" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon

Wednesday, June 20, 2012

Horta yaynu Col ahayn?

Damiirka, hanka iyo aragtiyaha shakhsigu waxay kala reebta ummadaha dunida tan ku nool, Qaaradihii way kala tageen, oo waa qaaradda madow (Africa, the Black Continent), waddamadii way kala hadheen, oo waddanka guuldarraystay weeye (Somalia, The Failed state), magaalooyinkiina way kala horumareen, oo magaalada burburtay waa iyaday (Mogadishu, the cracked city), bulshooyinkii way kala faddilmeen, oo bulsho qabiil rumaysan waa inaga.

Guushaada iyo Guuldarradaada – W/Q. M.M. Kastam

Cid aan adiga ahayn kama masuul aha guul iyo guuldarro kasta oo kula soo gudboonaata. Qofka caqliga la saaxiibka ah marka ay guuldarro soo wajahdo waxa uu si dhab ah u raadiyaa halkii ay kaga timi iyo waxyaabihii dhaliyey. Halkaa kagama hadho ee wuxuu ku sii dedaalaa in uu guuldarradiisa guul u beddelo, halka nacasku guuldarrooyinka soo wajaha uu dusha ka saaro dadka kale iyo duruufaha.

Saturday, June 16, 2012

Digaagaddii beedka dahabka ah dhashay – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Nin sabool ah ayaa degaag lahaa. Degaaga wuu kuu ladnaa oo beed uu cuno ama iibyo ayuu ka heli jiray. Ilo dhaqaale oo nolosha reerkiisa waxa ku kordhiya ayay noqdeen degaagi, markaa, si weyn ayuu u ilaalin jiray. Hab nololeed kiisaana raali ayuu ku ahaa.

Thursday, June 14, 2012

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND

Ururka Ilaalinta Suxufiyiinta Caalamiga ah ee CPJ ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Sidoo kale, agaasimaha bariga Afrika ee CPJ Tom Rhodes oo socdaal ku yimi Somaliland bishii April ee sanadkan, ayaa warbixin ka qoray xaaladda warbaahinta iyo xorriyatul-qawlka Somaliland.


Thursday, June 7, 2012

Garaadso Intaanad Guursan – Q:2aad

Gayigan aynu ku noolahay gabdhaha ku nooli guud ahaan waxay soo mareen marxalado taariikheed oo mararka qaar meelka dhac ku ahaa maqaamkooda nololeed. Marxaladdii mugdiga badnayd ee casrigii jaahiliga soo ifbixii Islaamka ka hor, ayaa ka mid ahaa waqtiyadii ugu cuslaa ee lagu cadaadiyo haween. Waxaa taariikhda ku-cad in mushrikiintii carbeed aasijireen gabdhahooda iyagoo nool, markii la weydiiyo sababta ay hablaha u aasayaan iyagoo nool ayey jawaab ka dhihi jireen waxaanu ka baqaynaa in ay ceeb noo soo jiidaan. Laakiin Markii iftiinka Islaamku ka soo faafay carabiya, wuu beddalay caadooyinkii xunxumaa, wuxuuna reebay in la xabaal nololeeyo gabdhaha. Runtii Islaamku kor ayuu u qaaday maqaamka(darajada) hablaha. Waxuu yidhi Alle:

Tuesday, June 5, 2012

Sheeko Gaaban: Subaxdii Saaxiibka Wacnayd!!

Waa subax samaanteeda leh, maankaygana ku suntan, dhammaan cidii lagu martiqaaday munaasibadu intii aanay guryohoodda kasoo huleelin waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii ay muuqaalkooda u qurxin lahaayeen, labiska ugu fiicanna u qaadan lahaayeen, maadaama ay xafladu ahayd mid heerkeedu aad sareeyo, madax iyo masuuliyiniba isugu iminayso, oo la isku arkayo.