Dawladaha qaarba u midooba si ay
tusaale ugu noqdaan dawladaha kale ee ay isku qawmiyadda yihiin ee gumaystayaashu kala qaybsheen sida Masar
& Siiriya (1958-1961). Gambia & Senegalna waxay u midoobeen si
ay u kobciyaan
dhaqaalahooda
(1982-1989). Taariikhiyan midnimooyinkan
oo dhan way fashilmeen himilooyinkii la tiigsanayna lama gaadhin. Waayo?
|
|||||||
Isku cel-celis midnimooyinka fashilmay waxay jireen (13.6
Sanno). Waxaa ugu da yar Siiriya & Masar oo sadex (3
sanno) jirtay. Gambia & Senegalna waa dhex-dhexaad
(7 sanno). Waxaana ugu da weyn midnamadii
Somaliland & Somalia (31 Years). Siyaasiyan afarta dal ee kale ee midoobay
labana waxaa gumaystay Ingiriis (Masar & Gambiya) labana Fransiis (Siiriya
& Senegal). Laakiin taariikhdi gumaysiga
waxa ka daran taariikhda dalalkani kala kulmeen midnimooyinka fashilmay.
Xaga dhaqanka & diinta Masar
& Siiriyaba waa laba dal oo carbeed oo Muslim ah oo waliba Xisbi Xaakim
keliye (Xisbul-bacath) ka wada talin jirey. Laakiin midnimadoodii way fashilantay!
Waayo? Halka
midnimadii Gambiya & Senegal fashilantay iyadoo labada dalba dhaqan &
diin wadaagaan oo waliba Juqraafiyan Gambiye ku dhex taalo Senegal! Waayo? Labada
dal ee Siiriya & Gambiyaba waa la muquuniyey waxayna kala kulmeen
midnimadii sad-bursi, dulmi & quudhsi. Labadan
dalba wixii Somaliland ku habsaday bay kala kulmeen midnimooyinkii.
Somaliland waliba waxaa u dheer
xasuuqi 1988 ee arxan daraa ahaa ee lagula kacay shacabkii ku noola Burco,
Hargeisa, Berbera, Gebiley & Wadhan. Dagaalkii labaad ee aduunka ka
dib waxaa la mamnuucay rushaynta meelaha dadka shacabka ahi ku nool yihiin
waxaana loo qeexa (proportionality) oo ah cabirka hubka lagu rido aag:
macnawiyan Hargeisa waxaa lagu rusheeyey hub ka badan miisaankii nukleyirki
lagu riday Hiroshima. Xasuuqa baaxadan leh
reer Somaliland xaq u malaha inay saamaxaan sababtoo ah danbigani waa kabaa’ir aadamaha oo dhan loo geestay:
crime against humanity. Waxaa munaasib ah in xabaalaha xasuuqi reer Somaliland
caalamka loo bandhigo oo Maxkamadaha Caalamku la xisaabtamaan eedaysanayaashii
dambigan fuliyey.
Sharciyan midnimada Somaliland &
Somalia waxay ku fashilantay xoolkii marka lagu cabiro laba dhacdo oo sabab u
ahaa fashilkii midnimadii Soomaaliya. Tusaale: June 1961 Dadka Somaliland aftidii distoorka midnimada Somalia way
qaadaceen boqolkii kun ee qof ee codeeyeyna boqolkiiba kow & todobaatan
(71) waxay u codeeyeen maya. Arrintani waxay
ahayd qaadacaad qaranimo waxayna fashilisay
mashruuci midnimada qaranka waxayna ahayd in Somalia ka saarto
Somaliland Jamhuuriyadii aynu ku midownay!
December 1961 saraakiishii Guutadii Ciidamada Iskootka waxay dhigeen
inqilaab ay Somaliland kaga goynayeen Somalia. Arrintani
waxay marlabaad Somaliya siisay fursad ay Somaliland kaga saaraan midnimadii
Jamhuuriyadii Somalia.
Mashruucii
midnimada Somalia wuxu lid ku ahaa axdigii midowga Afrika ee muqadisnimada
xuduudaha isticmaarka waxaanu xasilooni daro ku riday jiritaanka geeska Afrika
ka kib markii Somaliya qaanabtay Itoobiya, Kenya & Djibouti oo Fransiska
gacanta ugu jirtay. Waana sababta axdigii Ururka Midowga Afrika loogu
xardhay muqadisnimada xuduudihii isticmaarka: Madaxweyne Julius Nyererigii
Tanzania baa shirkii ugu horeeyey ee Ururka Midowga Afrika ee 1963 Addis Ababa
kaga dhawaaqay: midnimadii Somaliland & Somalia waa waxba kama-jiraan.
Taariikhiyan caalamku Somaliland wuu
uga digay midnimadii fashilantay ee Somaliya. Tusaale: ugu yaraan 35 dawladood baa Somaliland ictiraafay shantii
maalmood ee ay xorta ahayd June/26-30/1960. Dawladihii ugu hor ictiraafay Dawladii Somaliland
(State of Somaliland) waxaa ka mid ahaa Itoobiya, Israel & Britain. Muxuu ictiraafkani xambaarsanaa?
Nuxurka ictiraafkani wuxuu ahaa nahyi Somaliland
looga digayo inay xornimadeeda u sadqayso midnimada Somaliya oo halis ku ahayd
isku-dheelitirka awoodaha geeska Afrika.
Heshiiskan waxaa Somaliland u saxeexay
M.I. Egal, A. Dualeh, A.G. Jama & Ibrahim Nur. Dhinaca dawladda Ingiriiska waxaa u saxeexay T.E.
Bromley oo ahaa Wakiilka-Guud (Consul-General)
ee Dawladda Ingriiska ee Hargeisa.
Maxaa la haboon Somaliland? Siyaasada
xidhiidhka caalamku waa xal-xidhaale Somalilandna waxaa loo tilmaamay in aan ictiraafkeena loo dhaafayn
Ururka Midowga Afrika oo nuxurka jiritaankiisu yahay sugida sohdimihii
isticmaarka. Kaaga darane ugu yaraan todoba
& toban (17) dal oo afrikaan ah baa jabhado gooni isu-taag la hirdamayaan
(Kongo, Mali, Uganda, Angola). Laakiin arrinta Somaliland ma aha
gooni-isu-taage; waa dib ula soo noqosho
xornimo & xuduudo sugan. Siyaasiyan
waa in Somaliland xustaa in ay u hogaansamayso axdiga muqadasnimada sohdimihii
isticmaarka. Digniin: dawladaha Afrika ma jecla jamhuuriyadaha doctuura sharciyada jiritaanka
sohdimaha isticmaarka.
Sharciyana Somaliland waxaa la haboon
in ay Maxkamadda Caalamka (ICJ) garteeda hor gayso oo codsato fikir garsoor
(Judicial Opinion) oo faaqida in dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland
ka hor imanayn axdigii Midowga Afrika ee muqadasnimada xuduudihii Isticmaarka. Go’aankii
Kosovo ee Maxkamada Caalamka (ICJ) Madaxbanaanida Kosovo waxaa u codeeyey
sagaal garsoore(9/15) halka afar
garsoore oo laba Afrikaan yihiin diideen. Waliba
labada Afrikaanka ah midbaa ah garsoore Somali ah, Dr. Abdulqawi Axmed Yusuf,
oo caalamiyan mutaystay inuu xubin ka noqdo shan & tobanka garsoore ee
Maxkamada Caalamka.
Maxkamada caalamka ka hor waxaa
munaasib ah in Somaliland kibir-jebiso Somalia oo ictiraaf ka raadiso dalalka haysta
Ictiraafka Kooban; sida Kosovo, Jamhuuriyada Dimoqradiga ee Sahrawi &
Taiwan. Dalalka Ictiraafka Xaraasha; sida Nauru oo ah dalka
caalamka ugu dadka yar, Palau & Vanuatu oo dhamaan ictiraafay dalalka
Abkhazia & South Ossetia, ka dib markii dalka Ruushku dalalkan u fidiyey
taageero dhaqaale! Ama dawladaha u hiiliya
dalalka dulman; sida Venezuela & Nicaragua oo labaduba ictiraafeen Abkhazia
& South Ossetia & Tanzania & Haiti oo labaduba ictiraafeen
Biafra oo ka goosatay Nigeria (1967-70).
Dalka Israelna wuxu muddo dheer
raadinayey inuu xidhiidh la sameeyo Jamhuuriyada Somaliland. Tolow
maxaa inaga hortaagan inaynu dalkan tobanka dal ee carbeed xidhiidhka la
leeyihiin; xidhiidh la samayno?
Akhriste diblomaasiyadu waa is
waafajinta danaha joogtada ah ee dalka & duruufaha caalamiga ah. Fikriyan
sababta Somaliland kow & labaatan sanno bilaa ictiraaf u tahay waa dantii
ma garte. Dadka reer Somaliland waxay
aaminsan-yihiin fikiro lid ku ah danahooda
& u hogaansanaanta habsami u socodka xidhiidhka caalamka. Macnawiyan caalamka dawladuhu
way is xulafaystaan
koox-kooxbaana
loo
hirdamaa.
Tusaale: December
2006 markii dawlada Itoobiya oo taageero caalami ah lagu galbiyey weerartay
Midowgii Maxaakiimta dhamaan axsaabta mucaaridka ee Somaliland way
canbaareeyeen dawlada Itoobiya. Itoobiya waa
saaxiibkeen; saaxiibaduna suuqa iskuma maagaan. Aakhriste fadlan ii markhaati fur; hadii Itoobiya
weerari lahayd Somaliland maxay reer Somalia odhan lahaayeen: Qaldaanka Qaldan.
Tusaale labaad June
2009 markii dawladda Eritrea weerartay dalka Djibouti Itoobiya maxay
samaysay: way isku daawatay: inagu maxaynu samaynay? Xoolo
baynu ugu gar-gaarnay Djibouti!!! Waayo: Bal
marka hore aynu fahano waxa laysku hayey. Eritrea
& Djibouti maxay isku hayeen: Ururkii Isbahaysiga Asmara ee Eritree
yab-yabtay bay Djibouti fur-furtay. Waayo:
Djibouti & Eritrea waa dhashii Somalia waxayna ku loolamayeen sidii ay u
soo miiraabin lahaayeen waalidkood (Somalia) oo ka difaacda Itoobiya. Eritrea & Djibouti waxay dani ugu jirtaa
Somalia oo midaysan; oo hubaysan oo dagaal joogto ah kula jirta Itoobiya &
Somaliland. Garaadka reer Somaliland waxaa
lagu cabiraa arigtooda Djibouti: Dalka Jabuuti ma cadowgeena mise waa
saaxiibkeen? Jabuuti waa cadowgeen (Somalia)
saaxiibkii; waana saaxiibkeen (Ethiopia) cadowgii. Macnawiyan
waa cadaw laba jibaaran. Xidhiidhka
dawladuhu kuma salaysna walaaltinimo iyo ehelo; wuxuu ku salaysan yahay dano
iyo xulafo. Hadii walaatinimo wax ka tarto
xidhiidhka caalamka dalalka carbeed baa isu-tudhi lahaa; ama labada Kooriya baa
isla saayiri lahaa.
Mucaqadnimadani waxay ku salaysan
tahay nolosha reer guuraaga. Maanta reer Somaliland waxaa
la haboon in laba la kala doorto; fariid dantii ma garte ah; mise, doqon dantii yaqaan ah. Waxay
gaadhay wakhtigii marxaladan caadifiga ah laga gudbi lahaa danteenana aynu garan lahayn. Fadlan si taxadir ku jiro isugu dheeli tir
jawaabaha hoos ku xusan.
(1) Ururka Jaamacada Carabta & Ururka
Dalalka Barwaaqo Sooranka: Midkee baa ku haboon in Jamhuuriyada Somaliland xubin
ka noqoto? __________
(2) Dalalka Jabuuti & Itoobiya:
Dalkee baa ah Saaxiibka dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland? Jabuuti____________Itoobiya____________
No comments:
Post a Comment