M.M. Kastam |
Masraxa Siyaasadda
Qofka aadka ugu baahan afkiisa waxa ka soo yeedha in uu ilaaliyaa waa siyaasiga. waxa hoos-u-dhac ku keenay hadallo ka soo yeedhay. Siyaasiyiin badan ayaa aad isu qoomameeyey, iyaga oo ka xumaaday guuldarrada ay kala kulmeen hadallo ka dhacay oo ay u malaynayeen in ay guul ku gaadhayaan.
Ma aha wax sahlan siyaasaddu, qof kastaana siyaasi ma noqon karo. Siyaasiga duruuftu u saamaxdo in uu masraxa siyaasadda ku biiro oo aan garan goorta uu aamusi karo iyo goortuu hadli karo, goortuu muuqan karo, goortuu gabban karo, goortuu dagaal-geli karo iyo marka uu nabadgeli karo wuu ku dhex dhintaa badweynta siyaasadda.
Sida oo kale, waxa muhiim ah in aad ka faa’iidaysato xilliga siyaasadda, oo waxa kuu habboon in aad sii hormarisid oo waqti dambe aad ku dhawaaqdo, waxa laga yaabaa in uu kugu noqdo waran aad tuurtay oo kugu soo noqday, ama laguu maleeyo ujeeddo gaar ah in aad leedahay. Ka darane; waxay kugu keeni kartaa adiga oo xaqlaha ahaa in aad noqoto xil-la’aan.
Maahmaah ayaa tidhaahda; beenaalaha u raac ilaa iyo albaabka gurigiisa, iyada oo loola jeedo marka xaq kaa maqan yahay oo laguu oggol yahay in aad hab sharci ama distoori laguu qanciyo, waxa loo raacaa ilaa halkii aad ku qanci lahayd, kadib natiijada waxa xukunkeedu u yaallaa dadweynaha iyo taariikhda. Hababka kale waxay habboon yihiin in dib loo dhigo oo la maqlo marka ay caddaalad-darro soo baxdo. Taas waxa ka sii fiican haddii caddaalad-darro la dareemo oo aan la sixin.
YAAN LAGU TUMAN SHARCIGA:
Sharcigu waa ka dareensiiya dadweynaha in uu u shaqeeyo in ay u siman yihiin. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo wax kasta oo uu hab sharci ah u maray ama ku gaadhay. Sida oo kale, waxa muhiim ah oo xaq loogu leeyahay muwaadin kasta oo sharciga ku xadgudba in lagu qaado.
Waxa waayo-arag loo yahay caddaalad-darradu in ay dedejiso xukuumadaha la yimaadda maamulkooda.
Xalinta Mashaakilaadka
Mushkilad marka ay gaadho ama soo korodho, micnuhu waa wadci cusub oo soo kordhay oo aan hore u jirin. Wadcigan cusub, waa wadci aan la jeclaan oo u baahan si deg deg ah in wax looga qabto ama lagu bedelo xal ku haboon. Mushkilad kasta inta aan laisku qaadin, waxa marka hore wanaagsan in la isweydiiyo shaqadii ama habkii qaldanaa ee dhalliyay mushkiladda. Sidoo kale waxa wanaagsan in la isweydiiyo sababatii mushkiladda dhalisay, maxay sidaa u dhacday iyo in la isweydiiyo ujeedada iyo baahida loo qabo in la xaliyo mushkiladda taagan. Inta aan lagu dhaqaaqin mushkiladda xalkeeda, waxa haboon in marka hore aan fahano mushkiladda. Si mushkiladda loo fahmana waa in la gartaa dabeecadeeda si loo ogaado qiimaheeda. Ka dib markii la ogaaday dabeecadeeda iyo qiimaheeda waxa haddana haboon in dib looga baadho tijaabooyinkii iyo waayo aragnimadii taariikheed ee lagula dhaqmay mushkiladda noocan oo kale. Shaki kuma jiro marka mushkilad kasta la fahmo xajmigeeda wixii dhalliyay khatarta ay dhalin karto iyo waayo aragnimadii xal looga dhigay. Si dhab ah loo adeegsado shaki la’aan guul ayaa laga gaadhaa.
MAALIN-KU-DIRIR IYO XAALAD-KU-DIRIR:
Somaliland haddii aad u fiirsato, waxaad is odhanaysaa waa meesha keliya ee caalamka aanay ka shaqayn ama ka jirin shalay, maanta iyo berri. Shalay haddii aanay jirin oo aan laga faa’iidaysan, maanta lama garto ama ma jirayso. Maantana marka la garto sidii ay ku timi, waxa lagu guulaystaa berrito wixii la doonayey.
Ayaan-darro ka weyni ma jirto, marka ummad oo idil ay ka sinnaadaan arrin keliya. Maalin kasta in loo diriro waddo kastana loo maro sidii maalintaa loo qayili lahaa oo aan wax kale la soo kordhin, berritana laga fekerin in ay jirto oo xaalku noqdo maalin-ku-dirir maalin kasta oo cusub. Shaki kuma jiro marka arrimuhu sidaa noqdaan in lagu jirayo daal iyo diif joogto ah, markasta iyo maalin kasta. Bani’aadamka iska daayoo xayawaanka ayaa ka maarmi waayey in uu berrito ku xisaabtamo.
Waxa la sheegay Nebi Sulaymaan (CS) oo Ilaahay waxyaabo badan u sakhiray, in uu maalin-maalmaha ka mid ah qudhaanjo ku yidhi; “Waxaan doonayaa in aan lix bilood safar galo, inta safarka aan safarka ku gudo-jirana aan kugu xidho quraarad.” Nebi Sulaymanaan oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey; “Marka aan quraaradan ku dhex geliyo oo aan kaa maqnaado lix bilood, maxaa kugu filan?” Qudhaanjadii waxay Nebi Sulaymaan (CS) ugu jawaabtay; “Lix bilood oo aan quraarad ku dhex jiro, waxa igu filan xabbad hadhuudh ama galley ah.”
Waxa la sheegay Nebi Sulaymaan (CS) in uu gudo-galay safarkiisii, markii uu soo laabtay ee uu qudhaanjadii ka furay quraaradii ay ku sii xidhay, waxa uu arkay qudhaanjadii oo cuntay kala-badh xabbadii hadhuudhka ahayd.
Nebi Sulaymaan (CS) oo ku cadhooday qudhaanjadii ayaa yidhi; “Maxaad beenta iigu sheegtay ee aad u tidhi, waxa igu filan xabbad hadhuudh ah?”Qudhaanjadii waxay ugu jawaabtay; “Waa runtaa, waxaan kugu idhi waxa lix bilood igu filan xabbad hadhuudh ah, laakiin markii dambe waxaan ka fekeray oo aan is idhi; markii hore Ilaahay (SWT) ayaad ku xidhnayd oo aan ku ilaawi jirin, bale Nebi Sulaymaan waa bani’aadam ku ilaawi kara. Taas darteed, waxaan ku tashaday in aan kala-badh cuno, si aad ii xusuusato haddii aad ilowdo in aad quraarad igu xidhay.”
Bal eeg qudhaanjadaasi sida ay tashatay ee ay ugu xisaabtantay in ay wax kastaa dhici karaan. Maxaad u malaynaysaa markaa bani’aadamkii Ilaahay karaameeyey in uu noqdo bilaa qorshe?
Akhriste, adiga ayaan kuu daayey jawaabta ee waa adi iyo garaadkaa.
No comments:
Post a Comment