" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Garaadso Intaanad Guursan – Q:2aad

Thursday, June 7, 2012

Garaadso Intaanad Guursan – Q:2aad

Gayigan aynu ku noolahay gabdhaha ku nooli guud ahaan waxay soo mareen marxalado taariikheed oo mararka qaar meelka dhac ku ahaa maqaamkooda nololeed. Marxaladdii mugdiga badnayd ee casrigii jaahiliga soo ifbixii Islaamka ka hor, ayaa ka mid ahaa waqtiyadii ugu cuslaa ee lagu cadaadiyo haween. Waxaa taariikhda ku-cad in mushrikiintii carbeed aasijireen gabdhahooda iyagoo nool, markii la weydiiyo sababta ay hablaha u aasayaan iyagoo nool ayey jawaab ka dhihi jireen waxaanu ka baqaynaa in ay ceeb noo soo jiidaan. Laakiin Markii iftiinka Islaamku ka soo faafay carabiya, wuu beddalay caadooyinkii xunxumaa, wuxuuna reebay in la xabaal nololeeyo gabdhaha. Runtii Islaamku kor ayuu u qaaday maqaamka(darajada) hablaha. Waxuu yidhi Alle:

“Ilaahay Waxaa u sugnaaday boqortooyada samooyinka iyo arla’da, kuu doono waxuu u hibeeyaa dhedig (hablo) kuu doonnana waxuu u hibeeyaa lab (wiilal)” (Suurada Shuuraa, Aayada 49) Horumarinta aayadani ka horumarisay hablaha wiilasha waxay culimadu ku micneeyeen kor u qaadis iyo qiimeyn dheeraada oo Alle ku galadaystay gabdhaha. Guurku waa marxalad maamuus iyo sharaf u ah gabadh kasta oo guudka fidhatay. Haddaba haddii ay ku guuldarraysato gabadh qaan gaadhay inay gacanta ku dhigto wiil hanta, oo hannaankiisa diineed iyo dhaqanba wanaagsanyihiin waxay hiiftaa habnololeedkeeda, oo hadh iyo habeenba ku hamidaa inay hesho hannadkii horteeda iyo hareerteedaba istaagi lahaa, hamigana la wadaagilahaa. Waxaa la yiri “Gashaanti haddii guudka loo dabo guri ineey lahaatiyo galbis bay u joogtaa” Hablaha qaarbaa hubsiino la’aan hafku yidhaahda guurka. Markaas ayay mustaqbalkoodii guur maanyari iyo ka-fiirsasho la’aan ku bilowdaan, dabadeedna waxay ku dambeyaan muraara-dillaac, madluun iyo guri-dumay. Dhinaca kale gabdhaha qaar ayaa qayb loo siiyay qiyaas wanaagsan iyo qumaati u gaadhidda qastiga iyo ujeedada mustaqbalkooda guur. Waxaa la’yidhi “caqliga wanaagsani jidh-caafimaadqaba ayuu ku jiraa” Da’yarta haween ee hamigooda weyn yahay hiigsashada iyo gaadhitaanka guur xalaala waxay u talasaartaan arinkoodka Alle markaa ayay ku guulaystaan wiilkii ay waligood ku taamayeen inay hantaan. Qadarku waa meeshiisa laakiin doorasho wanaagsan oo ku salaysan miisaamidda dhinaca diinta, akhlaaqda, iyo hab-dhaqanka ay gabadhu ku doorato wiil ayaa noqon karta mid ay ku guulaysato guur wanaagsan iyo mustaqbal la mahadiyo. Gabdhahaas diinta wax ku doortaa waxay ku dambeeyeen nolol farxad iyo raynrayn ku dheehantahay. Nolosha adduunyo waxaa ugu muhiimsan farxad, ogow farxadda lacag laguma iibsado. Haddaba waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago isna yara dul-taago gabdhahan dambe oo iyagu ah kuwo gaadhay hadafka wanaagsan ee ayku beegsanayaan guurkooda, habka iyo waddada ay u maraan, iyagoo ku hamminaya inay mustaqbalkooda guur-ka dhigaan mid ifaya. Xulashadooda hufan ayaa u muuqata mid qofkii Beegsadaa marnaba uusan ku hongoobin kuna hoogin. Dhinaca kale ku badhaadha oo barwaaqaysta geedihii ay beereen oo soo-saaray midho bislaaday oo hadana macaan.

