Ayaan waliba tilmaan lehe waxa ay ahayd sabti ulo badan. Waa hubaal in maalin waliba ayaantii Ilaahay tahay, laakiinse tani aniga waxa ay ii ahayd maalin amranayd. Waxa ay ahayd sabti tilmaaman oo Khadarkii nolosha ee aan muddoba raadinayay aan si dhib yar leh ula kulmay . Dadku kala nasiib badan oo waayaha iyo wakhtigaa ruuxna xidha qofna saacida’e, maalintani waxa ay ahayd maalin baal dahab ah ka gashay buugga xusuus qorka noloshayda. Alla nasiib badnaayee. Oo waayo? Oo waayadeed, sow lamaan kulmin qalanjadii hablaha ee aan in badan ba hablaha gayaankay ka dhex goobayay. Alla wacanaa oo wanaagsanaa marka Rabi kula kulmiyo mid aad u xulatay inay noqoto xidigtii rajada iyo mataantii noloshaada. Gaabsiguna waa xaaraane mid aad mustaqbal iyo guur ula holoto. Oo ileen nin faro madhani fariid maaha’e ay kuugu beeganto wakhti farahaagu dufan leeyihiin oo aad waysada u biyaysatay guur iyo inaad reer yagleesho.
Wednesday, February 27, 2013
Gayaan kala garasho duwan - W.Q: Muuse M. Ciise (Dalmar)
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:28 PM
Monday, February 25, 2013
Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
3:08 PM
Gaadiidka loo yaqaano Boodha-boodha
(dhug-dhuglayda), ayaa noqday ka loogu isticmaalka badan yahay dalka Uganda,
gaar ahaanna caasimadda Kampala, kaas si weyn uga caan ah gudaha dalkaas.
Adeegsiga mootada oo si xawliya ugu soo badanaysa Uganda, ayaa bulshweynta kala
duwan ee ku dhaqan dalkaasi si xaamiya u raacaan boodha-boodha oo u sahla in ay
si fudud u gaadhaan goobaha ay doonayaan in ay ka soo adeegtaan.
Sheeko Gaaban: Saxafigii Sannadka! W.Q: Saddaam Xuseen Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:23 PM
Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.
Transcript of Mary Harper interview with Somali president
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:48 AM
Dushaadu intee le’eg tahay? – W.Q: Cabdillaahi Cawed Cige
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:26 AM
Waa
kabkab aan isu soo ururshay, maaha qoraal shir ballaadhan la la tago. Yeelkeeda
ee ceesaantii ka soo qaad nin ba ceelka geyn jiray. Mawduucu waa ‘dusha’ iyo
ruux ba inta tiisu le’eg tahay, qaad leedahay aan idhaahdo.
Iga dul badan:
Goobtu
waa timoxiir Hargeysa ku yaalla. Aniga iyo nin aan timo lahayn oo aannu Liverpool
ka wada nimi ayaa muraad timoxiirka u yeelannay, timahayga inuu ii gaabsho ayaannu
ugu tagnay. Saddex nin ayaannu meheradda ugu tagnay, laba shaqaale ah iyo nin
macmiil ah. Ninka macmiisha ah waxa u soconayay timo jar.
Thursday, February 21, 2013
Qiimee qofkaaga - Somaliland: Qaran uu qof qiimeeyo : W.Q Xasan Cumar Hoorri
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:54 PM
"Kolba
dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub."James M. Buchanan
Jr.,1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta
Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha
iyo aqoonta siyaasadda.
Tuesday, February 19, 2013
Baro waxbarasho Jaamacadeed oo bilaash ah adigoo gurigaaga ama xafiiskaaga jooga!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:30 PM

Saturday, February 16, 2013
Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:48 PM
Monday, February 11, 2013
Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:45 PM
Maalintii koowaad ee
Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa
ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay
“is-dhiibe
cusub”
oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee
isgaarsiinta ee
Internetka laga adeegsado ama
Teleefoonka laga dirsado, oo uu
wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo
qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay
goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu
wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd
qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay
Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo
ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba
dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar
ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa
ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo
isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in
ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay
warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado
waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.
Wednesday, February 6, 2013
Shaqo Runihi Waa Middaan kula Dhimanin - W.Q: Dr. Cali Sheekh
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:28 AM
Monday, February 4, 2013
Talo iyo Tusaale Waayeel - W.Q: Rooble Maxamed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:18 AM

Subscribe to:
Posts (Atom)