Waxa la ogyhay dhamaan dhidibada aad ku tiirsantay, waxaa la yaqaanaa gol jilicdaada sida fudud lagaaga dooxi karo, sidoo kale waxa daraasad & Odoros lagu sameeyay halka lagaa doorin karo iyada oo aan lagu dilinba, lagaa baabi’in karo iyada oo aan lagu biraynba, wax sidoo kale la diyaariyay marka lagu wareemow waxa aad kaga warceliso sida laguugu qancinayo iyo waxa lagugu caqli celinayaba, intaasiba way kuu darbantahay si loo fudaydiyo fulinta hawlgallada lagugu afgambiyayo, waa la haadiyay waana lahufay dhamaan hubka laguu adeegsanayo si laguu hadimeeyo, si halbawlaha laguu jaro,si xidida laguugu saaro,si xishoodka lagaaga xayuubiyo,si sharafta lagaaga shaadhsiibo,si midnimada lagaaga madaxsaaro, siqofnimadana lagaaga qaawiyo,oo lagaa yeelo sidii lagaa yeeli karaba, Adigu se intaba, Ma Dhaadanid umana dhug lihide Waad dhoohantahay.
Dufaanada dabaylaha wata ee ka
igamanaya galbeedku waxay daminayaan ilayskii kuu baxayey, waxaanay duminayaan
dadabtii aad dhaxanta ka dugsanaysay, middiyaha afaysan ee haliilaya waxa lagu
gawracayaa garashadaada, waxaa laguu hagoogayaa hu’ xajiin iyo xag xagasho
miidhan ah,mid xaaraan iyo xasad miidhana, waxa lagugu sidkayaa laguguna
tolayaa taash wada tiin iyo qodaxa, taf wada xiqdi iyo xumaan ah, si tubta iyo
toobiyaha la rabo laguugu tilmaami lahaa, Ma dareensanid kuumana daarana
dadnimo guurka, iyo dunji wacanaan diidka kugu socda hadh iyo habeen.
Afkaagii waata la oof wareemaya, la
uurdooxay, ee la adhax wareejiyay, Mar uun xabaal inta loo qoday laguma riddine
waata la deldelay ee nolosha lagu dil dilaaciyay, Sawnigan ku fahmi la’ ma
faranjibaad ku hadashaa, ma amxaaribaa ku hadashaa, Ma Ingiriisabaad u amaano
tagtaa mise Mid carbeedbaa u ololaynaysaa inaad ku badalato kaagii aad lahayd.
Dhaqankaagii miyaan la dhalan gaddiyin, midkalena laguu soo dhoofin, Hidahaagii
mee, Haybadaadii sawta la hiifay ee la haaraamay, sawta la galbiyay ee la
gabagabeeyay, miyaan dhalintaadii la dhooba qaadin, la dhalan rogin, oo la
dhaafin karkaarka, Meeye dumarkaagii miyaan la duufsan oo aan la dareersan,
dibada lasoo daadin, caruurtaadiina cilma kale miyaan la barin, lagu barbarian
oo lagu baashaalsiin, Maad Dhiman Ma se Dhaadanid Umana Dhug Lihid ee waad
dhoohantahay!!!
Markii intaasiba dhacday ayaa laguu
sheegay in aanad waxba ahayn, waxaa kale oo laguu sheegay in aad habeen madow
gudayso, waad liqi wayday oo waadiga isa soo taagay! .. markaad aragtay in koox
yar oo koobani kula jirto ayaad ugu dambayntii aqbashay maadaama oo aanad samir
badan lahayn, maalintaad aqbashana waxaad tuurtay taftii gobbeed eekugu
gadaamanayd, waxaanad gashatay mid gaaajo iyo faqri mase ogid oo dareenkaasi
kuguma jiro, waayo waa sida laguu muujiyay inay sharaftu ku jirto.
Xor inaad tahaybaad ismoodaysaa
laakiin in aanad ahayn ayaad mar dambe garawsatay, Maya Xor Baan ahay? Oo yaa
kuu sheegay inaad xortahay? Sawniga is arkaya ayaa I gumaystay ee aad
sheegaysaa malaha kii lixdankiibaad xasuusantay? Lixdanna garan mayside isku
noqo kaasaabaa kuu dhaamay ka aad imika ku jirto e, waabad u dhug lahayd kaas
oo maad dhoohanayn laakiin kan waligaa maad dareemin inta dareentayna way
yartahay,caqligaaguu daganyahay, cimraaguugu kula leeyahay daartaaduu kula fadhiyaa,
dukaankaaguu kula joogaa, gaadhigaaguu kula wataa, dumarkaaguu kula qabaa,
caruurtaada wuu kula dhalay oo hadaa maxaa ku daba dhigay ee intaad ku darsato
labadeed uu ula dul joogaa? Hoygiisa isagoo jooga ayuu halkan kaa hagaa .. kugu
hanuuniyaa halkuu rabo.. markaasaad ku qanacsantahay… Adiga oo aan dhaadanayn,
Dhugna Ulahayn, Oo aad dhoohantahay.
Waxaas oo shaqo kugu socota,
shaqaaqo lagu dhex dhigay, sharafna lagaa tuuray adigu Miyaad Ogtahay? Inta
qudhun iyo Qashin lagugu beerayo miyaad ka war qabtaa? Oo hadaad ka war qabto
maxaad ugu garab taagantahay gacantana ugu siisaa? Dareenkaagu Miyuu dhintay?
Damiirkaaga se miyaa lagaa hor aasay? Dadnimadii Miyaad Xabaashay oo xabaddi
kuguma hadhin? Goormaad Dib Usoo noolaanaysaa? Goormaad isleeday
dadbaydun noqon
dumiya xumaho,
dugsada wanaagga?
dadbaydun noqon
dumiya xumaho,
dugsada wanaagga?
Ma dadkaan lahadlayo baan lahayn
dux iyo iimaan mise cadanbaan ka heesayaa… Waxaan maqlayaa shanqadh, Bisinka
iyo Tabaaragga … Codbaaba iiga dhex baxay shanqadhii wuxuu lahadlayaa kuwaan ka
sheekaynayey? Oo Muxuu leeyahay? Wuu waaniyayaa, waxbuu usheegayaa, hurdadana
ka toosinayaa, Waxay yihiinna wuu usheegayaa hadiideen ama ha ka doodeene, ha
yeeleen ama ha ka yaabeenne wuxuu ku leeyahay:
Ma Dhaadanid kow
umana dhug lihid e
Waad dhoohantahay
Waad Dhaga Xidhantay
Dhayaaguna kadaran
Dhinaacaad’ U jiiftaa
Warba Kuuma Dhicine
Dhulkaagii Aaway
Dhaqankaagi Aaway
Sawtan La dhalan rogay
Dadkaagu Dhimashiyo
Ku dhawaade geeriye
Maxaad u dhicin laadahay
Mise Ma dhaadanidoo
Uma Dhug lihide
Waad DHoontahay
Waad Dhiidhiye la’dahay
Waanad Dhaga Xidhantay.
umana dhug lihid e
Waad dhoohantahay
Waad Dhaga Xidhantay
Dhayaaguna kadaran
Dhinaacaad’ U jiiftaa
Warba Kuuma Dhicine
Dhulkaagii Aaway
Dhaqankaagi Aaway
Sawtan La dhalan rogay
Dadkaagu Dhimashiyo
Ku dhawaade geeriye
Maxaad u dhicin laadahay
Mise Ma dhaadanidoo
Uma Dhug lihide
Waad DHoontahay
Waad Dhiidhiye la’dahay
Waanad Dhaga Xidhantay.
(Saddam Carab)
Alla Mahad Le
Ma Xorbaad Ismoodaysaa ?
Qalinkii: Saddam Xusseen carab (Saddam Carab)
saddamcarab@gmail.com
Qalinkii: Saddam Xusseen carab (Saddam Carab)
saddamcarab@gmail.com
No comments:
Post a Comment