" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed

Monday, February 11, 2013

Dhuuxo - W.Q: Saciida Sh. Axmed

Maalintii koowaad ee Dhuuxo ay soo gashay guri ay Soomaaliba ka muuqato muddo sanado ah kaddib, waxa ay ahayd maalin iyadoo sidda waraaqo ku dhex jiray gal ay dusha kaga qoran tahay “is-dhiibe cusub” oo ay gurigaasi keentay. Waxa ay kasoo qaadday dukaamada ganacsi ee isgaarsiinta ee Internetka laga adeegsado ama Teleefoonka laga dirsado, oo uu wiil yar oo isla maalintaa is-dhiibay (Dalbaday in loo qaabilo qaxooti ahaan) ku soo illoobay goobtaas, intuu ka dirsaday teleefon. Nasiib wanaagiiyee, qolkii yaraa ee uu wiilku ka dirsaday teleefonka waxa ay Dhuuxo ahayd qofkii ku xigay ee galay. Markii ay aqoonsatay in uu magaca wiilku yahay Soomaali, oo dhalashadiisuna tahay Soomaali, bay galkii u qaadday gurigaas, oo ay keentay maadaama guriga lagu yaqaannay in ay deggan yihiin gebi ahaantiisba dad Soomaaliyeed. Waa ayna iska tagtay. Gurigii ay Soomaalidu degganaayeen, qaar ka mid ah dadkii guriga ku noolaa baa markiiba is weydiin billaabay, oo qaar baa ceeb u arka in aysan warbixinta dadka ku nool magaalada oo dhan aysan heynin, oo isu arka shaqo weyn oo muhiim ah oo aynaan cidi u dirsan se iyagaa isu diray in ay hayaan. Markaa, sidaaba ha ahaatee, waxaa ay aad u jecel yihiin in ay warbixintu ahaato mid u badan xagga ceebeynta iyo wax xun sheegga. Lama warsado waxa ka soo gala waase loo riyaaqaa.

Dhuuxo xilka ay iska saartay in ay badbaadiso isdhiibaha cusub oo ay galkiisii u soo hesho iyadoo ogsoon haddii ay ka lumaan waraaqahaas in uu aayatiinkiisa gali karo mugdi, oo waraaqaha danbe ay u fududaan doonin, qofka markiiba uu codsado qaxootinnimada haddii ay kolkaaba ka dhummaan sida caadiga ah ay dhacdo in ay sanad iyo ka badan ku qaadato in uu dib u helo isla waraaqihii. Loogama mahadcelin ee waxaa markiiba la billaabay in la yiraahdo
Waa tii, waa la i xoogay meelaha ka lahayd, ma xishootadii, xishoodka Alle kaa qaad waaba uu kaa qaadayee.’
Qaar ay ka dhigatay Dhuuxo saaxiibbo oo ay u sheegtay wixii gaaray ayaa soo gudbiyay xanta lagu hadal hayo guriga loo yaqaanno ‘Guriga Soomaalida.’ Markii ay keentay galkii wiilka is-dhiibay uu lahaa. Sheekada la hadal hayaa oo idil waa mid iyaga ay soo gudbiyeen, isla iyagii baa soo tabiyay, sida ay u eg tahay nolosha Dhuuxo iyo wareerka madaxeeda ku dhex furan, iyagoo markaasina iska yeelaya oo isku muujinaya in ay arag, maqal waxyaabaha caynkaas ah oo aysan waligood dhib arkin, kuna sheekeeya: Alla waddankeygii markaan joogay nolosheyda sideey u qurux badnayd ma malayn kartid IWM iyagoo iska iibinaya bulshada ayay iyada xogteedii faafiyeen oo keeneen, qaarna ku sii biirin jireen oo magaalada qabadsiiyeen.

Qof walbaa si uu iskaga dhigo inuu nadiif yahay oo uu ka fiican yahay Dhuuxo oo lagu takooraayo in la kufsaday wuu hadal hayaa, YAAHUU daas baa la gurayaa. Waxaa qof walba uu rabaa in uu helo ammaan iyo aqoonsi.

Ma ahan in ay moog yihiin Dhuuxo nolosheeda iyo waxa ku dhacay balse qof kastaa waxa kaliyah u muuqda waa ictiraaf raadis iyo aqoonsi buuxa inuu u helo naftiisa haddii uu ka mid yahay xittaa dadka dulman.

Dhuuxo sidaa ay u nooleyd iyo daruufaha soo maray awgood lama ogaan karin markiiba da’deeda. Qiyaastuse waxa ay ahayd dhowr iyo labaatan jir meelahaas. Qoyskeeda lama aqoonin, meel loogu hagaago lama garanayn. Qabiilkeeda iyo jufadeedase waa la hayay intaas waa la wada garanayey. Waana la wada maqlay ciilkii iyo caloolyawgi ay kala kulantay dalkeedii ay kasoo orodday muddo ka hor, inta uusan dalka cusubi dejinta, iyo dhalashada ugu deeqin. Sida ay hadal hayaan Soomaalida oo gurigaas ay galka keentay laga sheegaa waxay ahayd gabar iyadoo da’ yar marar faro badan la kufsaday oo la jir dilay oo xoog iyo awood loogu faanay.

Dhuuxo markii ay cagaha soo dhigtay dal kale oo kufsigu danbi ka yahay, la og yahay in uu haweenka gef ku yahay, oo xanuun ku yahay mid maskaxeed iyo mid jireedba oo uu nafsad ahaan halis u yahay, oo ragga wax kufsadaa looga yaqaan rag madaxa looga jiro oo waalan, oo markii ay qaxootinnimada weydiisatay markii ay sheegtay wixii ku dhacay baroor ay is qabsadeen dadkii waraysiga qaxootinnimada in ay u qalanto iyo in kale ka qaadayay, oo dhaqaatiir loo diray oo ay dareentay xanuunka oo ay ogaatay saamayntiisa oo ay kasoo tagtay meeshii la lahaa: “Naa dhibkaaga qarso, oo jabkaaga qarso” oo waalid, walaal iyo saxiibbaba ay lahaayeen “ha sheegin waxaas” oo ay adduunyo kaloo cusub soo cago dhigtay oo ay labadii dal isku eegtay. Waxaa ku dhashay markii hore feker dheer waxaa isku qaban waayay wixii ku dhacay, halkii ay kula dhaceen sidii loo arkay, sidii aan loogu garaabin iyo, sida uu yahay fal celiska guud iyo halka dalkeeda cusub sidii dadka madaxiisii ay uga weynaatay wixii ku dhacay. Muddo ayay ku dawaqsanayd oo marar badan ay is weydiisay malaha waxaa i gaaray wax weyn, maxaa la ii lahaa ha sheegin oo aamus haddiiba dhibka i gaaray uu intaas gaarsiisan yahay. Tiiraanyo ayay mar kale ku noqotay, in ay isu jawaabto way weysay.

Dadka ay is bartaan ayay ku oran jirtay mar mar: Markii aan ka kabsaday xanuunkii jireed ee kufsiga, xanuunka maskaxeed ee kufsiga ma aanan dareemi jirin intii aan dalkii ku sugnaa oo waxaan ogaa inaan la iskaga garaabin, la iskagana naxariisan, oo kaliyah ruuxa iigu jecel dad uu igu waaniyo ‘Naa qarso waxaas lama sheegee.’ Taas waa ta kaliyah ee aan dumarka aadka ii jecel ee dad ahaan ii xiga ka heli karay, raggana warkood daa oo waaba la caadi, waxaa loo arkaa wax yaroo aan micno lahayn, buuggaba uguma qorna in gabar la kufsadaa ay gef tahay, ay denbi tahay, ay cuqubo tahay, ay xad-gudub tahay, ay jirro tahay, ay xanuun tahay, ooy xummaan tahay, ay gunnimo tahay! Waa xubintooda hoose la noolayaal, dusha ma eegaan, hoostaas un baa ay ku fooraraan, caqligooda ma keeni karo intaas wax dhaafsiisan. Badankeed nimankeedu waa kuwaasi. Nin baa gabadh kufsaday markii la maqlo waxaa ay bulshadu leedahay: Waa koow, oo waa la koobinayaa sheekada sidii mid xiiso loo qabay maqalkeeda. Wuu legday wiilku gabadhii bay ka jecel yihiin in lagu xijiyo. Waxaana ay ka sii jecel yihiin in sheekada kufsiga dhacay dhan loo sawiro oo waxaad mooddaa in ay si u daneynayaan.

Dalkeeda cusbaa waa loo gurmaday, waa loo naxariistay, waa loo garaabay, waxaa loogu deeqay in ay u tagto mar kasta dhaqtar ka dhagaysta dhibaatooyinka iyo wixii ku dhacay lana taliya. Waxaa ay ku noolayd guri yar, oo ah guryaha lagu taageero dadka ay ku adag tahay in ay guri iskood u kireystaan oo aan awoodin in ay bixiyaan kiro qiimaheedu badan yahay. Halkaasna waxay ku qaadan jirtay lacagta loo yaqaan caydha ee kaalmada ah.

 
Dadkeedii ay dal-wadaagga ahaayeen intii ay qaxootiga ku wada ahaayeen dalka cusubna intii ay iska barteen waxaa ay ka dhigteen film laga sheekeeysto wixii ku dhacay. Warku markii uu gaaray dacallada magaalada ay ku nool yihiin waxaa war-celintii oo dhan ay noqotay: Imisaa la kufsaday maxay dheer tahay? May ku samirto wixii ku dhacay? May qarsato dumar waa kuwii halaaggooda qarsadee? Intaasay isku jiibiyeen. Waxaa ka soo maray uur ku taallooyin waaweyn oo ka nixiyay, sida markii ay is barteen Maxamuud oo ay uga sheekeysay wixii ku dhacay. Kolki hore wuxuu rabay inuu la haasaawo, oo wuxuu ahaa guur doon. Markiise ay si daacad ah ugu xog warrantay oo dhibkii gaaray ay is tiri la wadaag jacaylkaaga aad go’a la huwan doonto oo aad xalaashiisa noqon doonto.. halkii uu uga garaabi lahaa dhibkii gaaray wuxuu markiiba u soo jeediyay inuu isna fuulo. Markii ay ka diiddeyna wuxuu ku sii caayay: Naa awelba waa lagu kufsadaye, maxaad aniga igu diideysaa? Waaba uu kufsan lahaayee nidaamka iyo sharciga dalka martida lagu ahaa ayaa laga baqayay. Markii sheekadaas ay faaftay bulshadii kalena isagay ku yiraahdeen RAG RAG DHALAY. Iyadana wax garowshiyo ah waa ka weysay, looma falin wax haba yaraatee naxariis ah, waxa ayna go’aansatay in ay iskaga dhex baxdo. Cuqdad ku nool ayay in badan ahayd. Maalintaas ay Maxamuud kala dhaqaajiyeen oo ay aragtay halka ay arrini joogto baa ugu danbeysay in ay is tiraahdo bal Quraan isku daweey iyo Ilaahay bal la hadal. Waxaa ay u sheegtay qaar ka mid ah asxaabtii ay lahayd haddii Maxamuud oo isu sheegay Muslin aysan salaadi ka tagin uu isna sidii kuwii kale ee kufsaday iyadoo ashahaadanaysaa uu isna u dhaqmay waxa ay shaki galiyeen iimaankeedi.

Dhuuxo waxaa isku qaban waayay labadii nolol ee dalkeedii hore iyo dalkeeda cusub, labadii dhaqan, arxan darradii ay la kulantay ayaa u caddaatay, waxaa ay si toos ah u fahantay in denbi weyn laga galay oo dadkeedii ay ka galeen mar hore iyo haddeer ay joogtaba. Mar walba oo ay soo xasuusato wixii ku dhacay iyo waxa ay ku dhigayaan wali, waxay dhibsanaysay aragga inta ay dal-wadaag yihiin. Dalkeeda cusub iyo dadkiisaa naxariista u muujiyayna noloshoodii si dhaqso badan waa ay ula qabsan weysay.

 
Dhuuxo waxaa la waayay muddo toddobaad ah, asxaab ay lahayd oo tiro yar oo gurigeeda iman jirtayna waa ay ku daaleen sidii ay u garaacayeen ganbaleelka gurigeeda. Aleenkeeda gacanta (Mobile) waa lagaga quustay wuu iska dhacaa un waxaase maalin lagu wada baraarugay in booliska magaalada ay ku noolayd ay ku jabiyeen gurigeeda kaddib markii ay jiiraankeeda u soo tabiyeen in uu gurigani ka soo baxaayo ur aan caadi ahayn, markii la galayna loogu tagay Dhuuxo oo mayd ah oo ay naftu ka baxday maalmo ka hor. Waxaa aasay qaybta aaska magaalada ay ku noolayd. Cidi ugu ma ay tagin weydiin ah: sida ay ku dhimatay, cidi isma ay weydiin waxbaba. Alle ha u naxariisto la iskuma soo qaadin. Waxaa gurmad u noqday qaybihii kala duwanaa ee dalka ay magan-gelyada ka heshay Dhuuxo intii ay ku noolayd ayaa geerideediina magan gelyo siiyay.


Waxaa la qabanayay maalinta aaskeedii oo ay dadkii ay kasoo jeedday oo ay isku dalka ka wada yimaadeen ku mashquulsanaayeen munaasabadda 1 da Luulyo. Waxaana la xirnaa calammo buluug ah oo qof kastaa uu madaxa illaa majaha ku xirtay. Waxaana la isla dhex ordaayay: Ha noolaato, Ha Midoowdo, Ha is raacdo. Cadawgeeda Alle ha qabto. Nabad Allaha noo keeno. Waxaana lagu wada faraxsanaa oo si wada jir ah loo qaadayay heesta: Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada ee, hadba kiinna taag darannee, taageera waligiinnee….. Dhuuxo na iyadoo sanduuq lagu riday ayaa Aakhiro loo sii galbinayay iyada iyo ladhkeedii, xanuunkeedii iyo uur ku taalladii looga garaabi waayay.

 
WQ: Saida Sheikh Ahmed

No comments: