoollaad baynu ka hadli karaa. Soomaali
hadaynu nahay, horta aan xuquuqda dadka barrano, kadibna ta xoollaha aan ka
hadalo??.
Waxay socotaba aakhirkii
waxa curatay su?aal kale oo nuxurkeedu ahaa, Geellan duurjooga ah ee Austarelia
ka hadalkiisa inaga hakiyoo, kii soomaalida ee carro-edeg joogay muxuu ku
eeddan yahay?.waxay ahayd mid meesha le?eg oo muhiim ah. Waxay rogrogaanba
waxay istuseen xaaladda dhabta iyo duruufaha daran ee ku gedaaman xoolaha nool
oo weli ah lafdhabarta dhaqaalaha qaran iyo qoysba soomaalida. aafooyin dadku
gacantooda ku curiyeen ayaa baad iyo biyo-ba tiray xoolihii, deegaanaday ku
noollaayeena ka dhigay qaar lama degaan isu bedelay, haddaan wax laga qabana
noqon doona saxaare buuxa. Aakhirkii faaqiddaadii mawduucan waxa khatimay mid
ka mid ahaa xerta ardaaga oo sheekadan kooban ku bilaabay
sidan;
Qaalinkii Jaadka
?Oday aanu isku qoys
nahay oo Geel badan lahaan jiray, laakiin haatan toban tuldood wax aan ka
badnayni ay ka sii qiiqayaan Geelliisii, ayaa maalin maalmaha ka mid ahayd,
goor barqo ah intuu kolba geed isku toosiyay,dabada ka eryay qaalin Geellaba ku
jiray oo lays lahaa, reerka haloo jara baro si uu gaadiid ugu noqdo. Odaygu
dhuumashuu ku kaxaystay awrka. wuu iska qariyay gashaanti uu dhalay oo hallaha
hillaadii la joogtay. Kamuu duwanayn tuug xoolo baadi ah oo aanuu lahayn
xadaya. Wuxuu la weecweecdo oo uu dabadda ka dhengaddeeyaba wuxuu ku shakaalay dulleedka
tuulo yar oo uu maalintii oo dhan fadhiyo. Dabadeed, wuxuu u yeedhay nin jaadka
tuullada ku iibiya, waxaanuu ku wareejiyay qaalinkii. Wuu ku dayn baxay.
Dayntuna wax kale may ahayne waxay ahayd jaad. Muddo markuu macmiishaba
balantaa ah, in neef loogu qiimeeyo oo uu keeno. Neefaf badan baa horeba sidaa
ugu baxay oo noqday, Qaalinkii jaadka, Sabeentii jaadka, Wankii?????reerkii
wuxuu is gaadhsiiyay in Qaalinkii la waayay. Baaddidoon baa jihooyin kala duwan
loo galay, laakiin Odayga reerku wuu arkayaa, maqlayaa, waxaas oo dhan mana
sheegi karo. Wuxuu qariyaba Afaddii qoyska, Hooyadii gurigu waxay heshay
qaalinkii oo sidii tuullada duleedkeeda ugu xayiran. Xadhiga ka fur goortay is
tidhina, runtii baa farta laga saaray, sidii bay gurigeedii kaga soo dhaqaaqday
iyadoo dudmo ah. Waxay ka fursan wayday in reerka arrinkooda la galo, hase
ahaatee, wax bog leh oo baabaco leh oo loodiya waa la waayay. Gar bay ku
taagnayd oo lalama yaabayn, mar iyo lababa way soo dhaaftay oo way u adkaysan
wayday, wuxuu saygeedu samaynayo. taasina waxay keliftay inay odayga qaawiso si
ay inta danbe u badbaadiso.?
Gunnaanad
Waa tabaale iyo taws ku
baahday carra-edeg (dhulka Soomaalida). Saddexda meesi ee xoolaha nool ee ay Soomaalidu
dhaqataa hore iyo hadaba,waxay u yihiin; dhaqan, dhaqaale iyo dhaadasho. Weli
ma jiro wax soo saar kale oo laysku halayn karo oo bedelay xoolaha nool, hase
yeeshee,haatan waxay u eg tahay inay dabar go?ayaan hadaan la curin siyaasad
daba qabataysa. Isla markaana aan la abuurin hannaan dhaqasho oo ka degan kii
hore ee guur-guurka ahaa.
Guntii iyo gebagebadii,
haddii Geella duurjooga ah ee Austarelia xabad lagu dilo, ka xero-jooga ah ee
Bariga Afrikana darxumo iyo dayac buu u dhintaa. Sidaa darteed, dhimasho isma
dhaanto.
Muuse F. Jaambiir
Oslo, Norway
No comments:
Post a Comment