Aniga oo 13 jir ah ayaan ku biiray Shabaab sanadku markuu ahaa 2006,
xilligaas waxaan isku diyaarinayay inaan galo imtixaanka dugsiga dhexe loogu
gudbo, laakiin waxaan sii wadidda waxbarashada ka doorbiday inaan qori qaato oo
aan dagaallada dalka ka socda qeyb ka noqdo.
Monday, May 28, 2012
Jihaadkoodu waa dhagar!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:45 AM
Magaceygu waa Cabdi, waxaan ahay 19 jir ku barbaaray magaalada
Muqdisho, kana dhashay qoys ka tirsan dariiqada suufiyada loo yaqaan.
Caddaaladdu waa aasaaska Hoggaaminta – W/Q. MM Kastan
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:21 AM
Lord Georgo,ayaa lagu yidhi maxaa ugu wacan dhammaan kuwii aad mar
xukunka wada qabateen ee waddamada kale xukumi jiray beri hore ayay wada
daateen adiguna wali wax baad xukuntaa?
GORFEYN: Xuska Maalinta Xorriyadda – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:15 AM
Si waafi ah ugama fekerno sababaha aynnu fal kasta u samaynno, mana
halaanbaynno saamaynta arrin kasta oo dadnimadeenna iyo ummadnimadeenna
lama-huraan u ah. Taasi waxay keentay inaynnu ku noolaanno, kuna naalloonno
nolol sabbaynaysa oo aan lahayn halbeeg laga qiyaaso gedgeddoonka tagtadeeda
iyo timaaddadeeda. Si taas la mid ah, sababtaas ayaynnu u garan la’nahay halka
aynnu ka nimid iyo oddoroska bar-dhammaadka hayaankeenna. Waxa bannaan kaalinta
kaskii saalloonaa ee fal iyo falcelin kasta ku ladhi jiray miyirka,
xasilloonida iyo hubsiinada; iyo garashadii sugnayd ee sida furan u naaqishi
jirtay fallaadkeeda.
Wednesday, May 23, 2012
Dhigis aan lagu dhafrin – W/Q. Idiris M. Cali
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:03 AM
Asteyaasha
qoondaysan ee tibxaha afku waxa ay innaga haqabtireen qorista afka iyo far u
samayntiisa. Wixii ka dambeeyay soddoniyo-sagaal kal na, farta ay asteyaashanu
suubbiyeen guulo badan ayey afka u soo hoysay: Suugaan badan oo lumi lahayd baa
kaydsantay; barbaar faraweyn ayaa la soo kortay, oo teer iyo hirgelinteedii wax
ku soo qorayey—jiilalka daba-socday na wax ku soo barayey. Fartan curdinka ah,
ee aan wali gaarin heer ay mid qunsan ahaato oo qaamuuskeedu jiro, dhalliilaha
loo soo jeedin karo way badan yihiin. Waxaa na suurtagal ah in ay dhalliilahani
badhigantaali karaan kobaca farta, iyada oo dhanka qorista laga eegayo.
Ma xorbaad is-moodaysaa? W.Q: Saddaam Carab
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:40 AM
Si aan gabasho lahayn ayaa loo
caayayaa fikirkaaga , loo ceebaynayaa aragtidaada, waxaana la ciideeynayaa
kaskaaga, la cidhib tirayaa tafta gobbeed ee kugu gibilaysan, waxa lagu
saarayaa si gabbasho la’aan ah mid guneed, waxa la durayaa qofnimadaada qurxoon,
waxa ladooxayaa damiirkaaga nool, waxaana la dilayaa dareenkaaga
togan ee aad kaga dhiidhido xumaha kuna dhuggato wanaaga, Markii la arkay
marinka toosan eed tubaysatay ayaa laguu muujiyay innaad waddo aan sax ahayn
toobiyaysatay, waana lagugu qayliyay markaad qumanaatay, waayo waxa markii
dambe lagugu qanciyay sidii la rabay aakhirkiina waad aqbashay.
Tuesday, May 22, 2012
SHEEKO GAABAN: Shuruud baa ku xidhan!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:24 PM
Qalinka: Barkhad M. Kaariye
Ugamaan
baranin in uu ordo, balse degdeggiisa ayaan ka gartay in uu wax cusubi jiraan, intii
uu igu soo socdayse waxaan ku ducaysanayay in aanu war xun ii sheegin. Sidii uu
u soo ordayay ayuu agtayda soo fadhiistay, hadba wuxuu u holladaa in uu ii
sheego waxa jira, haddana waxa ka dhex gala neef-tuurka oo wuxuu isku dayay in
uu xiiq-tirto. Aamus nasasho ahaa ka dib, wuxuu ii bilaabay wixii uu doonayay
in uu ii sheego; “Maanta waxaanu is-raacnay guddoomiyihii iyo xubno kale,” ayuu
hadal ku bilaabay. Aniga oo garan la’a guddoomiyaha iyo xubnaha uu sheegayo
ayaan waydiiyay, “Guddoomiyahee?” markaasuu inta uu wejiga ururiyay igu yidhi, “Waar
niyow wax walba ciyaar ha ka dayine na dhegayso. Anigu ma ogayn shirka jira,
laakiin markii aan raacay ayuu na geeyay goobtii shirka.” Wali aniga oo aan
fahmin guddoomiyaha uu ka hadlayo, ayaan isku dayay in aan iska dhigo in aan
fahmay, iskuna dayo in aan sheekadiisa ka dhex helo cidda uu sheegayo iyo
ujeedada shirka, cidda qabsatay iyo halka lagu qabtay.
Wednesday, May 16, 2012
Af qalaad aqoontu miyaa?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:35 PM
![]() |
Barkhad-Ladiif M. Cumar |
Dhalinyaradda Saaxafada ka hawlgasha iyo dhalinyaradda NGO-yadda ka xoogsata,ayaa isku haysta jiritaanka Afsoomaaliga iyo la dagaalanka Af-Soomaaliga. Sidan u leeyahay, dhalinyarada NGO-yadda ka shaqaysaa ay inta badan isku dayaan inay ku hadlaan erayo Ingiriisi ah, kuwaas oo jahawareer ku rida dadka Soomaalida ah ee ay la hadlayaan, gaar ahaan dadka ku nool miyiga oo aan afkoodda mooyee af kale marti u noqon, halka arrintaasi cakiskeeddana ay sameeyaan dhalinyaradda ka hawlgasha saxaafaddu dedaal ay ku ilaalinayaan inaanu lumin afkeenna hooyo, maadaama oo bulshadeena qayb ka mid ahi weerar u tahay burburinta af Soomaaliga.
Beenaalaha u raac illaa albaabka gurigiisa - W.Q: M.M Kastam
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:53 PM
![]() |
M.M. Kastam |
Masraxa Siyaasadda
Qofka aadka ugu baahan afkiisa waxa ka soo yeedha in uu ilaaliyaa waa siyaasiga. waxa hoos-u-dhac ku keenay hadallo ka soo yeedhay. Siyaasiyiin badan ayaa aad isu qoomameeyey, iyaga oo ka xumaaday guuldarrada ay kala kulmeen hadallo ka dhacay oo ay u malaynayeen in ay guul ku gaadhayaan.
Tuesday, May 15, 2012
SHEEKO GAABAN: Nabsigaygu Kuma Helo!!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:28 PM
Bariido san dabadeed, erayada
farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo liigayaan qalbi naafoobay, naf
qarracantay iyo maan qayirmay. Waxaanay ku aaddan yihiin wiil-ku-sheegii hanaqa
iyo halbowlaha jaray hoobaan la moodaa hilbaheedu quban yahay. Haddaba, qaladba
ha igu ahaatee, aniga oo waqtiga kuu dhawraaya waxaan isku dayay inaan
hadal-tirada badan ka saaro, oo aan nuxurkeeda uun kuu soo gudbiyo ee adigu
falkiso oo falanqayso. Waxaanay u dhignayd sidatan:
Monday, May 14, 2012
Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2012 Tartankii 5aad
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:10 AM
(La deg Xeerka oo ah PDF | ka
qayb qaado wanaajinta)
Bandhig
Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".

Seeska Dhaqanka ee REDSEA-ONLINE (Redsea-Online Cultural Foundation) iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta, xoojinta fanka iyo farshaxanka; islamarkaana taageeraya dhaqanka qorista iyo akhriska iyo guud ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Shanaad ee Baratan Qarameedka Curinta Suugaanta "Sheeko iyo Shaahid".
Saturday, May 12, 2012
HOW TO TELL ABOUT ISLAM TO NON-BELEIVERS by Dr. Bilal Philips
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:04 PM
Dr. Bilal Philips had paid a visit
to Hargeisa, Somaliland on 17 December 2011 and held a lecture about different
angles on ISLAM and how he became a Muslim in Hargeisa University.
HA I RAADSAN - HEES CUSUB
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:38 PM
Ereyada iyo laxanka: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (WEEDHSAME) - www.hoygaweedhsame.com
Codka: Mursal Muse Cumar
Muusigga: Cabdiweli Ibraahim (Furinle)
Codka: Mursal Muse Cumar
Muusigga: Cabdiweli Ibraahim (Furinle)
Monday, May 7, 2012
Afkeenii sowkaa abaaday!!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:00 PM
Hawraar
hore oo Soomaaliyeed ayaa ahayd Nimco waliba Nusqaanleh, luuqada Af-soomaaliga
marka dib loo eego waxay ahayd luuqad hodan ku ah dhinacasuugaanta iyo sarbeeb,
si xikmadaysan oo ay dadkii hore isku dhaafsan jireen hadalkooda,iyadoo
xilliyadaas oo qarniyo ka hor ah aanay jirin, aqoon iyo walibafarsamooyinka
casriga ee waqtiyadan dambe wax walba
fududeeya, balse imika oo aqoonta iyofarsamooyinka loo yaqaan afka
qalaad (Technology) ay adduun waynaha iyo dalkeenabaku soo badanayaan, isla
markaana adeegsigoodu uu yahay lagama maarmaan, ayaadmoodaa inay yihiin qaar
dagaal dadban kula jira Afka Soomaaliga, marka lagaeegayo dhinaca adeegsiga iyo
isticmaalka magacyada agabkoodu ka kooban yahay.
Thursday, May 3, 2012
Geeddu xeer ma leedahay? - W.Q Maxamed-Baashe X. Xasan
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
8:55 AM
Ku-qabso ku qadi mayside! Cadyahow ama ku cunay ama ku
ciideeyey" waa isirrada taban ee aan hore Somaliland siyaasaddeeda
ugu badnayn ee ka soo kabbacaya
hadallada iyo falaadyada isa soo taraya ee ka soo yeedhaya dharaarahan qaar ka
mid ah ururradii ka hadhay tartanka ururrada siyaasadda ee Somaliland, kaas oo
dhowaan Guddida Diiwaangelintu natiijadii ka soo baxday ay ku
dhawaaqday. "Waannu muddaharaadaynaa!
Subscribe to:
Posts (Atom)