“Ex- gacaliye………….Farriintani
waxay kaaga imanaysaa qof kuu furtay laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada, kuu
gargaartay goortaad u baahnayd, ku difaacday markaad maqnayd, ku dareensiisay
inaanad kali ahayn, kaala qayb qaadatay farxadaada si ay u laban laabanto iyo
murugadaada si ay u fududaato, dhagaysatay cabashooyinkaagii, tunkana u ridatay
gefafkaagii. Haddaba, hadda ayuun baan ka soo miiraabay miyir doorsoonkii aan
maalmahanba ku sugnaa, oo aan soo sare fadhiistay. Asxaabtii igu hareeraysnayd
ma waydiin muxuu sidaa iigu sameeyay ee waxaan su’aalay: Tolow hadda xaalkiisu
waa sidee? Waydiintani inta ay af-kala qaad ku noqotay ayay indhaha isaga
tebiyeen farriin dulucdeedu daar-nayd “Naa heedhe, way ku khafiiftay walaal”.
Waxaanse kuu sheegayaa inaanan kugu khafiifin,ee aan u qaadan laayahay
tallaabada naxdinta leh ee aad ku boqna goysay jacaylkii aynu caruurnimo ku
abaqaalnay. U qaadan laayahay sida aad u baylihisay barashadeenii iyo maalmihii
bilnaa ee aynu soo wada qaadanay. Una ilowday maalmihii adkaa ee noloshaada soo
maray iyo sidii naf hurka lahayd ee aan kuu garab istaagay. Maxaad laabtayda ku
ilmaysay adiga oo xanuun la taag daran igana dalbatay inaanan waligay
garabkaaga ka maqnaan. Maxaan habeeno la gam’i waayay cishqiga aan kuu hayay ee
miranaayay qalbigayga?
Hoogayga’e, haddii aad iga
dal-doorsanayso, maxaad iigu abuuraysay jacaylkan xanafta iyo xanuunka kulul?
Maxaad iigu ababinaysay beeraqan iyo boholyowgan aan kuu qabo? Maxaad iigu
habaysay haasaawe macaan iyo hadal halaasi ah oo haween laga wada raacay?
Maxaad wadnahayga ugu diidanayd inay cid kale kula wadaagto? Goortiise aad
hantiday qalbigayga, huwatayna laabtayda, maxaad u halakaysay naftaydii taagta
darnayd? Alla maxaad beer-nugaylka kalgacalkaagu i baday ka faaiidaysatay oo
aad asxaabtayda hortooda hadal qalbiga damqaya igu tidhi, anna aan iska dhega
tiray sidii qof aan maqlayn. Maxaa dartaa iyo illaalinta axdigeena doqon laygu
sheegay, dammiin la igu xantay, dadna aanu ku kala dhiman gaadhnay. Haddaba,
Jacaylkii dhiiranaa, ee guyaalka aynu dhisaynay,dhibtana aan u marnay,
dhammaadkiisii maxaad, dhimashadaa ula jeclaatay? Naftaydii kuu hilowday, ee
aad halyaygeeda ahayd, bal maxaad uba hiiftay, oo huqdaa aad u baday?
Laabtaydii magacaaga, annigoo gabadha, oon garanaynin jacayl, guyaal aan ku
xardhaayay, guulaheena ogaa, adna aad garanaysid, bal maxaad u giriiftoo,
gebigaa uga tuurtay? Mise wada jirkeeniyo, jacaylkii dhexdeeniyo, maalmihii na
soo maray waxay ahaayeen kuwa caadifada sindheernimo aan ku qaboojinaynay? Kuwa
aan dhaafsiisnayn, dhayal la isku salaaxiyo, afkoo layska yar dhuuqiyo,
bushimahoo laysku dhaweeyiyo, macaankii dhunkasheed? Kolay, kulama yaabani oo
waxaad noqotay dhadhamo raac, taasaana keentay inaad Baasaboor iga raacdo oo
aad curyaamiso jacaylkii guyaal dhexdeena ka ilmo roganayay. Waayo, waxaad ku
talo jirtaa hirgalinta himiladaadii dhoof jacayl. Laakiin maanka gali, maalin
baa iman doonta aad qiimigayga dhabta iyo sida qof iyo Baasaboor u kala
qaalisan yihiin duruuf kasta oo jirta aad ogaan doonto.
Haddaba gacalihaygii horoow,
maqalka guurkaagu wuxuu gilgilay gudahayga, waxaanu gantaalo sumaysan ku ganay
laabtaydii ladhka jacaylkaagu jiifay. Waxaanu galalafay habsami u socodka
tacliintayda oo bil kama ag wareegin Jaamacaddii. Waxaanan baadhayay dhibta aan
kugu sameeyay ee sababay kala tageena. Waxbase ma helin, Wax walbana waxa igaga
darnaa dadkii isku keen yaqaanay oo mar walba i lahaa: Hebel goormaad kala
hadheen? Maxaadse walaalay u sii daysay wiil fiican buu ahaaye? Anniga oo
dhibtaa iyo dhakafaarkaa qaba, haddana waxaan kugu galbinayaa gob iyo caadkeed,
gabadha aad guursatay bilaahi calayk ha marin dhibtii aad i marisay, ha
dhaawacin qalbigeeda ee u dhibirsanoow, Haddii aad magac yeelato ha ugu kibrin
sidii aad isugu kay waynaysiin jirtay, hana bahdilin sumcadeeda iyo dhegteeda
ilayn waa gabadhe. Haddii aad la kulanto dhibna Alleba kuuma keenee, ha is
odhan nabsigii baa ku haya, waayo waan ku saamaxay annigu, waxaanan kuu
rajaynayaa adiga iyo xaaskaaga cusubba khayr fara badan. Anna waxaan ku
uursamahay inaan qof wanaagsan helayo insha alla, ee ii soo ducee.”
Waa tahay, farriintan oo
nuxurkeedu ahaa intaa, waxaan la yaabay dhugmo badnaanta gabadha iyo
dhoohnaanta wiilka iyo dhicisawga jacaylka, dharaaraha soo taxnaa, Waxaanan ku
idhi iyada oo ilmaynaysa markii ay farriinta ii sheegaysay: Armay sidani kuu
roon tahay oo qaddarku kuu qarrinayaa qof si walba kuugu qalma, iima jawaabin
waxaanse foolkeeda ka dareemay farxad. Halka aan wiilkana niyadda kaga idhi:
Nabsi guratay wiilyahow, goor aad heshaba.
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-deeq)
Awliyo177@hotmail.com
No comments:
Post a Comment