" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Af qalaad aqoontu miyaa?

Wednesday, May 16, 2012

Af qalaad aqoontu miyaa?


Af Qalaad Aqoontu Miyaa?
Barkhad-Ladiif M. Cumar
Dhalinyaradda Saaxafada ka hawlgasha iyo dhalinyaradda NGO-yadda ka xoogsata,ayaa isku haysta jiritaanka Afsoomaaliga iyo la dagaalanka Af-Soomaaliga. Sidan u leeyahay, dhalinyarada NGO-yadda ka shaqaysaa ay inta badan isku dayaan inay ku hadlaan erayo Ingiriisi ah, kuwaas oo jahawareer ku rida dadka Soomaalida ah ee ay la hadlayaan, gaar ahaan dadka ku nool miyiga oo aan afkoodda mooyee af kale marti u noqon,    halka arrintaasi cakiskeeddana ay sameeyaan dhalinyaradda ka hawlgasha saxaafaddu dedaal ay ku ilaalinayaan inaanu lumin afkeenna hooyo, maadaama oo bulshadeena qayb ka mid ahi weerar u tahay burburinta af Soomaaliga.

Inta badan dhalinyarada NGO-yada iyo hay’adaha caalamiga ah ka shaqeeya ayaa marka ay hawlo ka fulinayaan miyiga ku hadla erayo badan oo af qalaad ah, kuwaas oo ku dhex Milan Af Soomaaliga ay ku hadlayaan, marka ay hawlo ka wadaan meelaha miyiga ah, iyagoo intoodda badan aan dadku fahmin fariinta ay sidaan ee ay is leeyihiin dadka u gudbiya, taasina nasiib daro 90% waxay hawshooda ka dhigtaa hal bacaad lagu lisay.

In kasta oo muddo dheer dadka Af Soomaaliga ku hadlaa jaal la ahaayeen waddamada dibada, islarmaana mar kasta ay jireen qarinyaddii danbe oo dhan dad badan oo ku hadli karra afafka Carabiga iyo Ingiriisiga iyo kuwa kalleba, haddana waxa jirtay waqtiyo dadku aanay faham badan ka haysan luuqadaha iyo culuumta kale ee la kasbaddo, iyaddoo qofka dhawr eray oo Ingiriisi ah ku hadla loo haysan jiray qof aqoonyahan ah oo la odhan jiray hebel waa jaamici, waayo af Ingiriisi ayuu ku hadlaa, haddaba maanta oo dadku in badan oo ka mid ahi wax baratay, in isagoo dadkoodii oo miyi jooga oo xoolahooda dhaqanaya uu kula hadlo erayo af qalaad ah, maxay daaran tahay, ma sidii hore ayey wali dhalinyaradani aaminsan yihiin in dadkaasi miyiga joogaa u haystaan inay jaamiciyiin ku noqonayaan erayo Ingiriis ah oo lagu khaldo Soomaaliga, mise waa dhoolatus uu qofkaasi ku horowsanayp dadka miyiga jooga ee ceelasha ama hawlaha kale ee hay’adoodu u qabanayso uu iskaga dhigayo qof aqoonyahan ah.

Waa nasiib daro in dad badan oo dhalinyaro ahi wanaag iyo darajo moodaan in erayo af ingiiriisi kula hadlaan dad aan wakhtigu u saaximin inay waxbartaan, isla markaana iskaga dhigaan dad ka aqoon sareeya halka uu afkiisa hooyo ku faani lahaa, isla markaana u raadin lahaa erayo waaweyn oo dadkii hore isticmaali jireen.

Halka dhalinyaradani ay u doonayaan inay dhaqankii iyo luuqadi af Soomaaliga dhalan rogaan oo la moodo inay mashruuc ku qaateen walaaqida iyo dhalan ragga af Soomaaliga oo marmarka qaarkood ninkii gaalka ahaa ee la socday ee doonayey in dadka uu u turjimo ayay isaga laftiisa u baahdaan in looga turjumo, maadaama oo aanu af Soomaaliga rasmi ah ku hadleyn, taasina waxay keentaa is fahan la’aanta hay’adihii iyo dadkii hawsha loo waday, maadaama oo dhalinyartoodii ay ka doorbideen erayo af Ingiriis ah mararka qaarkoodna ku odhanayaan eraygaasi muxuu af Soomaali ku noqonayaa, waa af kii lagu dhalay ee laga yaabo in aanu waligii ka dhoofin oo uu meeshii uu ku dhashay joogo.

Dhinaca kale, halka dhalinyaradaasi ajanabi la shaqaysta jecelyihiin inay ku hadlaan erayo qalaad waxa jira dhalinyaro kale oo dhaqankaas gaalo jecelka ah ka soo horjeeda oo u hiiliyay af Soomaaliga, isla markaana ilaaliya in af Soomaaligu lumo ilaa imikana uu dhankoodda ka taagan yahay.

Dhalinyaraddan hawsha adag bulshadda u haysaa waa dhalinyaradda ka shaqaysa Saxaafadda oo intoodda badani isku dayeen in ku hadlaan oo qoraan Af-Soomaali badhax la, in kasta oo qudhoodda qaar badan oo jacbur ka dhigay ay ku jiraan., waxaanay habeen iyo maalin u taagan yihiin in aanay qorin ama tabin luuqad aan ahayn af Soomaaliga, iyagoo ka taxadaraya inay umadda akhrisanaysa ama dhagaysanaysa u gudbiyaan erayo af Ingiriisi ah, mararka qaarkoodna wakhti ayay ku qaadataa inay erayo ku haboon oo af Soomaali ah u gudbinayaan dadka, si ay bulshadda dhaqankooda iyo luuqadooda hodanka ah ugu ilaaliyaan, iyagoo dagaalka kula jira dhigooda hay’adaha ka shaqeeya ee fidinaya luuqado ajanabi.

Dadweyaha ayaa marka aad aragtid ama qof ka mid ah dhalinyaradaasi ama masuuliyiinta qurbaha ka timid oo hadlaya isla markaana doonaya inay dadka wax u sheegaan ay adag tahay inay fahmaan mararka qaarkoodna caruurtoodda ka codsada inay u turjumaan kolba halka uu fahmi waayo oo ay yidhaahdaan muxuu hooyo u jeedda, halkaasna ciyaalkooddu mararka qaarkood turjumaan u noqdaan waalidkii Tv-ga ka daawaney masuulka hadlaya.

Hadaba, dadka inta badan dilaaga af Soomaaliga ah waa laba qaybood oo bulshadda ka mid ah, waa masuuliyiinta qurbojoogta ah oo dhaqan iyo caaddada ummadda aan fahmeyn, tusaalayaalna usoo qaata wadamada galbeedka, waxa ku xiga waa dhalinyarada dhaqan aan dhoofin loo yaqaan ee NGO-yada ku maxaafadsada, kuwaas oo ahmiyadda koowaad galiyey inay ku hadlaan luuqadaha qalaad, ma garan karo inay qolooyinka cadaanka ah ku dhow-dhowaanayaan iyo inay bulshadda tusayaan inay Ingiriisiga yaqaanaan, laakiin qolooyinkaasi aanu soo tilmaamnay waa qolooyinka loo baahan yahay in laga waaniyo, isla markaana weerarkaasi ay af Soomaaliga iyo dhaqanka ku yihiin awood kale oo dheeraad ah lagga hor keeno ama iyaga laftoodda laga wacyigaliyo si aanu afafka ay jecel yihiin ee ay fidinayaan oo bari dhow ay dhici karto inay dadku eray Soomaali ah ka dhigtaan, oo eraygii la mid ahaa uu meesha ka baxo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahan yahay sidii af Soomaaliga loo ilaalin lahaa, dhaqanka suuban iyo caadooyinka soo jiraanka ah ee dadku isku tabiyey qarniyo lagu xusi lahaa, marka waxaan u soo jeedinayaa dhalinyarada luuqada qalaad jecel inay afkooda ku raaxaystaan oo ay ku faannaan, waxaanan ku soo gabogabaynayaa heestii Cali Sugule ee ahayd Af Qalaad aqoontu miyaa:

Af qalaad aqoontu miyaa
Af qalaad aqoontu miyaa?
Maya, Maya!
Maahee af qalaad, aqoontu miyaa?
Maya, maya!
Mahee, waa intuu qofba Eebbe gashaa
Ayey nala tahay anagee, ma ogtahay
Dib looma abuuro dadkee..

W.Q: Barkhad-Ladiif M Cumar

No comments: