" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Qurbe-joog dalka u tudho! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Thursday, January 10, 2013

Qurbe-joog dalka u tudho! - W.Q: Barkhad M. Kaariye

Gacanta bidix wuxuu ku haystay faraqa macawis uu xidhnaa, gacanta midigna wuxuu dhexda kaga buuxsaday oo uu ku sitay bud gaaban oo madax buuran.  Labada faraq ee cumaamadda uu garabka ku sitayna midkood wuxuu ku maray qoorta, si aanay dabayshu uga tuurin. Waa gedaha 40-jir, timihiisana midh-midh cirro ah oo aan badnayn ayaa ka muuqda. Aniga iyo Guuleed oo wada taagan, ayuu sidii uu u soo lalayay na soo hor joogsaday.

 “Waar wax-ma-tarayahow, maxaad u sidataa haddii aanad telefoonka qabanayn?” ayuu si haaraan leh ugu yidhi Guuleed. Ma garanayo anigu ninkan iyo waxa ay isku yihiin Guuleed. Balse, waxaan u qaatay in qoyskooda uu ka tirsan yahay oo ballan ay lahaayeen oo uu dayacay ku hiifayo. Isaga oo aan wali Guuleed ka jawaabin hadalkii, isla markaana wali aanu ninkii wax kale hubsanba, ayuu mar kale hadalkii sii waday, “Waxa maalmahanba ku soo garaacayay wiilkii ina hebel ee qurbaha joogay, telefoonkii waad ka qaban wayday! Wuxuu doonayay in uu bilaabo hawl reerka dan u ah, oo aad adigu ka gaabisay! Wuxuu furayaa bahal laygu yidhi wuxuu la hadlaa gaalada oo websaydh la yidhaahdo!” halkaa marka uu hadalkii marinayo, ayuu Guuleed I soo eegay, waxaanay indhihiisu u muuqdeen kuwo uu farriin ugu dirayo odayga oo uu ugu sheegayo in arrintu ay ku qurux badnayd inay gaar uga wada hadlaan. Balse, taasi uma muuqanin odayga. “Reerihii waxay isku dhaafeen warbaahin, cid waliba cidda ay ka warbaahin badan tahay ayay ka danaysi badan tahay. Ma I maqlaysaa, inankaa la shaqee, haddii kale waxaad soo heshaa qof la shaqeeya oo danta loo sameeyay websaydhkaasna og.” Markii uu halkaa marinayay hadalka, ayuu odaygii u muuqday in uu wax fahmay. Inta uu aniga I soo eegay, ayuu yidhi; “Inankani ma inagaa?” Guuleed oo markii horeba la yaabban waxan uu hubsiimo-la’aanta huluuqsiinayo, ayaa ka jawaabi kari waayay su’aashii!

 
Inta aan nabadgelyeeyay Guuleed ayaan ka dhaqaaqay. Mar dambe ayuu Guuleed ila soo hadlay oo ii sheegay in odaygu uu ahaa adeerkii, balse aanu ogayn in waxan reeraha la yidhaahdo iyo hawshan qabiilaysiga ee dalka rogtay aanay isaga u bilownayn! Alla yaa u sheega in cudurkani aanu ku wada fidin dhalinyarada!
Maalin dambe oo muddo ka soo wareegtay, ayaan goor barqo ah ku soo baxay meel buuq iyo sawaxan ka oogan yahay. Waxaaba ka dhex muuqda ninkii Guuleed, wuxuu dhex taagan yahay laba wiil oo dhalinyaro ah oo mid waliba xiiqsan yahay. Markii aan soo gaadhay, mise xaaladdu cirkaasay maraysaa oo mid waliba cadho awgeed ayay xididdada madaxu soo baxeen! Labada wiil ee la kala hayo midkood waan garanayaa, ka kalese wuu igu cusub yahay. Ergadii ka mid noqday oo dhexdhexaadin iyo in la qaboojiyo oo arrinta degannaansho lagu soo celiyo ku guulaysanay. Iyada oo aan hadal kaliya afkayga ka soo bixin, ayuu Guuleed bilaabay hadalkii si uu iigu sheego waxa dhacay; “Waar niyow maalintii odaygii hawshii uu igala hadlayay ayaa culays aad ah la igu saaray, aakhirkiina waan galay oo wiilkan ayaan u dhiibay oo wuxuu la shaqeeyaa mareegtii laynoo sheegayay ee uu samaystay ninkii laynala soo galay. Inankan kalena waa hebel oo waad taqaanaa isaguna mareegta uu ka shaqeeyo. Labadan wiil waxaan macno buuran lahayn ayay isku haystaan…” intaanu hadalkii dhammayn, ayuu ka boobay hadalkii wiilkii aanan garanayni, “Adeer ha odhan ma buurna’e runta sheeg. Waar anigaa kuu sheegaya ee dhegayso, inankan yari wuxuu ka shaqeeyaa mareegtaas uu kuu sheegay, waxa looga taag la’yahay tifaftirahayaga guud ee magaalo heblaayo jooga iyo mareegta aan ka shaqeeyo oo uu wax ka qorayaa maalin walba! Malaha wuxuu moodayaa in aanu cid difaacda lahayn! Markii aan idhi, maxaad nagu maagtaana waabu ila dagaallamay.” Kii kale ayaan waydiiyay oo aan isagana ku idhi waar bal adiguna, maxaa isu kiin keenay ninkan; kuye; “Waar niyow wax alla waxaan ogaa ma jirin ee ninkan oo cadhaysan ayuun baa ii yimi, markaan idhi maxaa dhacayna, wuxuu hadal iiga bilaabay maxaa la naga kiin siiyaa! Waxaanse mar dambe ogaaday in cadhadiisu daarran tahay colaad u dhaxaysa tifaftirayaga iyo tifaftirahooda oo isku magaalo ka jooga Yurub, isna seegay oo colaadi ka dhaxayso! Waxa kale oo aan ogaaday in qoraal aanan ogayn oo uu tifaftirayagu soo geliyay shabakadda uu ka sii cadhooday” Haye, bal gartaa wax ku sheega! Bal waa idin kane idinkuba ka gar naqa arrintan! Waa laba qof oo isku seegay waxaan khusaynin! Waa laba qof oo la  isku dirayo, iyaga oo aan isba soo gaadhin.
Gartii ku dhammaynay in aan dadkani waxba iska khusayn, isuna iman karin ee nin waliba dantiisa raacdo.
Guuleed waxa kale oo ii sheegay maalintaa in subaxnimadaa la xidhay wiil dhalinyaro ah oo suxufi ah! Markii aan waydiiyay sababtana, wuxuu ii raaciyay, “Ninkii tifaftiraha ahaa ee Yurub joogay, ayaa xalay saqdii dhexe ee wakhtigeena war khalad ah soo geliyay shabakaddii  uu ka shaqaynayay, ka dibna saaka uun baa la arkay. Sidaasaa loo xidhay.”
Waxa maankayga taabtay magacan TIFAFTIRE ee wax walba lagu kharribayo, dhibbanayaalna u yihiin dhalinyarada dalka gudihiisa ka hawl gasha. Waxaan la yaabay waxyaabo mararka qaarkood dhaca oo ah; sida qof intaas oo kun oo mayl u jira dalka gudihiisa, qof u soo waramayaana aanu jirin uu wax uga qori karo dalka gudihiisa. Waa ta keentay in male-awaal la qoro, waa ta keentay in waa la rogmaday, dagaal baa dhacay iyo wax baa is-gumaadaya umadda loo sheego!
Ma odhanayo oo uma jeedo dhammaan dadka shabakadaha wararka iska leh ama hagaa dhammaantood way xun yihiin oo dano gaar ah ayay u adeegsadaan, sababtoo ah waxa jira kuwo danta umadda ka shaqeeya, siyaasiga aan u adeegin, isla markaana ku salaysan anshaxa mihnaddu leedahay. Balse, waxa badan inta ku dhaqanta cakiska sifooyinkaa aynu soo sheegnay. Waxyaabaha keenana waxaan anigu dhaafin waayay, aqoon-darro iyo is-mahadin wada socda! Waxa jira rag ku magacaaban tifaftirayaal ama mulkiilayaal oo aqoonta saxaafadda meel ay u soo mareen aanay jirin, taasi waxay sababtay in qofkii la mid noqdo duuliye aan lahayn aqoon iyo khibrad diyaarad-wade oo diyaarad kiciyay. Halka ay diyaaraddaas iyo rakaabka la socdaa ku dambaynayaan cid waliba way ogtahay.
Ciwaanka kore waxaan qoraalkan u siiyay ayaa laga yaabaa in aad isweydiiso; tiro aad u kooban oo aan lix mareegood dhaafayn, ayaa dalka gudihiisa laga sameeyay, lagana hagaa shabakadaha wararka ee dalka. Balse, dhammaantood inta kale waxa laga hagaa dibedda iyo qurbaha, cidda hagtaana waa qurbe-joog. Sidaasi awgeed, ayuu qalinku leeyahay; QURBE-JOOG DALKA U TUDHO.
 
Barkhad M. Kaariye
Hargeysa, Somaliland.
 

No comments: