Labo xammaal oo saaxiibbo ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo ku daalay shaqadii ay wadeen, xoogaagii gunnada ahaana aan weli loo dhiibin gadbad bariis ah oo ay sideen daalkiikula gataati-dhacay bartii ay degganayeen.
Waa guri yar oo haddana aan guri lagu sheegi karin, waa se goob ay habeenkii ka dugsadaan dhaxammaha, maalinkiina kana hadhsadaan qorraxda. Guriga wax alaab ahi uma taallo, marka laga reebo salliyada ay ku jiifaan iyo gadbaddii bariiska ahayd ee ay maanta halkan kula ciireen.
Kolkii ay jiifsadeen ee midkood hurdo gam’ay, kii kalena sii gama’yo, ayuu tuug u soo dhacay. Kor iyo kalba, tuuggii wuxuu baadhay gurgii, laakiin wax uu qaadaba wuu ka waayay, waxaanay ishiisu hadba qabataa gadbaddii bariiska ahayd. Wuxu is yidhi jawaanka bariiska laftiisa qaad, wuu se qaadi kari waayay, dabadeedna waxaa uu go’aansaday inuu shaadhkiisi dhulka dhigo oo bariiska uu badh ka mid ah ku shubto. Shaadhkii ayuu dhulka goglay, isaga oo isku deyaya inuu jawaanka furo.
Intii uu jawaanka ku sii jeeday ayaa labada xammaal kii sii gam’ayay uu ka hoos qaaday shaadhkii oo inta uu duuduubay uu barkaday, iskana jiifsaday. Xammaalkii seexday ayaa sanqadhii tuugga ku toosay, dabadeedna saaxiibkiisii kale ee soo jeeday ayuu weydiiyay: “Waar aqalka ma tuug baa ku jira?” Saaxiibkii wuxu ugu jawaabay: “Waar tuugna kuma jiree naga seexo.” Tuuggii oo ayaa deetana hadlay oo yidhi: “Haddaanu tuug ku jirin, Shaadhkaygii mee!!”
Nooli-kulantee,
Ahmed Suleiman
Ahmedshiine1@yahoo.com
© Weedhsan Corporation
No comments:
Post a Comment