" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Gelbis: Waa gabay baroor-diiq ah - W.C: Yaasmiin M. Kaahin

Tuesday, March 19, 2013

Gelbis: Waa gabay baroor-diiq ah - W.C: Yaasmiin M. Kaahin

Gabaygani waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin. Wuxuu curtay markii aduunka laga qariyey abtigeed Naasir Cawil Axmed-Xajiin oo Gacan ka xaqdarin ku dishay magaalada Hargeisa.

Ma gabyeene Rabboow, naftaa diiday gama’iiye,
Gacantaydii midigiyo markaan wayay garabkiisa,
Soo talo gunuunuc ima badin iyo weliba guux hoose,
Geeridaan xishood iyo lahayn guga maanta uun dhaaf,
Ma goblame rabbaan tageyn godkaa hoos iyo iile,
Ruux waliba guudkay u taal tani inuu ka guurayne,
Tani se ma-guurtay ku tahay qalbiga oo aan go’ahayne,
Garkaygiyo wadna ruux ku godan, gudaha duunkayga,
Gallad lagu arsaaq Naasir, soo gaar uma ahaanin.
Godka lagu janee abtow gudcur soo maaha tebiddaadu,
Galiilyada naftiyo ruuxdaa gooha damin wayday,
Gocoshiyo xusuustaa gubaysa maankayga,
Araggaaga guud iyo codkaan abid ka guuraynin,
Gaashaan biraad ii ahayd gaadhka noloshayda,
Galka seefta dirirtayda iyo gole-ka-baankayga,
Gacan aan ku aarsadiyo guul baad ii ahayd, taala garabkayga,
Qaangaadh haddoon ahay iyo kolkaan gu’ qudha uun joogay,
Abibintayda guud iyo kolkaad geeraarka curintiisa,
Alif lagu gun gaadhiyo higaadda, markaad igu gergaaraysay,
Inaan madaxayga hoos geeyo maxay gubaysay maankaaga.
Dhaaxaad habeen ii guddood dartay guuro bahalyasay,
Farxaddiyo wanaagga hadaad goyn oy giniyo noqonoyso,
Maxaad ii soo gadi lahayd adoon cidka kale gaadhsiinin.

Afartaa gantaalkaygu dhacay gogoldhiigiisi dhe,
Afar kalena geesiyada ii hadhiyo, golahay joogaan dheh.
Inkastoo caqligu go’aanka rabbiyo, qaddar guddoomaayo,
Inkastoon laga gudbayn arrin, Weyne talo-gooyey,
Gacan-ku-dhiiglihii dilkaaga geystiyo, kii gargaaraayay,
In ajashoodu go’aysoon la dayn, gelinna noolaanin,
Ooy golaha iilka kuugu iman, waa ged la hubaaye,
Ilaah in uu naaraha geyn, waa go’aan dhabahe,
Waxba yaan gaws-qaniinine, geesiyaa hadhay.
Afartaa gantaalkaygu dhacay gogoldhiigiisi dhe,
Afar kalena guddoonkiyo duco aan gaadhsiino,
Aan Guulle u baryee, gacalkayoow aamin dhe,
Durdurrada jannada een gudhayn, een abid go’ahaynin,
Anbiyadu halkay gaadhantahee, raxmaddu gororayso,
In Ilaah uu geeyaan baryee, gacalkayow aamin dheh.
Xuural-cayn gedday u egyihiin, Eebbe garanaayo,
Inay gogosha u dhigaan, gacalkayow aamin dheh.
Gadaafo in laga dhawraan baryee, gacalkayow aamin dheh.
Naxariista gaarka ah in lagu gallado, gacalkayow aamin dheh.
Malaa’iig gargaariyo u tari, inay joogaan garabkiisa,
Oon geylan iyo lahayn, guhaad waxyeelaysa,
In Raxmaanku gaar uga dhigaan baryee, gacalkayow aamin dheh.
Waxba yaan ducadu ila gadmane, waxaan ku soo gooyay,
Gar-darraa lagu dilay aan lahayn, gar iyo cudur-daare,
In geriyaadka aakhiro Ilaah, uga gargaar yeelo,
Oo jannada toos loo geeyo, gacalkayow aamin dheh. YMK

No comments: