" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: 21 October iyo 23 Sanadood ka Hor! W.Q: Rooble Maxamed

Sunday, October 21, 2012

21 October iyo 23 Sanadood ka Hor! W.Q: Rooble Maxamed

21-ka Oktober waa maalin ku suntan taariikhda dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan. Maanta oo kele 23 Sanadood ka hor waxaanu guriga ka bixi jirnay 4ta habeennimo iyadoo dhaxan darteed ilkuhu is garaacayaan balse waxa naloo oggol yahay ay tahay shaadhka balcadda ah ee iskuulka oo keliya oonaan xataa funaanad xidhan karin.
Waxaanu isla 4:30 ama 5:00 subaxnimaba iman jirnay garoonka u dhow xeradii Bir-jeex waxaana halkaa loogu sii diyaar garoobi jiray gaardiga dheer ee lagu marayo waddada hor marta Garoonka wayn ee Istaadyoomka ilaa garoonka Salaanta oo ah halka maantay uu ku yaallo Edna Hospital. Xaafada lama ogolayn inay cidi joogto oo askar baa wareegi jirtay dadkana xoog ku soo saari jiray, qofka diidana waaba la xidhi jiray. May kala aqoon yaa xanuunsanaya, yaa hawlo kele leh iyo cida rabta inay iska nasato. Cirka waxa yaaci jiray diyaaradihii Miigga ahaa oo u dabbaal-degaya Maalintan iyada ah. Dariiqyada, gidaarrada iyo xarumaha dowladda waxa ka buuxi jiray sawirka Maxammed Siyaad Barree oo ay ku dul qoran yihiin erayo ammaan ah sida "Guulwade Siyaad, Aabbihihii garashada, geyigayagoow" iyo qaar kele oo badan.

May ahayn wax dadku ay doonayeen ee waxay ahayd wax dowladda oo adeegsanaysa Guul-wadayaashii ay si xoog ah oo muquunis ah ay ku samayn jireen. Sidaan horeba u soo sheegay lama oggolayn qof guri jooga maalintaa hadii kele waxaad tahay "Kacaan diid", "Qudhmis" iyo qaar kele oo badan waxaanad mudanaysay xadhig aan muddadiisa la ogayn.

Marka saraakiishii kacaanku ay hadlayaan kamay warrami jirin maxaa dhiman, maxay tahay in la qabto iyo wada shaqaynta dadka iyo dowladda ee waxay amaani jireen uun dowladda iyo Siyaad Barre oo markaa madaxweynaha ahaa. Idaacadahuna wax keleba kamay sheekayn jirin aan ka ahayn horumarka la sameeyay iyo sida madaxweynuhu uu dalka janno uga dhigay. Intaa wixii aan ahayn qofka ka hadla waa xadhig ama waa dil.

Waxaannu Oktoobarka mari jirnay anagoo sidaanu 4tii habeenimo guriga uga soo baxnay ah oo quraac iska daaye qof kabbo biyo ah afka geliyay aanuu jirin oo dhinac kasta askari kaaga meersan tahay laguuna ogolayn laynkaa aad ku jirto inaad dhinac uga dhaqaaqdo. Kumuu jirin askarta dalka haysatey dareen naxaya oo xataa u sheegaya kumanaanka ciyaala iskuulka ah in bal wax kele daaye xataa biyo la waraabiyo.

Iyadoo habeenadii maalintaa ka horraysay uun ciidamada iyo NSS tu ay guryo intay u dhaceen wixii ay xidhi karayeen ay xidheen, boqollaal kelena ay badhka soo taageen oo la laayay ayaa haddana subaxnimada ehelkii dadkaa lagu khasbi jiray inay dabbaal degaan oo siyaad barre u sacabbo tumaan halkii ay tacsida u fadhiyi lahaayeen ee ay dadkaa xaqdarrada lagu laayay u ducayn lahaayeen.

Waxaanu guriga ku soo noqon jirnay xilli qadaha anagoo afku na dheeraaday oo maanta oo dhan nala bacad joojiyay oo dhanna aanay nagaga jirin.
 
 
Subixii markaan Iskuulka nimaadno ayaa maamulka dugsigu la soo baxaa liis dheer oo xaadiris ah markaasaa intii aan shalay imanin Oktoobarta ee goobta laga waayay la dareeriyaa, qaar waa la xidhaa qaarna iskuulka iyo waxbarashadaba waa laga eryaa. Xataa lama waydiiyo wuxuu ku maqnaa. Markaanu xanaaqno ee aanu ku soo buuqno xafiiska maamulahana waxa naloo sheegaa uun inay ardaydaasi yihiiin kacaan diid oo dowladu ay sidaa ku amartay.

21 ka Oktoobar marka ay soo dhowdahay waxa la qaadi jiray hawlgallo culus oo guryaha loogu dhacayo laguna baadhayo wixii rag ahna xarumaha NSS ta iyo dhabar-jebinta loogu gudbinayo. Waxaan weli xasuustaa jawigii argagaxa lahaa ee saqda dhexe iyadoo la wada hurdo albaabbada guriyaga inta laad lagu soo jebiyo anagoo hurudna qori dabadii iyo laad nalagu toosiyo meel koone ah nala joojiyo. Iyadoo gurigana ay ku teedsan yihiin guuto ciidamo ah oo ku qalabaysan beebeeyo, baroonno iyo hubka kiisa culays iyo fudaydba leh. Qof hadli karaa naguma jiro oo qoryo xabbadu dhuunta wada taallo ayaa dhinac walba nalagaga hayaa. Waxay baadhaan guriga oo xataa boorsooyinka dumarku shilimaanta ku ritaan ee baabacada lagu qaato ayay furayaan oo waxa ku jira dhulka ku daadinayaan. Intaa waxa socota caga-juglayn, cay, aflagaaddo, hanjabaad iyo qaylo intaba lagu argagax gelinayo dadka shacabka ah ee guriga ku nool.

Maanta oo ay Somaliland ka joogto muddo ka badan 23 sannadood, waxaan dareemi karayaa isbedelka ku yimid noloshii dadka iyo sida xorriyadda ah ee dadku ay u nool yihiin. Waxaan aad ugu fiirsadaa dhalinyarada habeenkii baabuurta lagu raaxaysto ku wata wadooyinka kala duwan ee caasimadda oo qaarkood ilaa waaberiga ay wareegaan. Waxaad arkaysaa in saacadda aad doonto aad lugaynayo oo meeshaad doonto marayso adigoon ka baqanayn Bandoo, askar iyo xadhig toona.
Oktoobartaan ogaa iyo tani wallee waa kala laba adduun.
Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland

No comments: