Salaan, araar iyo guud-mar
labada dhinaca ka dib, Ninka “ Ma waalida mise wareerka”, Waa siday yidhaahdeen
qoladii xaggaaga ka socotay. Qoladii xaggayga ka socotayna waxay tibaaxeen si
ilbaxnimo ku jirto sidan;
Waa guri yar oo haddana aan guri lagu sheegi karin, waa se goob ay habeenkii ka dugsadaan dhaxammaha, maalinkiina kana hadhsadaan qorraxda. Guriga wax alaab ahi uma taallo, marka laga reebo salliyada ay ku jiifaan iyo gadbaddii bariiska ahayd ee ay maanta halkan kula ciireen.