" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: WALAAHOOW: Gabay baroor-diiq ah - W.C: Barkhad M. Kaariye

Wednesday, March 20, 2013

WALAAHOOW: Gabay baroor-diiq ah - W.C: Barkhad M. Kaariye

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay isweydiiyeen geerida dhacday (Abtigay/Saaxiibkay Naasir Cawil Axmed-Xajiin) iyo aamuskayga...Xaqiiqdu siday tahay waan garan waayay waxaan idhaahdo; macnaheedu maaha in aan diiday geerida, inaanan ogolayn waxa Rabbi xukmay, balse waxa weeye in aanu anagu wax gaar ah isku ahayn. Waan hubaa - sida qaarkiinba aad u ogtihiin - in aanan gabyin, gabyaa ahayn, isla markaana heerkaa gaadhin, haddana urgumada, uurkutaallada iyo anfariirka geerida kediska ah, ayaan ereyadan hoose u yidhi. Waan ka afeefanayaa wixii gef ku ah xeerarka suugaanta iyo gabayada ee aad halkan ka aragtaan. Waa baroor-diiq aan isugu baroor-diiqayo, waa tacsi aan u gudbinayo qoyskayga iyo dhammaan ehelkayga.

Walbahaarkaa aamuska lahaa, warka dhiillada’e,
Waxaan sugo, wax aan sillo iyo waxaan si u yidhaahdaba,
Waa horaan odhan lahaa, weedha ku habboon.
Waa anfariir iyo walaahoow, warka soo baxay’e,
Ma weydaartay dunidan halyey, waalidkay dhabi,
Nin weyn iyo wuxuu ii ahaa, waayeel tilmaanlee,
Marna wehelkay ruma iyo wuxuu ii ahaa, saaxiib wanaagloo,
Ma illaabo waligay Saddiiqow, waaxduu banneeyee,
Waheey waallaloow baan wax ii tarayn, waagan maanta ah.
Weynaha awoodda laan tegayn Siciidoow, iilka weecsanoo,
Wedkaan daynayn ruuxnaba, maruu wajaafaaye,
Waxse igu dheer tilmaantiyo, wuxuu ii ahaa ani,
Maankayga waxa ku wadhan, waanaduu yidhi.

Waxba yaan murugada cokani, ani I weydayne,
Waxaan eray dhammaantii Jaamacoow, hadal ku soo waabay,
Wahaabkeen siduu yidhi, Waarahaan dhimane,
Wakhti uu yimaaddaba hubaal, waynu xigaynaaye,
Watiin, Wa-seytuun iyo aayadaha Weyne ku asteeyay,
Jannadiisa wacaniyo nimcada, inuu u wandhaaro,
Cadaabtana ka wareejoo gidaar, waabab kaga dayro,
Wada-jir aamiin u dhaha, waa la aqbalayaaye.
 
W.C: Barkhad M. Kaariye
 

No comments: