Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool haddii ay geeridu fursad siiso. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne la'aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn. Carabtu waxay ku maahmaahdaa “Atacab bacda raaxa” oo ka dhigan daal ka dib in raaxo jirto. Haddii ay timahaagu madow yihiin waa marka ay caddaan doonaan. Haddii jidhkaagu is haysto waa kolka uu debci doono. Haddii ay maskaxdaadu si hufan u shaqaynayso waa xilliga ay tabcaan noqon doonto. Haddii aad socodka laba lugoodinayso waa marka aad tukube qaadan doonto amma aad u baahan doonto caawiye.
Marka laga yimaado gabowga uu waqtigu keeno, waxa jira gabow uu qofku isu keeno. Kollay waxaad hore u maqasheen, “Hebel wuu cimri degdegay.” Waa odhaah tilmaamaysa qof qof ka soo hor maray xilligiisii gabowga. Waxa jira arrimo badan oo keena gabowga degdegga ah sida ay sheegaan bahda caafimaadku, kuwaas oo ay ka mid yihiin; cibaado la'aanta oo ay ugu mudan tahay salaad la'aantu, daroogooyinka uu qofku dabada isugu qabto, jimicsi la'aanta, baahida joogtada ah, galmada badan ee xaaranta ah (sinada) oo qofku xanuuno ka qaado, wererka iyo culuysyada (stress-ka) qofka maskaxda kaga furma.
Waxa inta badan la arkaa in qofba qofka uu ladan yahay amma wax roon yahay in noloshiidu ay bilic-roon tahay. In qofba qofka uu ka jimicsi badan yahayna inuu ka da' yar yahay qofka aan jimicsida samayn. Maxaa yeelay, qofka beni'aadanka ah jidhkiisu waxa uu baahan yahay korriin, daryeel iyo ka war hayn joogto ah. Maaha inaad tidhaahdo hordo dheer ayaan seexanayaa, inta aan doono ayaan fadhiyayaa, wax kastana waan cunayaa. Qofku waxa uu ka samaysan yahay lafo, jiidh iyo muruqyo isku dhisan. Meel kasta oo qofka ka mid ah waxa ku jira muruq iyo laf iscaawinaya. Labaduba waxay u baahan yihiin xannaanayn iyo ka warhayn joogto ah. Muruqyadu waxa dawo u ah inay helaan jimicsiyo kala duwan oo dhisa, isla markaana tayeeya shaqadooda iyo adkaysigooda.
Haddii aynu tusaale u soo qaadanno, dadkeenna badankoodu ma sameeyaan jimicsi joogto ah marka laga reebo qayb yar oo ka mid ah. Waxa aad arkaysaa qof in ka badan laba iyo toban saacadood qayilaya oo meel fadhiya, marka uu qayilaada dhammaystana seexanaya oo saacado kale oo badan hurdaya. Ma waxa uu u haystaa inuu bir yahay amma dhagax-dixeed? Imisa xanuun ayaa qofka noocaas oo kale ah ku dhici kara? Waa qaladaadka ay dadkeennu sameeyaan ee u baahan in laga wacyi geliyo.
Waxa la xaqiijiyey haddii aad jidhkaaga ka shaqaysiin waydo inaad dhibaatooyin la ehel noqonayso. Muruqyadaadu waxay noqonayaa kuwo jilicsan oo daciif ah. Wadnahaaga iyo sanbbabadu uma shaqaynayaan si sax ah oo habboon. Xubnahaagu waxay noqonayaan kuwo adag oo si sahlan u dhaawacmi kara. Haddii ay dhibaatooyinkani isbahaystaan caafimaadku waxa uu ku sugan yahay halis.
Qaybahan soo socda waxaad ku akri doontaan qodobbo muhiim ah oo iftiiminaya faa'idooyinka jimicsiga, waana kuwan ee ka bogosho wanaagsan:
Jimicsigu waxa uu ka qayb qaataan ka hor-tegista cudurrada
Jidhkeennu waxa uu mar kasta u ooman yahay inuu helo jimicsiga noocyadiisa kala duwan. Jimicsiga joogtada ahi waxa uu u fiican yahay inuu qofka ka ilaaliyo miisaanka badan ee jidhkiisa fuulaya iyo inuu caafimaadka wanaajiyo. Wuxuu yareeyaa amma meesha ka saaraa xanuunnada ku dhaca wadnaha, Kansarka, dhiig-karta, macaanka iyo xanuuno kale oo khatar ah. Waxa uu jimicsigu qurxiyaa muuqaalka qofka isla markaana waxa uu dib u dhigaa gabowga oo ah dulucda qormadeenna.
Jimicsigu waxuu dhisaa awoodda qofka (Improves Stamina)
Marka aad jimicsiga samaynayso waxa uu jidhkaagu qaadanayaa tamar badan oo isu beddelaysa wax jidhka gelaya. Jimicsiyada joogtada ah ee qofku samayn karo ee awooddiisa dhisaya waxa ka mid ah; socodka amma lugaynta joogta ah, kaxaynta baaskaylka, waxyaabaha la tumo sida kuwa feedhka lagu barto iyo jimicsi siinta qaybaha kala duwan ee jidhka amma muruqyada.
Jimicsigu waxa uu kor-u-qaadaa firfirooniyada qofka (Enhances Flexibility)
Samaynta jimicsiga joogtada ahi waxa uu qofka ka dhigaa mid firfircooni u saaxiib ah. Jidhka qofku wuxuu awoodaa inuu iska caabbiyo culaysyada kala geddisan ee ku imanaya. Waxa kale oo uu qofku awoodaa inuu jidhkiisa sida uu doonayo uu dhaqdhaqaajiyo, meesha uu doono u weecin karo.
Faa'idooyinka kale ee jimicsigu leeyahay waxa mid ah in aanu qofku aad u naaxin amma jidhkiisu u kala bixin, inuu qofku ka badbaado werwerka iyo buuqa maskaxda kaga furma, inuu qofku si wanaagsan u seexdo iyo inuu qofku dareemo da' yaraan (younger).
Faa'idooyinkaa aynu sheegnay iyo kuwo kale oo badan ayuu jimicsigu qofka beni'aadanka ah u leeyahay. Muhiim ma aha inuu qofku jimicsi badan sameeyo oo uu is-wareeriyo, balse waxa lagama maar maan ah inuu qofku yeesho waqti jimicsi amma ha lugeeyo amma wax kale ha sameeyee, waxa mudan inuu qofku wax uun sameeyo.
Waxa aynu qormadan ku soo afmeeraynaa, way cad tahay in qof kasta da'da neceb yahay. “Waar ma aniga ayaad odayga igu leedahay.” iyo “Adeer raalli ahaw.” Ayaad marar badan arkaysaa oday iyo wiil dhalinyaro ah oo is waydaarsanaya. Macne badan ma laha in da'da la diido oo hore ayaa loo yidi; “Haddii ay geeriyi ku dayn lahayd gabow ayaan ku daynayn.” Hasayeeshee waxa muddan in qofku iska war-hayn badan yeesho, in aanu iska noolaan ee uu ku xisaabtamo inuu jidhkiisu u baahan yahay daryeel iyo korin, inuu yareeyo amma joojiyo waxa uu arko inay naftiisa halis ku yihiin.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
cabdiheersare01@hotmail.com
No comments:
Post a Comment