Doorashada wiilka wanaagsan haddii la gacan togaaleeyo wuxuu noqon karaa mid waqti qaata, sidoo kale u baahan tusaalooyin iyo sharraxaad kala duwan. Hasayeeshee horaa looyidhi “hadal nin yareeyeyna kama wada tagin kii badiyayna ma’wada odhan” haddii la soo koobana wuxuu noqon karaa Seyga(ninka xaaska ah) wanaagsani mid akhlaaqwanaagsan leh, ku dhaqma kitaabka Alle iyo sunnada nabiga (CSW) islamarkaana qaab nololeedkiisa laga dheehan karo, qawl wanaagsan, qalbi naxariista, waxa qarsoonna Allaa og. Haddii qaabka aan u dhigay laga-yaabo qaarkiin inaad fahmiweydaan, waan kala dhigdhigayaa anigoo isla markaa qodobeynaya haddii Eebbaha awoodda lihi idmo.

Qormadan aan ugu magac daray “Garaadso Intaadan Guursan” qaybteedii 1-aad ee aan wiilasha kula hadlayay waxaan ku soo tilmaanay muhiimadda ay leedahay dhallinta guurdoonka ihi inay wax badan ka fiirsadaan, markuu rabo inuu shaqsi kale la midoobo. Waxaa kaloon( waxaan kaloo/waxaa kaloon : tan dambe ayaa ka saxsan ustaad) soo tilmaanay in Barbaarkastaa ama gashaantikastaaba ku hammiyaan helitaanka qof wanaagsan, Laakiin ay haboontahay in-asagu billaabo dhawrsanaanta, si’ uu dabadeed ula midoobo qof wanaagsan. Eebbe (SWT) quraankiisa kariimka ah wuxuu ku leeyahay,
“الخبيثات للخبيثين والخبيثون للخبيثات والطيبات للطيبين والطيبون للطيبات ” (Kuwa xun xun ee dumarka ah waxaa leh kuwo xun xun oo rag ah, kuwa xun xun ee ragga ahna waxaa leh kuwo xun xun oo dumar ah, kuwa fiic fiican ee dumarka ah waxaa lehkuwo fiic fiican oo rag ah, kuwa fiic fiican ee ragga ahna waxaa leh kuwo fiic fiican oo dumar ah.) Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah marka hore inaad noqotid qof isagu ku tilmaaman waxa uu doonayo. Waa hagaag qormadan oo maanta ah qaybtii 2-aad gabdhahana qaas u noqon doonta aan ku soo qaadaa-dhigno saddex arrimood. 1. Maxaa loo baahyahay inaad ku dooratid wiilkaad rabtid inaad nolosha la wadaagtid. 2. Calaamadaha iyo sifaadka lagu garto wiilka wanaagsan. 3. Dardaaran xambaarsan talooyin iyo tusaalooyin aad muhiim u ah oo aan rajeynayo inay wax badan kaa anfici doonaan.

Maxaa loo baahanyahay inaad ku dooratid wiilka aad rabtid inaad nolosha la wadaagto?

Haddaan soo koobno waxaan dhihi karaa waxaa ugu waa weyn labo arrimood. Runtii waana laba arrimood oo uu nabigu (CSW) xadiithka ku tilmaamay
“إذا أتاكم من ترضون دينه وخلقه فزوجوه” (Hadduu idiin yimaado mid diintiisa iyo akhlaaqdiisa aad ka raali katihiin u guuriya)

