" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Jihaadkoodu waa dhagar!

Monday, May 28, 2012

Jihaadkoodu waa dhagar!

Magaceygu waa Cabdi, waxaan ahay 19 jir ku barbaaray magaalada Muqdisho, kana dhashay qoys ka tirsan dariiqada suufiyada loo yaqaan.

Aniga oo 13 jir ah ayaan ku biiray Shabaab sanadku markuu ahaa 2006, xilligaas waxaan isku diyaarinayay inaan galo imtixaanka dugsiga dhexe loogu gudbo, laakiin waxaan sii wadidda waxbarashada ka doorbiday inaan qori qaato oo aan dagaallada dalka ka socda qeyb ka noqdo.


Dhowr cisho ka hor, dagaalkii AMISOM iyo ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho iyo degmada Afgooye ayay wax weyn iska beddeleen fikraddii aan aaminsanaa ee ahayd inuu Soomaaliya jihaad ka jiro.

Waxaan ka mid ahaa dagaalyahanno deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho ka dagaallamayay, balse markii ay dhinaca kale nagu soo siqeen waxaan ka mid noqday kuwo dib ugu gurtay Ceelasha biyaha.

Hoggaamiyeyaasheennu waxay nagu wargeliyeen inaan difaacanayno Ceelasha biyaha, waxaana amar buuxa nagula siiyay qof kasta oo naga tirsan inuu heegan ahaado.

Dagaal saddex maalmood socday baan ka qeyb qaatay, balse habeenkii dambe salaaddii subax ka hor daal dartiis baan hurdo la dhacnay aniga iyo saaxiibbo kale oo aagga igula jiray. Aroortii waxaan soo toosnay halkii aan difaaca uga jirnay oo haawanaysa iyo annagoo dhowr qof oo keliya meesha ku joogna.

Cid aan wax waydiinno baan waynay, telefoonnada dagaalyahannadii kale iyo hoggaamiyeyaasha qaarkoodna waxay noqdeen qaar densan iyo qaar aan ka jawaabeynin wicitaanka. Raadiye yar oo aan watay baan daaray, idaacaddii ugu horreysay waxay noo sheegtay in ay Shabaab ka baxday Ceelasha biyaha.

Talo ayaa igu caddaatay. Waxaan xusuustay dhacdo taa la mid ahayd oo sanadkii 2006 na qabsatay, markii dagaalyahanno iyo hogaamiyeyaal ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga oo aan xilligaa u dagaallamayay ay sidan oo kale nooga dhuunteen.

Xaaladdu waxay nagu sii cakirantay markii aan maqlay in Afgooye ay ku sii dhow yihiin ciidamada dowladda iyo AMISOM. Aniga iyo saaxiibbadey waxaan ka badin waynay si aan dadka isugu dhex qarinno inaan hubkeennii ku tuurno meel howd ah.

Maskaxdeydu waxay igu soo celcelisay weydiin ah haddii aan jihaad dhab ah ku jirno sababta keenta dhagarta iyo dhabar iska taabashada noocaan ah, marka ay dhibaato iyo jab la kulmaan dagaalyahannada isku safka ah. Waxaan go’aan ku gaaray maalintaas kaddib inaan ka tanaasulo fikraddii mujaahidnimada ahayd ee aan aaminsanaa.

N.B: Magaca qofka ay sheekadan khuseyso ma aha kiisii saxda ahaa.

No comments: