Dhulkan laguma waaroo,
dhaxsin baad u joogtaa,
Raadkaagu uu dhumin,
wax wanaagsan sii dhaaf,
Dadkaa dhuuxi doono,
dhabahaaga soo mari,
Haddaad dhimato howl aan,
NOLASHU MAXAY U MACAANTAHAY?
Dhammaan waxaan jecelnahay nolasha aan ku jirno, layaab
malahoo waan barannay, way macaantahay,way qurux santahay, waan ku nool nahay,waxaan dadaal ku bixinnaa inaan camirno, oon dhisno, oon qorxinno , si aan u raalli galinno nafteenna iyo waxyaabaha ay jamato,baahideedana la daaweeyo,midaas waxa keenay:
1-Waxaa la inaga abuuray camuud, oo qayb ka mid ah dhulkan ayaynnu nahay,ma filaayo ruuxna inuu nici karo xumnihiisa qaar ka mid ah haddusan wax u dhinayn oon miyirkiisu dhaawacmin.ILAAHAY ayaa quraankiisa ku sheegay xiriirka innga dhexeeya innaga iyo dhulkan aan ku noolnahay,BAL AAN isla eegno oon wada aqrino aayadahan tilmaamaya sida dhulku saldhig inoogu yahay khayraad badana loo goglay, la innoogu abuuray si aan ugu noolaanno mudada aan joogaynno:
{الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا
سُبُلًا وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ أَزْوَاجًا مِنْ
نَبَاتٍ شَتَّى (53) كُلُوا وَارْعَوْا أَنْعَامَكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ
لِأُولِي النُّهَى (54) مِنْهَا
خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً
أُخْرَى(55) }
2- waxaan ugu dhagannahay dhulkan sabab ayuu leeyahay waxaa ka mid ah
masuuliyo gaar ah ayaa inaga saaran, si aan ugu noolaanno, waa in aan ka
shaqaynno wanaagiisa taaso u baahan shaqo badan inaan galinno, oo la' aanteed
dhib culus aan la kulmaynno, midani waxay waajibisay tartan dhexdeenna yaalla
oo mid waliba uu rabo inuu meesha u saraysa ka gaaro nolasha, waligiina uusan
dhinacna u dhaafin adduunyadan,shaqadiisuna ay waarto, socoto, aysan marna is
dhimin, marna baabi'in.
Nafteennu Waxay Rabto Waxaa Ka Mid ah?
1-inaan iska
noolaanno oon aduunyada ku waarno
2-inaan xoolo badan
helno intaan noolnahay.
3-inaan helno ammaan markhaati u ah shaqadeenna.
4- Inaan sharaf ku noolaanno aduunyada
4- Inaan sharaf ku noolaanno aduunyada
5- Inaan aqoon iyo
waayo aragnimo leenahay
6-inaan naxariis iyo janno helno markaan
dhimanno
in ka mid ah ayaa
qabsoomi in kalana way inagu adkaataa, inna waa la isu diiday oo marna laguma
waaraayo dunidan oo geeri ayaa u danbayn ruux kasta oo ku
dhasha. iyado sidaa ah oon la isku khilaafsanayn ayaa waxaan iswaydiinayna sidee
ugu fiican oo loo noolaada, iyo sidee ugu fiican oo loo dhintaa loogana tagaa
camal waaro oon
kula
dhimanin?
Yaa Raba Inuu Ku
Waaro Aduunyada?
Sida kali ah oon
ugu waari karno aduunyada waa in aan shaqo sax ah oo la joogteeyo qabanno intaan
noolnahay, midaasa ayaa na siinaysa inaan helno waxaan rabno waxa ugu
fiican.
Shaqadeenna oon
godanno waxay na siinaysa amaal marin aad xiiso uleh, oo maxay tahay ayaan
iswaydiin karna? jawaabtu meel fog inagama jirto oo waa dariiqii anbiyada iyo
inta toosan ay qaadeen, ku shaqeeyeen, ILAAHAYNA ka baryeen.
Nabi Ibraahiim ayaa
ILAAHAY ka tuugay in loo joogteeyo shaqada u aduunka ka hayo, oo markuu dhinto
dadku ay ku ammaanaan wuxuu qabtay, jeclaysteen, oy ku daydaan wanaagu ku beeray
adduunyada, wuxuu ILAAHAY waydiistay camalkuu qabtay intuu nolaa inuu ajirkiisu
waligii u socdo, dhinaca kalana janno uu ku galo, waa aduun camiran iyo aakhiro
camiran oo is dhamaystiraysa, oo iska hor imaanaynin, isku
dhacaynin.
Aan wada aqrino
aayadahan qoraanka ah:
{رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83))
{رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83))
وَاجْعَلْ لِي
لِسَانَ صِدْقٍ فِي الْآخِرِينَ
(84) وَاجْعَلْنِي مِنْ وَرَثَةِ جَنَّةِ النَّعِيمِ (85
Waa faa'iido yaab
leh, waa shaqo aan laga fariisanayn, lagana duqoobaynin,lagana daalaynin,lagaan
iryi karin, waa wax aan lagaa dhaxli karin, Waxay ka dhigantahay adoo ku waari
dunidan , oon ka dhimanaynin shaqadaada, wanaagaaguna uu tarmaayo, sii fidaayo,
oo khayrkaagu dunida iftiiminaayo adoo ka maqan meeshaba oo booqeeda ku dhex
jirin.
NABIGEENA
SUUBAN AYAA WUXUU INAGULA DARDAARMAY
XADIITH MACNIHIISU YAHAY: (HADDII QIYAAMADU KU TIMAADO MID IDINKA AH OO GACANTA KU HAYA LAAN HA BEERO) jiil walba wuxuu ka faa'iidaystay wuxuu qabtay
kii ka horreeyay, jiilkii wax dhaxal gal ah ka tagi waaya wuxuu khasaare ku
yahay adduunyada
Raad wanaagsan sii
reeb, rugtan laguma waaree.
F.G: Waxaan qoraalkan ka soo xigtay degalka Dr. Cali Sheekh (http://dralishiekh.blogspot.ca/)
No comments:
Post a Comment