" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali

Monday, February 25, 2013

Boodha-Boodha: Adeeg fududeeye halis badan. W.Q: Cabdiraxmaan Faysal Cali

Gaadiidka loo yaqaano Boodha-boodha (dhug-dhuglayda), ayaa noqday ka loogu isticmaalka badan yahay dalka Uganda, gaar ahaanna caasimadda Kampala, kaas si weyn uga caan ah gudaha dalkaas. Adeegsiga mootada oo si xawliya ugu soo badanaysa Uganda, ayaa bulshweynta kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi si xaamiya u raacaan boodha-boodha oo u sahla in ay si fudud u gaadhaan goobaha ay doonayaan in ay ka soo adeegtaan.

Boodha-boodha waxa laga hela badi goob kasta oo aad ku sugan tahay, taas oo aad ka dalban karto wadaha boodha-boodhaha in uu ku geeyo meel kasta oo aad u baahan tahay in aad ka soo adeegato, islamarkaana si habsamiya kaaga aqbalaya dalabka aad u jeediso, waxaanad islamarkiiba aad ku heshiinaysaan qiimaha uu kugu gaynayo goobta aad ku jihaysnayd.
Waa markii iigu horraysay ee aan si rasmiya u raaco boodha-boodha ka hawl-gala magaalada Kampala, dareenkayga xilligaa waxa uu ahaa mid cabsi ka qaba raacista gaadiidkan, kaas oo badi dadku ay sheegan in khatartiisu badan tahay xilliyada la raaco, waxaanay xaaladaha qaar sababi karta in ay kula gaddoonto gabi ahaanba, taas oo badi rakaabka ka soo gaadho dhaawacyo halis ah oo sababi kara dhimasho, iyada oo haddana baahi-weyn loo qabo raacista gaadiidkan, kaas oo badi laga helo goobta oo aad u baahato, waxaana badi adag in aad hesho gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Basaska, kuwaas oo aan si fudud kugu geynayn goobaha aad u baahan tahay saxmadda baabuurta oo si xawliya uga jirta gudaha awgeed magaalada Kampala, iyada oo ay kugu qaadan karto markaa aad soo raacdo bas in ka badan saacado, halka boodha-boodha aad ku gaadhi karto goobta wax ka yar nususaac, iyada oo dhagahayga maqleen khataraha baahsan ee ay leedahay boodha-boodha, waxaan islamarkiiba soo gaadhnay waddada, iyada oo i weheliyaan qaar ka mid ah ardaydii igu soo dhawaysay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaan dhabbada cagta soo saarnay waddadii hormaraysay goobta aan deggenahay oo ah Hostel u dhaw jaamacadda Makerere, cabbaar marka aan soconay waxaan soo gaadhnay goobta ay badi istaagaan boodha-boodha (dhug-dhuglaydu), waxaan mar qudha dalab u jeedinay wade ka mid ah kuwii goobta tagnaa, annaga oo ka dalbanay in uu na geeyo goobta aan u baahnayn oo ah badhtamaha suuqa weyn ee magaalada in aan tagno, wuu naga aqbalay dalabkii aan u jeedinay, waxaannanu ku heshiinay qiimaha aan ku raaci lahayn. Kadib markii aan dhammasanay gorgortanka qiimaha uu nagu qaadayay, waxaan fulnay boodha-boodhihii, waxaanay markiiba qaadi kartaa laba qof oo rakaab ah iyo wadaha, waxaan fadhiistay xagga dambe ee mootada, , waduhu waxa uu naga dalbaday in aan qabsano mootada, kadibna waxa uu noo sheegay in uu dhaqaaqayo, si toos ah ayuu dhabbada u qabsaday, dhaqaaqa xawaarahanna waa uu dheereyey, kadib markii u qabsaday waddada dheer, waxa ka soo hor-baxay gaadiid badan, waa uu istaagay, badi saxmadda baabuurta iyo boodha-boodhayaasha kale oo ku badnayd waddada aan maraynay awgeed, waxaana badi dhinacyada ka garab istaagay gaadiid isugu jira baabuurta raaxadda, basas iyo boodha-boodhayaal si xawliya u socda, kuwaas oo mid kastaaba isku tahlayay si uu hore uga gudbo waddada uu ku sugnaa, kadib waxa uu helay fursad uu kaga dhex-gudbi karo laba baabuur oo isku jira cabbir ahaan wax ka yar hal-mitir, iyada oo la garan karo dhex-marka baabuurta intaas isku jira, ayaa haddana waduhu waxa uu la qabsaday in uu ka dhex bixi karo baabuurta cabbirka intaa le’eeg isku jira, iyada oo ay jirto saxmad xoog ah oo badi hakisa isu-socodka noocyada kala duwan ee gaadiidka, waxa uu ka gudbay saxmaddii baahsanayd ee ka jirtey waddada xilligaas. Muddo ku siman toban daqiiqo wax ka yar, waxaannu gaadhnay goobtii yoolkayagu ahaa, waxaan bixinay lacagta aan ku heshiinay xilligii aan soo raacaynay boodha-boodhaha. Badi guuxeedu waa mid laga dhex maqli karo baabuurta kale ee maraysa waddooyinka dhexdooda, kuwaas oo si xawliya uga gudba haadadka waa weyn ee magaalada gudaheeda.
Dareenkayaga xilliga aannu saarnay boodhuhu waxa uu ahaa mid ka duwan sida aan ku soo raacnay markii hore, waayo waxaannu werwer ka qabnay in ay gadoomi karto, iyadoon culays badan oo hakin kara ama ka hortaggi kara aannu jirin. Badi dirawaladu waxay xidhaan koofiyadaha loogu talo galay kaxaynta mootooyinka, kuwaas oo ka difaaci kara khatarta dhinaca madaxa ee ka soo waajihi karta gaddoonka dhug-dhuglayda, halka aanay badi rakaabka raaca aannu haysan mid ka difaaci karta dhibaatooyinka culus ee madaxa ka soo gaadhi karta xilliyada shilalka mootooyinku dhacaan. Iyado aannu maanka taa ku hayno ayaan haddana fuulnay boodhaha, isagoo ugu dambayn na keenay goobta aan doonaynay.
Boodhuhu waa adeeg fududeeyo halis badan, waana mid baahi weyn loo qabo isticmaalkiisa, waxaana markasta iyo meelkasta laga arkaa boodhe si xawliya waddada u ordaya, islamarkaana rakaabku ay ku sugayaan waddada dhinaceega, iyagoo u gacan haadinaya boodhaha, waxaannu islamarkiiba joojinayaa mootadii xawliga u socotay. Waxa badi raaca gaadiidkan qaybaha kala duwan ee bulshada isugu jiraan, carruur, haween iyo rag, iyagoo mid walbaaba u raaco qaab kala duwan, tusaale ahaan dumarku waxay u raacan badi qaab isku mida waxaanay fadhiistaan jambiga dambe ee boodhaha, iyagoo dhinac u wada jeediya lugaha, islamarkaana qabsada birta dambe ee mootada. Dumarka Soomalida oo iyagu ku adag tahay raacista gaadiidkan, ayaa haddana qaab nololeedka ka jira magaaladu ku kalifayaa in ay raacaan boodhaha, maadama aanay isku dhaqan iyo diin ahayn bulshada kale ee ay la nool yihiin, waxaana badi ku adkaata in ay la qabsadaan raacista mootada, inkasto aanay fursad u helin raacista gaadidka dadweynaha ee basaska, kuwaas oo aan badi la raaci Karin saxmad awgeed, si fududna kugu gaynayn goobta aad ku waajahnayd, maadama ay badi yihiin arday wax ka dhigata jaamacadaha dalka, iyado ku soo begaanto xilli ay xiisad leeyihiin oo baahi weyn u qabaan gaadiid u fududeeyo ujeedada ay leeyihiin, waxaanay taasi sababtay in ay khasab noqoto raacista boodh-boodhuhu.
Boodha-boodha wuxuu badi caan ka yahay qaar kamida waddamada bariga afrika oo laga isticmaalo gaadiidkan, waxaana badi dawladuhu isku dayaan in ay xakameeyaan xaddiga ay qaadi karto, maalmihii ugu dambeeyay waxa lagu baahiyey qaar kamida wargeysyada dalka Uganda gaar ahaan wargeyska NEW VISION oo ka hawl-gala gudaha magaalada Kamapala, sawiro layaab leh oo lagu muujinayo daabulka ay mootadu samayso, iyadoo dhaafisay heerki loogu talo-galay, waxaanu sawirkaasi muujinaya boodhe ay wada saaran yihiin mar qudha wadaha, hal qof oo rakaab ah, lax iyo waliba gadbad dhuxul oo xagga dambe taalay, kaas oo layaab ku keenay bulshada dalka Uganda waxaanu wargeysku falanqaynayay halista ka dhalan karta culayska xad-dhaafka ee saaran mootada, waxaannu ciidamada waddooyinka ku dhalliilay wax ka qabasho la’aanta boodha-boodhaha oo halis baahsan ku keeni karta bulshada raacda gaadiidkan, sida lagu baahiyey wargeyskaas, waxa badi loo ogol yahay in ay raacan mootada wadaha iyo hal qof oo rakaab ah, si aanay u lumin isku-dheellitiranka miisaanka boodhuhu, waxaanay tani muujinaysaa halista ay leedahay dhaafinta heerka loogu talo-galay dhug-dhuglayda. Waxa sidoo kale ka jira gudaha magaalada Kampala cisbitaallo lagu daaweeyo dadka ay waxyeelladu ka soo gaadho gaadiidka boodha-boodhaha, kuwaas markasta ka dhashaan shilal sababa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaadha badi rakaabka ay qaaddo boodha-boodhuhu.
Isku soo wada xooriyo, boodha-boodhuhu waa adeeg fududeeyo baahi weyn loo qabo, haddana sababi kara khataro baahsan oo ka dhalan karta shilalka ay keenaan gaadiidkani, waxaanu badi caan ka yahay dalka Uganda oo si xawliya looga isticmaala gaadiidkan.
 
Qallinkii: Cabdiraxmaan Faysal Cali
Kampala, Uganda.
Kampala International University
LLM in Public international Law

No comments: