" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Abwaan Gaarriye oo geeriyooday iyo Taariikh-Nololeedkiisii oo Kooban

Monday, October 1, 2012

Abwaan Gaarriye oo geeriyooday iyo Taariikh-Nololeedkiisii oo Kooban

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ahaa hormuudka Maansayahannada Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalda Oslo ee dalka Norway.
 
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo 60 jir ahaa ayaa sannadkii ugu dambeeyayba la liitay xaalado caafimaad-darro, isla markaasna xanuunkiisa lagula tacaalayay dalka Norway.
 
Abwaan Gaarriye waxa lagu xusuusan doonaa kaalintii hufnayd ee uu ku lahaa suugaanta Soomaalida iyo deraasidihii cilmiga ahaa ee uu badhtamihii 1970-nnadii ku soo kordhiyay.
 
Taariikh-Nololeedkii Abwaan Gaarriye oo Kooban:
 
Gaarriye wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa 1952. Waxaa korisay eeddadii oo dhimatay isaga oon weli hanaqaadin.
 
Magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh ayuu ku dhammaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1970. Dabadeed wuxuu ku biiray Kulliyadda Lafoole ee Afgooye, halkaas oo uu shahaadada BSc ka qaatay 1974. Wuxuu bare ka noqday dugsiyo sare oo dhawr ah ilaa 1976. Sannadkii 1977 ayaa loo beddelay Kulliyadda Lafoole oo uu ka dhigi jirey Suugaanta Soomaaliyeed. Muddo yar ka dibna waxa loo magacaabay guddoomiyahaWaaxda Suugaanta Soomaaliyeed ee Kulliyaddaas. Sannadkii 1980 ayuu ku wareegay Akaademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Halkaaas oo uu ka shaqaynayey ilaa 1982, markaas oo uu ku biiray halgankii hubaysnaa ee lala galay taliskii Siyaad. Wuxuu sannadkii 1973 helay miisaanka maansada Soomaaliyeed (taas oo ah qawaaniinta xukunta dhismaha maansada). Waxaanuu markii u horreysay si taxane ah ugu daabacay joornaalkii Xiddigta Oktoobar sannadkii 1976. Isla sannadkaas buu ku biiray Guddigii Af-Soomaaliga ee u xilsaarrayd erey-bixinta iyo cilmi-baadhista afka iyo suugaanta. Wuxuu wax ka qoray riwaayaddii Aqoon iyo Afgarad 1971.
 
Wuxuu qoray sannadkii 1979 riwaayad aan iftiinka arag oo la yidhaahdo Eed Hooyo laga Galay. Wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu waawaynaa ee ka qayb galay silsiladdii caanka noqotay ee Siinley sannadkii 1973. Isagaana bilaabay silsiladdii xiisaha badnayd ee Deelley sannadkii 1979. Waxaana faan ugu filan inaanuu weligii gabay qabyaalad ah tirin.
 
Bahda Mareegaha Weedhsan waxay Tacsi u diraysaa ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Gaarriye, waxaanay Ilaahay uga baryaysaa inuu marxuumka Naxariistii Janno ka waraabiyo!
 
© WeedhsanCorporation

No comments: