" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Talo iyo Tusaale Waayeel - W.Q: Rooble Maxamed

Monday, February 4, 2013

Talo iyo Tusaale Waayeel - W.Q: Rooble Maxamed

ImageDalku wuxu marayaa marxalad adag oo ay saldhig u tahay qabyaalad, nin jeclaysi iyo xildoon. Midho kasta oo la beero waxa dhadhinaya cudurradaa aynu sheegnay aakhirkana waxay noqonayaan qaar baaba’a oo aan waxba laga faa’idin.
 
Haddaba, Si xal loogu helo mushkiladaha hadda taagan mar hadii reer walba, laf walba, jilib walba iyo qabiil waliba uu rabo in nin iyaga ah xil looga magacaabo haddii kele dalku aanuu degeynin oo rabashado iyo dhalinyaro dhimata ay u tahay waxaan soo jeedinayaa Qodobbadan:
1- In Xilalka wasaaradaha la kordhiyo. Wasiir waliba waa inuu yeeshaa 20 ku xigeen, DG walibana waa inuu yeeshaa 20 kele oo ku sii xiga. Sidoo kele dhamaan agaasimayaashu waa inay yeeshaan ugu yaraan 10 ku xigeen.
2- Dalku waa inuu yeesho ugu yaraan 5 Madaxweyne ku xigeen. Tiradu intaa way ka badan kartaa iyadoo ku xidhan marba baahida iyo kobica tirada bulshada ee dalka ku dhaqan.
3- Wax qabadku muhiim maaha dadkuna ma eegayaan maxaa la qabanayaa iyo waa wax soo kordhinaya. Markaa waa inaan taas la eegin ee xilalka faraha badan la iska magacaabo maadaama sidaas lagu qanacsan yahay. Dowladda loogu jecel yahay waxay noqon doontaa dowladda xilalka badan samaysa ee cid walba xil u dhiibta.
4- Shirarka Jaraa’id waa loo siman yahay. Mar hadaan waxaasoo madax ahi waxba qabanaynin waa in mid waliba marka uu caajiso uu shir jaraa’id ku jimcsado oo kuu doonana caayo wuxuu doonana sheego. Haduu cid kele oo uu dhalleeceeyo uu waayo ilayn dadku xil buu wada hayaaye waa inuu aabbihii caayo.
5- Wasaaradda maaliyadda waax kasta oo ka mid ahi waxay noqonaysaa wasaarad gaar ah si aan lacagta la isugu qabqabsan. Cashuuraha berriga waxa loo kala saarayaa laba wasaaradood, (Buuraha iyo Banaanka) si ay u fududaaato lacag soo ururintu.
6- Maadaama uu Qof waliba doonayo inuu Madaxweynaha arko oo arrinkiisa gaarka ah kala hadlo, Madaxweynuhu marka uu subaxdii soo tooso wuxuu kurusi dhiganayaa Madaxtooyada horteeda si aanay cidina u odhan waa la ii diiday inuu arko. Dadku waxay is taagayaan kuyuugaa dheer ee laamiga ilaa suuqa. Waa nasiibkii qofka ay cadceedu uga dhacdo isagoon weli gaadhin Madaxweynaha, Aroorta ayuun buu soo Kallihi doonaa.
7- Marka uu Madaxweynuhu Safar debedda ah u baxayo cidda raacaysaa waa inay qori tuur ku timaaddo oo madal la wada fadhiyo uu qori tuurkaasi ka dhaco. Dalku waa inuu yeesho diyaaradda Boeing 707 oo safrrada noocaas ah qaadda weftidaya lamana ogola inay iyadoon buuxin kacdo. Xagga safarrada dhulka, Way u furan tahay cidii rabta inay Madaxweynaha raacdo. Baabuurta uun baa la is daba dhiganayaa intay doonaan ha noqdeene.
8- Xaflad dambe oo madaxtooyada lagu samaynayaa ma jirto. Maadaama aanay dadka intaa leeg wada qaadaynin, Wixii casho sharaf, xaflad ama munaasabad ah waxa lagu qabanayaa Xeebta Berbera ee dhanka Batallaale. Dhinac kasta way ka furan tahay dalka oo dhana way qaadi kartaa. Hadii dadka qaar ay ka baqdaan inay cidhiidhi ku noqoto, way u furan tahay intay dharka la baxaan inay xagga badda ka soo dabbaal joogteeyaan si ay xafladda halkaa ugala socdaan.
9- Wax doorasho la yidhaahdo oo dambe ma jirayso. Yaa la dooran dee yaase laga dooran dalkuba xil buu wada hayaaye ? .. Haddaba si adduunka loo tuso inaynu doorasho galnay oo dimuqraaddiyadi jirto, masuul waliba waa inuu carruurtiisa iyo xaasaskiisa (kii dhowr leh) inta uu soo saaro ay sanduuq yar oo bir ah oo tumaalaha uu ka soo samaystay ay ugu ridaan waraaqo ay ku dooranayaan. Hadhowna warbixin uun baa laga qori doonaa sheegaysa inay dadkani si caddaalad ah ku soo baxeen oo qof walba reerkiisii doortay.
10- Wax Mushaharo ahi ma jirto marka laga tago Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo iyagu dhamaan wasaaradaha kula dhuuqaya. Wasaarad waliba xamaalatayaa ama dukaanno furatayaaba waa inay kharashkeeda soo saarto.
11- Si kor loogu qaado tayada shaqada iyo ka faa’idaysiga wakhtiga, dhamaan shirkadaha qaadka keena waxa lagu amrayaa inaanay celeemo dambe dalka soo gelin doonin. Waa inay sameeyaan wershedo yaryar oo Qaadka miira oo dabadeedna isagoo sharaab ah ay suuqa keenaan. Taasi waxay kor u qaadaysaa bilicda magaalooyinka isla markaana qofku uma baahanayo 6 saacadood oo uu mee fadhiyo si uu uu marqaamo. Wasaarad waliba waa inay yeelataa taangi loogu shubo qaadkaa miiran si aanay shaqaaluhu meel kele ugu doonan cidda shaxaad ugu timaadana koob qaad ah uun loogu shubo.
12- Saxaafaddu wax xeer ah ma yeelanayso haba yaraatee. Qof waliba wuxuu doono ha qoro, ciduu doono ha caayo, beentuu doonana ha sheego. Hadii uu qof ka cawdo aflagaado, waxa isagana u furan inuu saxaafad kele samaysto oo isna intaa in la mid ah uu sameeyo ilaa la kala daalayo.
Bal muddo 5 Sanadood ah intaas ha la tijaabiyo. Waxay ila tahay inay dalkeena si fiican ugu shaqayn doonto isla markaana aynu ka raysan doono buuqan iyo qalalaasahan maalin walba taagan dadkuna hadii ay xil wada helaan ay iska nefisi doonaan mar hadii loogu yeedhayo “Wasiir, xildhibaan, agaasime, gudoomiye, iwm”.


W.Q.
Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland

No comments: