"Kolba
dhagax ayaan rogayaa anigoo ka raadinaya wax cusub."James M. Buchanan
Jr.,1919-2013. James, 1968 waxaa uu ku guulaystay Billadda Noble ee Culuumta
Dhaqaalaha isagoo ku mutaystay baadigoobka cilmiyeed ee xidhiidhka dhaqaalaha
iyo aqoonta siyaasadda.
Waa
madal ilyarto is qabsatay, Hotel Maansoor, Hargeysa, 20/02/2013. Waxaa fadhiya
qof-doorkii qaranka. Madaxweyne iyo xukuumadiisii, Shir-guddoon goleyaal qaran
iyo xubnahii xeerdejin, culimo, aqoonyahanno iyo waxgaradkii. Waxaa loo
kulansan yahay in NIN laga guddoonto 100 abaalmarin (badanaa halyeeyada
qaranku) oo lagu asteeyay labeentii dalka ee wax ka taray dhinacyada siyaasad,
nabad, diin, aqoon, suugaan iyo wax kastoo ummaddu horukac ku gaadhi karto.
Waxaan
u hambalyaynayaa Rashiid Sulub oo isagu hindisay, ka hawl-galay, soona
bandhigay billadaha. Waxaa uu curiyay aragti cusub oo aad loogu baahnaa.
Waxaana uu muujiyay dedaal dheeraad ah, lexejeclo daleed iyo karti uu ku soo
xaadiriyo labeentii dalka. Isaga ayaa mudan billadda ugu sarrayeysa weliba
aniga oo insha Allah meel madal ah ku guddoonsiin doona. Waxaan jeclahay inuu
iga aqbalo mar haddii isagaba taas oo kale qaranku ka aqbalay.
Haddii
la waayo cid qiimaysa oo abaalmarisa kan wanaagsan iyo kan xunba, shaki kuma
jira dadku in uu "jaantaa roggan" dan moodo. Waa sidaa sunnaha tan
hore (ifka) iyo tan danbe (aakhiro) labadaba.
Hase
ahaatee, waxaa is weydiin mudan in marka hore la qiimeeyo cidda qaran qiimayn
karta. Waxaan soo daliishanayaa dhammaan hay?adaha ku takhasusay arrinkaas,
heer qaran iyo mid caalamiba. Waxaa shardi ah in ay kullansadaan dhowr arrimood
oo qiimaynta lagu qaddariyo. Waxaa ay ka siman yahiin; Kow waa hay?addo
qotto-dheeri cilmi iyo milgo leh; Labo waxaa ku kulma aqoonyahanno takhasus
dheeraad ah u leh xaajada; Saddex waxaa ku kaydsan dhammaan xogaha takhasusyada
ay dadka ugu gar-qaybinayaan; Afar waxaa si cilmiyeysan looga hawl-galaa
(research) mawduuca laga hadlayo iyo ciddii ehel u ah; Shan abaalmarinta ay
bixiyaan waxaa ku lifaaqan aqoonsi caalami ah, magac iyo dhaqaale qofkii ku
guulaysta uu ku sii dardargeliya sii ambaqaadka hawsha.
Hay’adda Noble:
Hay?adda
abaalmarinta Nobil Price waxaa ay soo jirtay 113 sannadood. Waxaa aasaasay
maalqabeen Alfred Nobel. Haddaba, si loo xulo dadka u qalma abaalmarinta waxaa
ka hawlaga hay?adaha soo socda oo si toos iyada ugu sidkan.
2.
Guddiga Nobel-ka ee Jamicadda Karolinska Institutet ee qiimeeya abaalmarinta
culuumta Dhismaha Jidhka (Physiology) iyo Daweynta (Medicine).
3.
Jaamicadda The Swedish Academy oo bixisa abaalmarinta Suugaanta.
Abaalmarinta Boqor Faysal:
Abaalmarinta
Boqor Faysal ee dalka Sacuudiga waxaa, sannad kasta, lagu qiimeeyaa dadka
saamaynta ku leh aqoonta iyo horumarinta. Waxaana si gaar ah loogu bixiyaa
abaalmarinnada kala ah:
-U
adeegista Diinta Islaamka
-Aqoonta
Diinta Islaamka
-Aqoonta
Luqada Carabiga iyo Sugaanta
-Culuumta
(Science)
-Daweynta
(Medicine)
Si
loo soo kala xulo cidda u qaalanta abaalmarinta, Guddiga Abaalmarinta Boqor
Faysal waxaa ay adeegsadaan toddoba jaamicadood iyo 5 hay’ad aqooneed.
Sida
oo kale abaalmarinnada Nabadda Africa (APA) ee hay?dda ACCORD, Koonfurta Afrika,
Nabadda Dunida (The World Peace Prize Award), Maraykan iyo Oscar ama (Academy
Awards) waxaa ka hawlgala jaamicado iyo xeeldheerayaal aqoon u leh xog-ururinta
iyo xulashada dadka ugu mudan. Hawshu, sidenna bil laguma soo ururiyo si waxaa
laga hawl-galaa maalin kasta oo sannadka ka mid ah.
Haddaba
aniga oo aan duudsiyeen dedaalkii Rashiid Sulub Caalin waxaa ayaan-darro ah
hay?adahii wax qiimayn lahaa in ay qiimayn ka sugaan qof ama koox. Waxay ahayd
in xukuumaddu diiwaan-geliso cidda qiimayn karta qaranka iyadoo aan ka soo
dheeganaynnoo dunida kale. Iyo in la qeexo haybta (status) laga rabo. Waxay
ahayd jaamicadahu in ay kaabaan dedaalka muwaadinka iyagoo ku xoojinaya aqoon,
iyo xogo lagu qiimayn kara qofka. Hase yeeshee, jaamicadahii waxay noqdeen
qalin aan qiimahiisa aqoon marka hormoodkii ku qanacsan yahy shahaadada uu
siiyay ardaygiisu. Haddii dawadii bukooto maxaa lagu dabiibaa?
Damiir,
dadnimo iyo wanaag badan ayaan ku tuhmayay culimadeenna. Waxaase la yaab leh
abaalmarinta ay guddoonteen iyadoo aan loogu yaboohin macallinkoodii iyo
muftigii qaranka, Fadiilat Al-Shiikh Maxamuud Suufi Maxamed. Sida aan culimada
ka maqlay marka horeba isaga ayay uga danbeeyaan aqoonta diinta, mar labaadna
waa nin aan dacwadda ka baxin maalin qudha, haddii uu ahaa Wasiirka Awqaafta
iyo hadda uu yahay Imaamka Masjid Jaamaca isagoo si joogta casharro uga bixiya
misaajidka iyo warbaahinta. Is daba marintu waxay ka muuqatay qayb kasta oo
lagu magac-dhabay abaalmarinta.
Dhinaca
kale, abaalmarintu waxay u muuqatay mid beelaysan. Arrintaas ma ah mid lagu
cannaanan karo Rashiid Sulub oo hawsha soo qabanqaabiyay. Waxaan qabaa dadka uu
xogta ka soo urruriyay in qof kastaa carrabka ku dhuftay mid ay isku reer
yahiin. Mar haddii aan taas sheegay, waxaan ku darayaa, sidaa oo kale, abaalmarintu
uma ekeeen mid qaran haddii in ka badan 90% dadka la abaal mariyay ay ka soo
jeedeen beesha dhexe. Qabiilna qaran noqon waa.
Waxaan
rajaynayaa sannadka sannadkiisa, insha Allah, in Rashiid soo bandhigo qiimayn
qaran oo uu la soo kaashaday dadka aqoonta u leh. Waxaanna ku rajo weyn ahay
inuu ka faa?iidaysan doono aqoonta iyo xogaha ceegaagta dalkeenna.
Qalinkii
Xassan Cumar Hoorri
Email:
horri@somalilandsun.com
No comments:
Post a Comment