" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali

Saturday, February 16, 2013

Masuuliyadda qalinka iyo qiimaha dhigaalka: W.Q: Kamaal A. Cali

Qalinku waxa uu aadamaha u hayaa masuuliyad laga yaabo in haddii qoraaga iyo guud ahaanba hal-abuurku sideeda u dareemo culayska ay leedahay adduun iyo aakhiro ay adkaanba lahayd in uu qalinkiisu godlado. Waxaa lama huraan ah in qoraagu inta aanu dhigaalkiisa bilaabin uu is weydiiyo fikirkan maskaxdiisa ka soo maaxday ee uu qalinka u hol...laday, muhiimadda uu u leeyahay akhristayaashiisa maanta iyo kuwo laga yaabo in ay qarniyo kadib dib soo raad-raacaan. Waa dhaqankeenna in inta aynaan geedka tegin aynu garteenna sii akhrisanno, sidaa awgeed ma jiro wax inoo diidaya in aynu qalinka barbar dhigno gartii geedka hortii la sii akhrisanayey, oo uu qoraa kastaa naftiisa la sii falanqeeyo illaa xadka uu qoraalkiisa dhex-dhexaad yahay, isla markaana aanu ka tallaabayn xadka sharfan ee uu siinayo xaqa xornimo u hadalku.

Qoraalku waxa uu ka mid yahay hababka ugu xooggan ee aadamuhu isugu gudbiyo xogta iyo afkaaraha kala duwan, waxaana la aaminsan yahay in wixii ka dambeeyey qarnigii 17aad ay maqaallada saxaafadda qorani ahaayeen kuwo saamaynta ugu badan ku leh bulshada, isla markaana jaan-gooya rayul-caamka. Muddadaas waxaa soo baxay kaalinta muhiimka ah ee uu qoraagu kaga jiro bulshada, tusaale ahaan waxa uu qoraagu keenayey fikrado si la taaban karo wax uga taray horumarka umadda oo dhinac kasta ah, sida aqoonta, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo weliba kobaca luuqadda oo inta badan ay ku soo kordhiyaan erey bixinno hor leh iyo dhismayaal naxwe oo abuura doodo cilmiya oo midho dhal ah. Waana sababtaas ta waajibinaysa in qoraaga iyo guud ahaan hal-abuurkuba marka ay curin doonayaan ay muddo naftooda kala showraan sida ugu mudan ee ay tooshka ugu shidi karaan galdaloolooyinka jira ee u baahan in la gufeeyo iyada oo aanay turxaan ka dhalan.
 
Si aynu u dareenno illaa xadka uu qoraagii hore iyo guud ahaan hal-abuurkii dunidan soo maray uga baaraan-degi jiray miisaanka uu qoraalkiisu yeelanayo, isla markaana aanu qalin u qaadan jirin illaa ay maskaxdu godlato, waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa dhowr qoraa oo caalami ahi sidii ay maskaxda u godlin jireen, macnaheeduna ma’aha in aynu sidoodaa yeelno, balse waa in aynu ogaanno in qoraalka hortii maskaxdu u baahan tahay in la miiro oo godol nuxur leh bulshada loo baahiyo.
 
Waan ogahay in qoraageennu uu in badan maqlay ama kaba sheekeeyey, in abwaanku marka uu doonayo in uu gabyo ama qayb uun suugaanta ka mid ah abuuro uu ka heli jiray in uu tago meel jawigeeda iyo deegaankeedu nafta xasilinayaan, waana arrin xidhiidh la leh cilmi nafsiga oo maskaxda u suurtogelinaysa inta ay ka baxdo hawlaha kale ee adduun in ay godlato, waxase uu mooggan yahay ama indhaha ka lalinayaa in qalinkuna yahay qayb kale oo hal-abuurka ka mid ah oo u baahan inta ay u baahnayd suugaanta curinteedu. Qof kastaa inta uu warqad qaato wax la wada xiiseeyo ma qori karo, qof kasta oo qoraa ahina mar kasta ma godlan karo, haddii uu doono in uu qasab ku godliyo qalinkiisana waxaa uu halis u yahay in uu jar kala dhaco oo meel aan looba fadhiyin uu ka fad-kudiyo amase bulshadii uu samaanta la doonayey hagar daamo ku abuuro.
 
Jawiga iyo duruufta qalinka godliyaa waxa ay u badan tahay in ay ku yimaaddaan si kedis ah oo aan hore ugu sii qorshaysnayn hal-abuurka, waxaa laga yaabaa in ay mar keliya maskaxdiisu wada hesho magaca uu qoraalkiisa sumadda uga dhigayo iyo dhigaalka uu fikirkiisaa ku cabbirayo, waana ay dhici kartaa in maskaxdu ay marka hore hesho mawduuca muhiimka u ah qoraalka, kadibna hal-abuurku uu raadsado duruufihii u saamixi lahaa in uu godlado qalinkiisu.
 
Qoraagii caanka ahaa ee dunida soo maray mid kastaa waxa uu lahaa dabeecado lagu yaqaan marka uu wax curinayo iyo duruufo uu maskaxdiisa ku godliyo, aynu tusaale u soo qaadanno qoraagii weynaa ee Faransiis, Balzac oo qolkiisa wax akhriska ku dahaadhay midab cagaar ah, maadaama oo uu aaminsana in midabkaasi astaan u yahay barwaaqada iyo dihinaanta. Waxaa iyaguna jiray qoraa saacado go’an uun godlada, waxaa ka mid ah haweenayda reer Belgium ee lagu magacaabo Emily Nothomb iyo qoraaga kale ee reer Japan HarukiMurakami oo labadoudba nool, waxa ay dabeecad u leeyihiin in ay qoraalladooda bilaabaan afarta habeennimo kuna fadhiyaan illaa siddeeda subaxnimo, tijaabo kasta oo ay sameeyeenna kumay guulaysan in ay saacadaha kale si fiican u godliyaan maskaxdooda. Waxase wacdaraha ugu daran dhigay qoraagii weynaa ee Marcel Proust oo u dhashay dalka Faransiiska, Proust qoraal ma’uu samayn kari jirin illaa uu shido shamac, ilayska maalintii iyo aaladaha kale ee ifiyana kumaba uu godlan jirin. Ma yara tirada qoraaga uu qalinkoodu foosha kululaa, balse aynu ku soo gebo-gebayno qoraagii Faransiiska ee asalkiisu Talyaaniga ahaa Pierre Francis Mareiyity, muddo labataan sano ah ayuu dhaqan u lahaa in marka uu doonayo inay maskaxdiisu godlato inta uu qaato qalinka iyo warqadda uu fadhiisto mid ka mid ah kuraasida maqaaxi caan ahayd oo ku taallay magaalada Paris. Waxaa yaab leh in maskaxda Pierre aanay godlan jirin haddii kursiga keliya ee u calaamadsan laga beddelo ama meel kale loo dhigo ama haddii ay cidi la hadasho inta uu qoraalka wada.
 
Qasab ma’aha in uu qoraagu yeesho dabeecadahan oo kale, waa se tusaale qoraaga u iftiimin kara sida foosha qalinku ugu xanuunka badnayd qoraagii qarniyo ka hor ka tegey dhigaalka dhaxal galka noqday ee illaa maanta la xiiseynayo iyo kuwa jidkoodii ku socda. Waa duruus aynu ka dheegan karno sida ay muhiim u tahay in qoraagu uu qoraalkiisa ka dhigo mid maskaxda ka soo maaxday oo aan laab-la-kac iyo xiise qoraal oo keliya ku iman.
 
Waxaa suurtogal ah in inbadan oo innaga mid ahi, ka war la’ dahay ama is diidsiinayso xaqiiqada ah in qalinku uu yahay masuuliyad culus, iyo in uu dagaallo iyo masiibooyin bani’aadamnimo u hor seeday meelo kala duwan oo dunida ka mid ah. Laakiin taariikhda ayaa ay ku caddahay in colaado ragaadiyey dalal badan, sababta dhiirri gelisay, sii hurisay ama xalkooda fogeysay ay ahayd warbixinno iyo maqaalo dhinac jira ama warar aan xaqiiqo ahayn oo warbaahinta la mariyey.
 
Colaadda oo keliya ma’aha, balse waxaa u raacda in ay saamayn xun ku yeelan karaan caafimaadka nafsiga ah ee bulshada iyo in ay hagar daamayn karaan hiigsiga iyo himilada horumar ee shakhsiga iyo guud ahaanba umadda. Daraasado arrintan lagu sameeyey ayaa daahfurtay in warka xumi uu saamayn taban ku yeelan karon niyadda iyo maskaxda bulshada. Tusaale ahaan waxaa ka dhasha rajo beel iyo in karti darro uu qofku isu dhiibo duruufaha ku xeeran ee taban. Xeel dheerayaasha cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yihiin xaaladaha caafimaad darro ee maqaalka warbaahinta ee tabani nafta kaga tagi karo in ay ka mid yihiin, Sakati, warwar, murugo, was-waas, tashuush iyo xaalad nafsi ah oo keenta in ay kala xidhiidh furmaan qofka iyo deegaanka bulsho ee ku xeerani.
 
Waa suurtogal in qoraaga qaarkii ay u fahmaan in arrimaha aynu kor ku soo xusnay ay dabar ku yihiin qalinkiisa, waase is moodsiis uun, ee ma dafiri karno in qoraagu uu xaq u leeyahay in uu helo xorriyad buuxda oo uu bulshada ugu bandhigo aragtidiisa; naqdi, toosin, diidmo, natiijo tijaabo iyo aqoon cusub ka uu doono ha ahaado ee, waa gar in qoraagu farta ku fiiqo dhaliilaha jira iyo talooyinka uu u arko in lagu daaweyn karo, waxase waajib ah in uu qoraalkiisa ka dhigo mid runta ku fadhiya, iyo in uu ku dadaalo sidii uu qoraalkiisa uga dhigi lahaa mid mangal ah, oo bulshada inta ka aragtida duwani ay waqti siin karto, si uu u tuso meelaha ka daahsoon iyaga ee isagu ka eegay arrintan uu kaga aragtida duwan yahay. Isla markaana bulshada u dareensiiyo in qoraalkiisu iyaga dantooda yahay oo uu tooshka ku shidayo qaladaadka jira ee ay tahay in ay talo ka yeeshaan.Waxaa iyaduna waajib ah; si qoraalku uu u yeesho muhiimadda lama huraanka ah in uu qoraagu la noolaado bulshada uu wax ka qorayo, diintooda iyo dhaqankoodaba, lana jaan qaado casriga ay nool yihiin iyo duruufta ay la nool yihiin, waana markaas oo keliya marka uu qoraalku noqon karo mid saamayn ku yeesha rayulcaamka bulshada, si toos ahna uu u beegsanaya maskaxda akhristaha. Qasab ma’aha in uu qoraagu noqdo qof aqoonta ka gaadhay darajo aad u sarraysa, waxase lama huraan ah in uu yahay qof maskax furan oo faham fiican iyo aqoon guud ka haysta caqiidada bulshada uu wax u qorayo iyo dhaqankeeda iyo weliba aqoonta dunida ku xeeran, waana markaas uun marka uu qoraalkiisu noqon karo mid dhaxal-gal ah.
 
Gunaanad:
 Waa dhab in aynu doonayno in la xoojiyo xidhiidhka uu aqoonyahanku la leeyahay bulshada inteeda kale, si loo kobciyo garaadka bulshada, loona horumariyo aqoontooda, siyaabaha ugu dhow ee ay taasi ku suurtogeli kartana waxaa ka mid ah in aqoon-yahanka iyo waayo-aragga bulshadu ay sameeyaan qoraallo ay dhinacyada kala duwan ee nolosha ugu hoga-tusaalaynayaan bulshada, taas oo macnaheedu noqonayo in qoraalku uu gaadhi karo bulsho kala duwan iyo in uu noqon karo aqoonta bulshada u dhitaysan ee ay qarniyo intifaacsan karto.
 
Qaalinku waa in uu noqdo hannaan lagu saxo waxyaabaha qaldan, laguna soo kordhiyo hadba waxa cusub ee ay tahay in loo adeegsan karo xallinta qaladaadka iyo dhisidda wanaagga. Laakiin waa in uu noqdaa mid aan lahayn ujeedo qalloocan iyo dano shakhsi oo hagar daamayn kara hanka bulshada iyo himiladooda, waa in uu qoraagu ka fikiro in aanu qoraalkiisan hub u noqon cid ku cadow ah danta bulshadiisa iyo diintiisa, taas oo haddii ay dhacdo isna ku wax la’ yahay.
 
W.Q: Kamaal Axmed Cali

No comments: