" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Masuulka maanta – W.Q: Cabdiqaadir Sh. Maxamuud

Sunday, March 10, 2013

Masuulka maanta – W.Q: Cabdiqaadir Sh. Maxamuud

Waxaan ahay masuul qaran, waxaan aad ugu faraxsanahay xilkayga, xafiiskayga waxa aan u soo shaqo tagaa xiligaan doono, ma jirto awood shaqo oo ii astaysan ama qeexan oo aan ka ahayn magaca uu ku astaysan yahay xafiiskaygu ee ana la igu magacaabay , shaqada ugu badan ee aan qabtaa waa inaan ilaashado xilkayga oo tallow sideen u ilaashadaa?
 
Waa inaan dowladda ka difaaco dhiilasha ay u soo jeediso beeshaydu iyo cidii kale ee dhaleecaysaba, oo sidee baan u difaaca ? waa inaan u soo bandhigaa waxqabadkii xukuumadda iyo horumarkii ay gaadhay mudadii ay xilka haysay . oo markaa ma afhayeenkii xukuumadda ayaad tahay ? maya . maxaan ahay hadda ? guul wade, guul-wadaynu waa maxay ? waa amaanaa, ka qosliyaa, difaacaa, howlaha qaranka ma daneeyo inaan u jawaabo ama saxo cidii xafiiskayga wax ka sheegta.
 
inta badan aroortii waxa aan ku mashquulaa hoteelada magaalada si aan u tago siminarada iyo munaasibad ka dhacaysa si aan dhagaha ugu rido inaan wali ahay difaacaa weyn, inta badan munaasibadaha waxa aan ka akhriyaa hadallo isku mid ah oo maxaan idhaahdaa ? (ACW waxa aan aad ugu faraxsan ahay inaan idin kala soo qayb galo munaasibadan aadka u qaaliga ah waxa aan hubaa inay bulshadu ka faa’iidaysan doonto mashruucan, hadaanu nahay dowladdana si wanaagsan ayaanu idiin garab gali doonaa …. Intaa marka aan dadka u jeediyo ayaan raacsadaa afartaydii yaraa oo ahaa “Waad ogtihiinoo inaanu iskuuladii bilaash ka dhignay, lacagtii bariga badalnay, ciidamadii mushaharkii u kordhinay, dee halkaaas ayuun baan dabada uga galaaye miyaan ka soo celiyaaba” marka ay shicibku su’aalo I waydiiyaana waxaan ugu jawaaba ( aanu wadnaa howshaa, waanu ku guda jirnaa, inyar baa noo hadhay, gabo gabo ayey ku dhow dahay, waa su’aal aad u wanaagsan, waanu dardar galinay, gacan ayaanu ka gaysanay, waa lala tacaalayaa, waanu baadhaynaa, waxba kama jiraan arinkaa iyo qaar kaloo badan) halkaa kuma joogee marka ay cawayskii gaadho ayaan ku soo noqdaa garoomadii aan saaka ka carraabay inkastoo aan ka muuqaal duwanahay kii saaka waayo saaka waxaan xidhnaa suudh ama dhar caadiya halka aan fiidkii ka soo xidho dhar sports ah ama go shaal ah iyo macamuus waxa aan la fadhiistaa dadka kuwa ugu soo horeeya ee aanu is indha garano miiska ayaan labada mobile ee bal-balaadhan iyo furaha gaadhiga saaraa markaasaan ku miisaa intii saaka oo kale ilaa iyo inta laga gaadhayo xili danbe oo habeen kii ah intaas ayaan badiyaaba qabtaa habeenkii iyo maalintiiba waana meertadaa masuuliyadaydu.
Cabdiqaadir Sheekh Mahamoud

No comments: