" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Guushaada iyo Guuldarradaada – W/Q. M.M. Kastam

Wednesday, June 20, 2012

Guushaada iyo Guuldarradaada – W/Q. M.M. Kastam

Cid aan adiga ahayn kama masuul aha guul iyo guuldarro kasta oo kula soo gudboonaata. Qofka caqliga la saaxiibka ah marka ay guuldarro soo wajahdo waxa uu si dhab ah u raadiyaa halkii ay kaga timi iyo waxyaabihii dhaliyey. Halkaa kagama hadho ee wuxuu ku sii dedaalaa in uu guuldarradiisa guul u beddelo, halka nacasku guuldarrooyinka soo wajaha uu dusha ka saaro dadka kale iyo duruufaha.


Sida oo kale, qof kasta wuu khaldamaa, nacaskuse wuu ku adkaystaa. Waxa kale, oo qofka caqliga la saaxiibka ah lagu yaqaannaa isaga oo aan sugin fursad qayrul-caadi ah oo soo marta, balse waxa uu isku dayaa in uu fursadaha caadiga ah ka dhigo kuwo qayrul-caadi ah.

Imbiraadoorkii la odhan jiray Nopeleon Puna Part, oo markii laga adkaaday loo mastaafuriyey jasiiradda Sant Helena, waxa uu yidhi; “Qof aan aniga ahayn kama masuul aha hoogayga iyo jabkayga.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey; “Waayo, waxaan ahaa cadowga ugu weyn ee naftayda.”

Guuldarrooyinka iyo gefefka soo noqnoqdaa waxay ka dhashaan xisaabtan la’aan. Rock Filler oo mar ahaa shaqsiga ugu hodansan caalamka, habeen kasta inta aannu seexan waxa uu xisaabin jiray naftiisa, maalin kastana wuxuu eegi jiray wanaag iyo xumaan wixii soo maray. La-xisaabtanka naftu waxay horseed u tahay in laga gudbo ceebo jiray iyo khaladaad dhici lahaa oo laga hortago.

 Ma I garanaysaa


Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in inankiisu u dhaxlo sumcadiisa si marka uu dhaxlo aan loo odhan aabahii ayaa dhaamay keliya, balse la yidhaa waddadii aabihii buu qaaday, si taasi u dhacdo boqorkii wuxuu u diray inankiisi nin indheer garard ah oo waxbara. Indheer garadkii inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhanaca aqoonta.

Dabadeed indheer garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inankii boqorku dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan ah uu aad u garaco oo waliba si ba’an u garaaco.

Inankii oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay iyo orodoo ka hor dhaqaaq wajigayga oo loogu daray ayaa ku laabtay qasriigii aabahii inanii waxba uma sheegin aabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo.

Dabadeed, muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay inankiisi, kadib inankii wuxuu u yeedhay oo uu ku yidhi ciidammadiisi gaarka ah waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka la yidhaa hebel, hebel, oo haddaad la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen odaygii, odaygii markii la horkeenay boqorkii yaraa, ee aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yidhi, ma igaranaysaa oday yahaw kumaan ahay? Odaygii wuxuu ku jawaabay, ‘Haa sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn.’

 Inankii boqorka noqday ee aabahii dhaxlay aad ayuu uga cadhooday arrintaasi.


Mar kale, wuxuu ku yidhi odaygii; ‘Waliba waad i xasuusan tahay,’ waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigu kaa dambaysay aad sabab la’aan si ba’an inagoo waxba galabsan iigu garaacday?’ Odaygii boqorka yaraa ee ardaygiisa ahaa waxa uu ku yidhi; ‘Waa runtaa si ba’an ayaan kuugu xadgudbay.’

 Odaygii isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu ku yidhi, ‘madaama ay ahayd ujeeddadaduu aabahaa oo nin wanaagsan ahaa iigu kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo tarbiyadaada waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax kaa baro.

Odaygii waxaa hakiyey hadalkiisii oo ku yidhi in dadka layska garaaco oo walib karbaash lala dhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula dhaqmo?.

Odaygii indheer garadkaa ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yidhi, waad ku hagaagsan tahay sida aad tidhi ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo waaya aragnimadeeda aad uga baahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid.

Maalintii iigu kaa danbaysay casharka aan kuugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna ku jeclaadeen, adigana waa ka xukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara, waxaan sabab la’aan karbaashka kuula dhacay, waxaan doonayey inaan ku dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaanad dulmin cidna. Boqorkii yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye.



M.M Kastan

No comments: