" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Ha ii diidin heesaha! W.Q: Axmed-Deeq

Tuesday, October 23, 2012

Ha ii diidin heesaha! W.Q: Axmed-Deeq

Ha ii diidin heesaha,
Hoobaan la mooddaan,
Hablahaba ka doortaa,
Ii soo hibaysee,
Ha ii diidin heesaha,
Naftan laga hallaabee,
Hilowguna dishoodee,
Caashaquna heeraan,
Ku habaa ayaamee,
Ha ii diidin heesaha,
Hidahaygii weeyoo,
Haatan iyo illaa dura,
Hal-abuuradaydaa,
Murtidayda hodanka,
Iigu soo halwinayee.
 

 
Abuur ahaan dhegta nooluhu waxay jeceshahay maqalka codadka dabacsan. Codadkaasi waxay garaacaan xadhkaha wadnaha, waxaanay xadanteeyaan dareenada hoose ee noolaha. Dabadeed wadnuhu wuxuu kordhiyaa garaaca, taas oo keenta firfircooni hor leh. Halkaasna waxa ka dhasha in noolihii hilmaamo xaaladdii uu ku jiray, galana mid si walba uga duwan. Haddaba, codadkaa toolmoon ee ku raaxaysigooda laga siman yahay dadka waxa u sii dheer fahanka midhaha codka ku lammaan. Midhahaasina marka ay ka soo burqadaan ilo xareed ah, lana waafajiyo laxan ku habboon xaaladda ay ka hadlayaan, laguna ladho cod legdan oo xabeeb yari ku lammaan tahay waa marka aad madaxa iyo mijahaba u ruxayso sida laan gabi ku taal oo ay lulayaan dabayluhu. Dareenkan beerraq dadka oo idili waa ka siman yihiin oo waa lagu wada dhashaa, haba lagu kala badnaadee, waase iska dhadhaa haddii uu waayo kobcin iyo deegaan ku habboon.
 
Heesaha ha ii diidin
 
Haddaba, dhegaysiga, dhugashada iyo dhadhansiga suugaantu waxay dhiiggayga raaceen aniga oo dhallaan ah, haatan oo aan dhallinyaro ahayna waxay ka mid noqdeen quud maalmeedkayga. Taas oo aan badankeeda sabab uga dhigo aniga oo ka mid ah “ummaddii gabayga” “ummaddii aftahamada” “ummaddii Geela” “ummaddii udugga” “ummaddii muuska”. Wa ummaddaas ku tilmaaman in ay dhallaankeeda ku ababiso heeso iyo hawraaro-san oo ka tarjumaya dhaqankeeda, afkeeda iyo deegaankeeda, jeer oo uu dhaqan carbeed oo diinta ugu soo dhuuntay dhulkeeda soo galay oo uu hilfaha u laabay hal-abuurnimadeedii, kalana irdheeyay suugaanteedii iyo dadkeedii isku sidkanaa, heesihii dhadhanka lahaana ku badalay nashiidooyin Carbeed oo aan dheecaan lahayn.
 
Haddaba, intii dirqiga kaga badbaaday duulaankaa afeed ayaan ka mid ahaaye, miyaanan midhaha hoobaanta ah, naaxiyadaha halhaleelka ah iyo dhawaqyada hallaasiga ah hadhkii galaba naftayda ku habin? Miyaanan dhaqaaq joogsan jirin marka aan maqlo hees ka baxaysa guri, dukaan ama hudheel? Miyaanan iska sii saarnaan jirin baska illaa ay ka dhammaanayso iyada oo mar hore la dhaafay halkii aan kaga degi lahaa? Miyaanayse laxanadu laabtayda iyo lubbigaygaba ka sifayn xumaanta, xasadka iyo xiqdiga, kuna beerin kal samaanta iyo kalgacalkaba? Miyaanan ku kobcin dareenkayga, dadnimadayda iyo damqashadayda banii-Aadaninimaba? Miyaanan qaraamiga ku dhayan dakharada dagaal ee dushayda ka muuqda kuna soofayn damiirkayga marba daxalku dul fuulayo? Miyaanan ku cabirran dareenada shucuurta kalgacal ka ceegaagto ee uu awoodi la’ yahay cindigaygu cabbirkooda? Miyaananse dareemin marka aan qudhqudhinayo furfurnaansho qalbiyeed iyo firfircooni maskaxeed oo aanan muxubo iyo kalgacal daraaddeed Soomaalida daaye, gaal iyo islaam wada cafin? Miyaanayse suugaantu iskay tusin iguna baraarujin ceebahayga si aan xal ugu helo?
 
Heesaha ha ii diidin.
 
Haa, intan iyo laban laabkeedba waan ku qabaa suugaanta, la’aanteedna waxaan noqon lahaa qalfoof iyo qof madhan; hiif iyo haaraan miidhan; waxaan la soo taagnaan lahaa habaar iyo halgaad wada socda; waxa iga buuxi lahaa cadho iyo cuqdad; waxa igu yaraan lahaa faraxa, raynraynta iyo riyaaqa; waxa isaga kay qaldami lahaa dhaqanka Carbeed ee xidhxidhnaanshaha nololeed ku saabsan iyo diintayda suubban ee naxariista, dhibirsanaanta, laab furnaanta iyo faraxa ku qotonta. Daqiiqad walba waxaan ku fikir lahaa sidii aan dad u halaagi lahaa, u colaadin lahaa, u qarxin lahaa u addoonsan lahaa ama caqliga u yasi lahaa ee kuma hammiyeen sidii aan u hanuunin lahaa, u caashaqi lahaa u quudin lahaa, u xorayn lahaa ama caqliga u cisayn lahaa. Suugaanta oo idilna waxaan ku soo koobi lahaa hees, heesaha oo idilna waxaan u haysan lahaa: “Yaa garayska kaa fura, kuu salaaxa gaaddada.”
 
Haddaba, dhallaan, dhallin iyo dhaaxaa jirba si aan dhigeenna u haybsano, aan dhiganno, dhilanno, dhuuxno suugaanteenna qaybaheeda kala duwan, kuna raaxaysano heesaha dareen taabadka leh ee hal-abuuradeenu hibada inooga dhigeen. Sidoo kale aan suugaanta afafka kalena wax ka korodhsano. Isla jeerkaasna aynu baranno diinteenna suubban, akhrino kitaabkeenna Qur’aanka ahna. Hadalkayga haddii aad la yaabban tahay bal hawraartan isaga deji, waa midhihii Abwaan Hadraawi, laxankii Macallin jiir iyo codkii hoobalka Xasan Aadan iyo heestii “Baled Weyne” dareenka ay kugu samaysana nala wadaag.
 
Allaa Mahad Leh
 
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Deeq)
 

No comments: