" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Caddaaladdu waa aasaaska Hoggaaminta – W/Q. MM Kastan

Monday, May 28, 2012

Caddaaladdu waa aasaaska Hoggaaminta – W/Q. MM Kastan

Lord Georgo,ayaa lagu yidhi maxaa ugu wacan dhammaan kuwii aad mar xukunka wada qabateen ee waddamada kale xukumi jiray beri hore ayay wada daateen adiguna wali wax baad xukuntaa?


Lord George,intuu aad u qoslay ayuu yidhi “Marka la gaadho wakhtiga xagaaga waxa ii caado ah ,inaan badda tago,oo dabadeed Kallumaysto.

Lord George Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Subaxa inaan ku quraacdo aan furinka marsaddo Jaamka”. Lord Gearge waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Laakiin Kalluunka uma galiyo Jilaabka jaamka aan jecelahay ,ee waxaan u galiyaa Dirxi yar yar oo uu kalluunku aad u jecelyahay .


Lord George Micnihii guud ee uu u jeeday waxa uu ahaa ,anigu waxaan kaga duwanaa saaxiibadaydii dhaadhacay ayuu yidhi,waxaan ka shaqeeyay walina aan ka shaqeeyaa ,waxa ay doonayaan Shicibkaygu.


Kadib Lord George waxa uu yidhi, Qof kasta ama koox kasta oo is waafajisa rabitaanka dadwaynahooda ama waxay doonayaan ka shaqeeya ama soo bandhiga ,waxa ay dadwaynahoodu doonayo way jirayaan,qof kasta ama cid kasta oo ay dadwaynahoodu u arkaan inay wixii iyagu doonayaan oo kaliya soo bandhigga ama ka hadla,ay u arkaan dadwaynahooda kuwo aan danaynayn ama dib –u-dhac la damacsan.


Cadaaladda iyo Hoggaaminta:


Boqor ayaa isagoo xeeb ku nasanaya waxa soo ag maray kalluumayste Kalluun wayn sida, Boqorkii ayaa ku yidhi kalluunka immisaad ayaad siinaysaan? Kallumaysatihii waxa uu ugu jawaabay iib maaha,Arintaas waxa ka cadhooday boqorkii oo amray in xoog lagaga soo qaado .Askartii boqorku arintaas si dagdag ayay u fuliyeen ,boqorkii bil kadib cagtiisa hoosteeda waxa kasoo baxay Nabbar oo aad u dhibay,hadii loo geeyay dhakhtar waxa uu u sheegay dhakhtarkii hadii aan markaa laga jarin suulka in cudurku kusii fidi doono ,kaas oo boqorkii arrintaa ku qanci waayay ,waxaanu u tagey dhawr dhakhtar oo u sheegay iyaguna sidii kii ka horeeyay ku yidhi.


Boqorkii waxa uu diidaba,ugu danbayntii waxa ku kordhay cudurkii oo gaadhsiiyay cagta hoose in laga wada jaro oo nabar ku yaallay, arrintaas waxa xigtay dadwaynihiisii oo bilaabay inay ku mudaharaadaan.


Boqorka oo layaab ka muuqdo waxa uu u diray lataliyihiisii inuu uga yeedho nin culimada waawayn kamida,saacad kadib waxa loogu yeedhay caalimkii ugu aqoonta badnaa magaalada oo ku yidhi ,maxaad u malaynaysaa cudurkan halista ah ee igu dhacay iyo mudaharaadan aan kaga bixi karaa .


Caalimkii ayaa ugu jawabay boqorada arinkan oo kale waxay ku immaadaan marka ay caddalad darro la imaadaan amma cid xaqqii ay lahayd ay duudsiiyaan ,boqorkii ayaa aad u fikiray oo yidhi,waligay caddaalad darro maan samayn ee Malaga yaabaa kalluumayste kalluun ii diiday inuu iga iibiyo aan jeclaystay oo aan xoog uga qaaday mooyee .


Caalimkii ayaa ugu jawaabay ka wardoon kallumaystahaasi inuu ku saamaxo,boqorkii ilaaladiisii waxa uu u diray kalluumaystihii oo ay si dagdag ugu keeneen,boqorkii ayaa kalluumaystihii ka ka codsaday in waxii u ka tabanayo uu u sheego.


Kalluumaystihii ayaa yidhi anigu wixii aan kaa tabanayay Illaha Awoodda leh ayaan u Gudbiyay,Boqorkii ayaa yidhi illahay maxaad iigu Gudbisay??! Waxa uu ku jawaabay Kalluumaystihii ,waxaan idhi illaahoow Awoodiisa kooban ayuu ii sheegtay ,iiga aar-gooy awoodaada waasaca ah .


Halkaas ayuu Boqorkii ku xaalmariyay Kallumaystihii, isna ku saamaxay, sidaasina caafimaad ku helay Boqorkii iyo dadkii u u xukumayay oo u hagaagay.





M.M. Kastam
mmkastan@yahoo.com

No comments: