Warramidda, weelaynta
warka, war-galeennimada iyo tebinta warku waxa ay xilliyo hore Soomaalida
dhexooda ka ahaayeen arrimo ay ka sameeyeen horumar xooggan. Haddii ay laba qof
meel cidlo ah ku kulmaan, isla markaaba waxa ay hadalkooda ku bilaabi jireen
ereyo sidan oo kale u yaal: Bal warran! Ma nabad baa? ama nabad sheeg! Maxaa la
sheegay? Maxaa lagu beryay? Maxaa lagu waabariistay? Maxaa lagu soo hoyday?
“Weeye?” Iyo qaar kele.
Waydiinahan sare waxa aynnu kala dhex bixi karnaa waayaha degganaansho-la’aaneed, colaadeed, iyo cabsida ku gedaaman moogganaanta ama filashada wax aan la filanaynin – arrimahaas oo si joogto ah ugu xeernaa nolosha bulshada Soomaaliyeed. ‘War la helyaaba, talo la hel’ waa maahmaah Soomaaliyeed. Ka-fal-celinta waxa uu xambaarsan yahay war (ha ahaado mid togan ama mid taban ba e) iyo go’aan-qaadashada, ka-tashiga iyo ku-tashiguba waxa ay uu baahan yihiin in la hayo war iyo wacaal.
Haddaba halkan waxa aan ku soo tebin doonaa muuqaal iyo dhacdo xog waraysi oo ku kayd gashay buuggii Richard Burton, First Footsteps in East Africa, gu’gii 1854. Waxa se aan ku daray faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan madashii uu xog warrankaasi ka dhacay – taasoo iga ah iftiimin iyo xiise gelin guud waxyaalo badan oo lagu arki jiray madalahaas oo kale.
Sida uu xusay Burton, Soomaalidu waxa ay tahay
dad war-ku-nool ah. Mana jirin qof socoto ah oo si fudud u waydaaran jiray reer
meel deggan, ama qof uu jidka kula kulmo, isaga oo aan isla taagin, ka dibna u
hollan in uu waraysto. Warkuna Soomaalida dhexdeeda sida haadka oo kale ayuu u
lalaa oo meel fog ku gaadhaa ammin yar. Tusaale-ahaan, waxa uu xusay Burton kol
uu duufaan darani dhibaato ba’an gaadhsiiyay xeebta Bumbay ee dalka Hindiya,
wax-yeellona u gaystay doonyihii ka ag dhowaa marsadaas, in Soomaalidu
dhacdadaas warkeeda ay ku sheekaysanayeen 14 cisho oo keliya ka dib markii ay
dhacday – tiiyoo aynnu garan karno qaabka war is-gaadhsiineed ee xilligaas fog
jiray marka la barbar dhigo waayadan dambe.
Warka kale ee Soomaalida dhexdooda hadal
hayntiisu kusoo noqnoqonaayay (sida uu sheegay Burton) waxa uu ahaa dagaalkii
Ruushka oo aan filayo in uu ula jeeday dagaalkii “Crimean War” (1853-1856) ee
dhexeeyay is-bahaysi ay lahaayeen imbaraadooriyadihii Ingiriiska, Faransiiska
iyo Turkigu oo dhinac ah, iyo Ruushka oo dhinaca kale ah. Arrinka dagaalku ka
dhacay waxa uu ahaa sidii loo kala hororsan lahaa ama loo qaybsan lahaa dhulal
uu maamuli jiray Turkigii ay awooddiisu sii liicaysay ama nuglaanaysay. Haddaba
nin ka mid ah kooxdii Soomaaliyeed ee Richard Burton ku wehelisay socdaalkiisii
Saylac ilaa Herer oo loo diray socdaal gaaban oo isugu jiray xog ururin iyo
sahamin biyood ayaa ku soo laabtay iyagii si uu ugu warramo. Waana tan sida ay
wax u dhaceen:
Hebel-hebel dameerkii uu fuushanaa waxa uu uga degay si uusan isbaba dhibaynin (si fudud). Waana kaas ku soo dhowaaday kooxdiisii. Cabbaar yarna waxa uu isu taagay qaab uu labadiisa lugood mid ka mid ah baabacadeeda saaray meel ku beegan lafta madhanta ama xoogga lugta (ee u dhexaysa jilibka iyo gommodda) oo ah qaab-joogsi ku caan ah Soomaalida dhexdooda. In yar ka dibna, isaga oo taageersanaya warankiisii ayaa uu u fadhiistay qaab uu salkiisa dhulka taabsiiyay, labadiisii lugoodna waxa uu isu weydaariyay qaab ay labada qonof iyana ciidda taabteen.
Wuu baalla-daymooday, ka dibna candhuuf yar oo xidhiidhsan ayuu kasoo dhex ganay foolashiisa fanaxda lahaa (tsst!), si xarrago lehna waxa uu ugu arooriyay ciidda meel barbarkiisa ah. Falkanina, kol haddii aan toos cid kale loola abbaarin looma aqoonsana in ay dhibaato weheliso ama la qoonsado. Caddaanta ilkahiisa waxa lagu masayn karaa alaalaxaydii badda – taas oo ka dhalatay cadayga (rumayga) aanu afka ka dhigin, haddii aanu afka ku hayninna ugu jira dhegta korkeeda.
Hubkiisii (warankii, hootadii iyo gaashaankii) ayaa uu hortiisa dhigay. Ka dib waxa uu bilaabay in uu ciidda ku xarxarriiqo qori yar oo uu dhulka ka qaatay – isaga oo indhaha la raacaya jeexdimaha kala saafaya ciiddii omoska ahayd, si la mid ahna kooxdiisii waxa ay indhahooda kolba raacayaan dhaqdhaqaaqa qoriga yar iyo raadka uu ciidda kaga tago. Falkan oo kale waxa laga yaabaa in bulshooyin kale oo ka baxsan Soomaalida ay u arki karaan mid ku keeni kara qalin daar sunsunka fikradaha ku laban legdoonaya maanka, ha yeeshee waxa uu u muuqdaa mid maskaxaha goob joogeyaasha ku carbinaya in ay soo tubaan dhegahooda, dhugmona u yeeshaan warka la sheegi doono.
Aamusnaan ayaa hadhaysay goobtii, waxana dhammaantood foolashooda (wejiyadooda) ka muuqday wax ka fog dhayalsi. Dhegahoodii waa ay soo wada tubeen si ay u maqlaan warka uu sido ninkan ay dirsadeen. Maxaa yeelay, kol haddii ay ku nool yihiin carri ku ceeryoonsan colaad, cabsi iyo lama-filaanno, tallaabo kasta oo noloshooda ahi waxa ay u baahan tahay go’aan qaadasho ka dhalatay u-fiirsasho iyo rogrogid. Hore ayaa loo yidhi “war baa ugu gaajo kulul”. War-galeennimada iyo gudbinta wanaagsan ee warkuna waa mid ay Soomaalidu aad ugu horrayso iskuna qaddariso.
War-sugeyaashii oo u fadhiyay wareeg ama qaab u yaal sidii bil dhalatay oo kale, waxa ay dhulka ku qottomiyeen warmahoodii, kuwaas oo caarooyinkooda afaysan ee wax heeri og la moodayay in uu olol ka baxayo – cadceedda dhinac ka qabatay awgeed. Warmaha waxa ku jiray qaar caaro yuuban oo dhabanno looxlooxsan, iyo qaar ganto leh oo meesha ay galaan u gooya hor iyo gadaal. Badidoodu waxa ay u fadhiyeen kadaloob, qaarkoodna waa ay doonyaysnaayeen. Dharkoodu waa labadii go’ ee Maraykaanida ama Baftada ahayd, halka odayaasha qaarkood siiba kuwa waxoogaa hanti ah is bidaa ama magaca lehi ay ku gaadhnaayeen go’ khayli ah. Dhallinyarada qaarkood timahooda waxa ay ku dhoobeen malaas (darro), qaarna madaxyadoodu waxa ay hadhsanayeen woofil weyn (oo timo ah). Waxa kale oo meesha ka muuqday odayaal madaxa muldhistay, shaarubaha xiiray, gadhkana siidaystay. Waxa ay dhammaantood indhahoodii ku xoomiyeen ninkan warrami doona.
Haddaba markii la gaadhay ammintii la sugaayay ayaa hor-joogahoodi ku tiraabay: “Soo daa warka”!
War-qabeenki waxa uu u gudbin doonaa warka ah in uu ceelkii gaadhay. Sidan soo socotana ayuu ku war bixiyay – isaga oo erayada uu rabay in loo dhug yeesho uu ugu dhawaaqayay si ay ku jirto xeel-dheeraan iyo codayn sare, mararka qaarkoodna u raacinayay qoriga yar ee uu gacanta ku yahay – kaasoo uu dhulka ku dhufto.
“Waan warramayaa – idanka Eebbe!”
“Wa yaheey!” (ayay ugu eray celiyeen)
“Dameerkii ayaan saaka caarray halkan ka fuulay!”
“Wa yaheey!”
“Sidaasbaan idinkaga ambabaxay!”
“Warkaa ha jiro!”
“HALKAAS!” (wuxuu ku bixiyay cod dheer isaga oo qorigii yaraa ee gacanta ugu jiray iyo indhihiisiiba ku fiiqaya dhinacii uu tilmaamayay).
“Wa sidaa!”
“Halkaas baan ka baxay/ka boodhiyay!”
“Wa yaheey!”
“Ay jiq ah baan sii dhex jibaaxay!”
“wa yaheey!”
“Bacaad weyn baan ka sii gudbay!”
“Wa yaheey!”
“Anoon Eebbe mooyee cid kale ka cabsi qabin!”
“Eebboow adaa weyn!”
“Ugu dambayn waxa aan arkay raad lo’aad!”
“Ho! Ho!” (waxa ay u yidhaahdeen si la yaab ku dheehan yahay)
“Raad cusub ayuu ahaa!”
“Wa yaheey!”
“Dumar raadkood baan arkay!”
“Wa yaheey!”
“Ugu dambayn waxa aan arkay gendello saaran rakooyin!”
“Wa yaheey!”
“Biyo xareed ah oo galacle!”
“uuuh!”
“Dameerkii baan ka degay anigoo harraaddan”!
“Wa yaheey!”
“Jilbahbaan u dhacay!”
“Wa yaheey!”
“Harraadka i hayay awgiis waanigaas gacmahayga kaga dhergay!”
“Warkaa ha jiro!”
…………………………
Marka uu warramuhu sidaas iyo si la mid ah ku dhiibto warkiisa waxa bilaabma falanqayn, baaraan-deg iyo rogrogid iyada oo doc walba laga eegayo arrin kasta oo saamayn dhow iyo mid dheer ba ku yeelan kara noloshooda, ka dibna lagu dhaqaaqo wixii artatabasho ah (diyaar garow ah), arrinkooduna noqdo “war la helyaaba, talo la hel”!

W:Q: Axmed Ibraahin Cawaale
Xigasho: Degelka qoraallada ee Axmed
No comments:
Post a Comment