Isagu se intii uu ku mashquuli lahaa qurxinta muuqaalkiisa wuxuu ka door biday waqtina siiyay sidii uu maankiisa uga soo maroojin lahaa waxa uu munaasibadda la tagayo.
Looma kala hadhin madax iyo mijo, yar iyo wayn ee wa laga soo xaadiray goobtii ballantu ahayd, inkasta oo waqtigu sidii soomaalida caadada u ahayd uu dib u yar dhacay, laakiin wax kale iskama badalin ee sidii loogu talo galay ayuu barnaamijku u socday.
Marba ciddii kalmada lahayd hadii loo yeedhay, oo ay hadalkoodii
munaasibadda khuseeyay ka yidhaahdeen, waxa la soo gaadhay isagii, wuxuu ku
qornaa qofka ugu dambeeya ee kalmada la siinayo, waxay ahayd goor dadka xaflad
kasoo qayb galay indhohoodu daaleen, maskaxdooduna daashay, waqtigii xafladuna
gaba-gabo ku dhawaa.
Markii loo yeedhay ee uu cod baahiyaha(Microphone) gacantu ku dhigay
waxa markaliya daalkii iyo caajiskii uu ka duulay dadkii madasha fadhiyay,
intii aanu hadal kale odhanba salaantiisii waxay soo jeedisay dareenka dadkii
xaflada ku sugnaa, waayo wuxuu ahaa hadal yaqaan waliba leh cod nool oo kasoo
baxayey naf nool, af noolina uu ku dhawaaqayo, salaan kadib hadii uu habmalyo
iyo bogaadin usoo jeediyay cidii xaflada loo sameynayey iyo martiqaadka ay usoo
fidiyeen, kalmadii madasha khusaysayna ka yidhi wuxuu hadalkii kusoo daray
talooyin iyo tusaalayaal guud oo uu gocanayey inuu mar uun dad sidan u tiro
badan oo horfadhiya uu u hibeeyo, hadallo qiiro iyo qaracanba quluubtooda ku
ridayb ayuu ku qul-quliyay oo u tabiyay, hadalo maskaxdooda ka fikirsiiayay,
maankoodana muusanow ku riday ayuu u miisay intii meesha fadhiday, waxaan
hadaladiisii dhaxal galka ahaa ka xasuustaa oo ka mid ahaa:
“Dad jira oo xumaha ka damqada
wanaagana daajiya noqon maysaan waligiin hadii aydaan iska dhigin idinku,
iskana dhigi maysaan hadii aydaan isku dayin inaad iska dhigtaan, hadal aan
hawl lahayn oo aad horumar ku gaadhaysaan waa wax aydaan helayn ee ha la ogaado
midhaa, hammi hiigsi uun ku kooban waligiinna ku aflixi maysaan, Dadnimadu waa
inaad qof qof isku toosisaan, isku taakulaysaan oo aad isku tiirsanaataan, ma
aha inaad is durtaan oo aad is dooxdaan, inaad is collaysataan ood isku calool
xummaataan, qofafka oo hagaagaa waa qarannimo hagaagta, dadnimada iyo dunji
wanaagu waa astaanta horumarka bulshada.
Samirku waa furaha guusha,
quustuna waa furaha guul-darrada, quluubtiinna galiya in aydaan qarrannimo dhab
ah waligiin qotominayn ilaa aad qodqodka iyo qaloocinta ay qabyaalada ugu
horayso daysaan, danta gaarka ah ee ta guud laga horaysiinayo ilaa aad daysaan,
qof-jeclaysiga aad daysaan, quusta daysaan! Ma jirto taariikhda dad quustay oo quudhsaday
naftooda oo haddana horumar aduun iyo mid aakhiraba gaadhay, inta aad cidkale
ku tiirsantahay ogow in xoriyadaadnu laalantahay, wax aad samaysan karto inaad
cid kale kasugtaa waa nusqaanta ugu way nee dad yeesho, maxaad u quudhsatay
naftaada, maxaad se ugu qancisay inaad guul daraysatay? Wax kasta oo aad
hiigsato ogow inaad gaadhayso, waa hadii aad hawl iyo waqtiba siiso”
Dadkii madasha ku sugnaa
kalmadiisanni waxay ku dhalisay hammi, waxay ku beertay hiigsi, waxay ku
keentay qayiran waxay ku keentay qiiro, waxay ku afuuftay dareen yididiilo oo
qiiro galiyay, hadaladiisu way ka fikirsiiyeen waanay ka fajiciyeen ka
qaybgalayaashii xaflada, way ku diirsadeen, waxaanay nooleeyeen quluub jabitaan
isbiday, waxba yaan hadal kugu daalin waxay ka baxeen goobtii iyaga oo aad
moodo in latoosiyay dareenkoodii hurday, dadnimadoodii iyo damiirkoodiina la
diiriyay.
Lasoo xidh xafladii, waxaan se
xidhi kari laayahay xusuusteeda, oo xiskayga ku noqotay bar aan ka ba’ayn
abidkeed.
Subaxdani wax kale kagamay duwanayn
kuwa aynu naaqaano, laakiin saaxiibkeeda ka soocay subaxaha kale!!
Sheeko Gaaban: Subaxdii Saaxiibka Wacnayd
Qalinkii: Saddam Xusseen Carabsaddamcarab@gmail.com
Hargeisa – Somaliland
No comments:
Post a Comment