1. Midda ugu horraysa waa halka aynu haddaan muslimiin nahay ka duulno waana diinta. Maxaa diinta loo yiri? Diinta waxaa hoos yimaad nolosha oo dhan. Waxaa hoos yimaada gabi’ahaanba qofku siduu nolosha u’arko. Diintu waa bedbaado, qofka raacana waxay u noqotaa tusaale wanaagsan oo ay u kala saartaa wanaaga iyo xumaanta. Qofka diinta leh waa qof Ilaah ku xiran, ilaaliya xuduuddihiisa, fartooma wixii la faray, kana hadha wixii laga reebay. Hassan al Basri oo aad wada taqaannaan oo saahid caabida ahaa ayaa nin u yimid, markaasuu ku yiri gabadhayda yaan u guuriyaa? Hassan Al basri baa ninkii ku yiri ”
زوجها ممن يتقي الله، فإنه إن أحبها أكرمها، وإن أبغضها لم يظلمها” (U guuri mid diin leh, Ilaahayna ka baqaya, sababtoo ah hadduu jeclaadana wuu karaamaynayaa, hadduu u carooddana ku xad gudbi maayo)

2. Saan Kor ku xusayba ku dooro akhlaaq. Akhlaaqda waxaa hoos yimaada tilmaamaha wanaagsan gebi ahaantood. Qofka dabeecadda wanaagsani waa qof runta sheega, dabacsan, sabar baddan, dulqaad leh, naxariis leh, aan qalafsanayn, riximka xiriiriya. Qofka dabaciisu wacanyahay inta baddan waa mas’uul, Mas’uuliyadda iyo xilka saaran ka soo bixi kara iwm. Sidaas daraadeed qofka aad dooranaysid habdhaqankiisa ogow.

Calaamadaha iyo sifaadka lagu garto wiilka wanaagsan
.

Seyga-wanaagsan ee aad u baahantahay inaad dooratid calaamadihiisa haddaan si guud u qeexo, waa midka dhaqankiisu yahay sida diinteenu sheegtay, Waxaanse rabaa inaan qodob- qodob u dul istaagno qaar ka mid ah calaamadaha seyga wanaagsan.

Wiilka wanaagsani waxaa lagu gartaa maqaamka iyo booska uu kaga jiro bulshada uu la noolyahay. Waa nin ku dayasho leh oo kaga dhex muuqda bulshaduu la noolyahay, dhaqan wanaagiisa, hogaamintiisa, u adeegidda diintiisa iyo dadkiisa.

Waa nin wakhtigiisa qiimeeya oo jadwal ku socdo. Maaha mid habeenkii iyo maalinkii ay isku mid u yihiine waa nin qiimaha wakhtiga garanaya ugana faa’iidaysta wax kaloo qiimo badan.

Waa nin yool leh iyo meel uu hiigsanayo. Wuxuu habeen iyo maalin u taaganyahay siduu naftiisa u hormarin lahaa.

Wiilka wanaagsani waa daaci diinta Alle, dadka ugu yeera. Marka aan leeyahay waa daaci dadka diinta Alle ugu yeera maaha micnaheedu diintuu aqoon badan u leeyahay, waxaa dadka diinta ugu yeera waa dhaqan wanaagiisa, dharka uu xiranyahay, hab dhaqankiisa, run-sheegiisa, ballan-oofintiisa, dabeecad wanaagiisa, naxariistiisa iwm.

Waxaa lagu gartaa wiilka wanaagsan guriga uu ka soo baxo. Guriga uu ka soo baxo waa guri diinta Alle ay saldhig u tahay oo dad akhyaar ah oo diinta Alle jecel deegaan u ah.

Waxaa kaloo lagu gartaa asxaabtiisa ama saaxiibadiisa. Wuxuu had iyo jeer la’socdaa oo ka agdhow-yahay dad akhlaaqwanaagsan, diin leh, wakhtigooda qiimeeya. Waa muhiim inaad qofka aad dooranaysid aad iska eegtid asxaabtiisa, maxaa yeelayay
“يعرف المرء بأقرانه” (Qofka waxaa lagu gartaa saaxiibkiisa)

Wiilka wanaagsan waxaa lagu gartaa nolol maalmeedkiisa iyo sida uu u noolyahay, haddey noqoto shaqadiisa, waxbarashadiisa, meelaha uu tago iyo qaab u dhaqankiisoo idil.

Wiilka wanaagsan ee aad u baahantahay waa hawlkar shaqaysta oo aan dadka kale ku hoos nooleyn, aaminsan inuu xoogiisa iyo muruqiisa maalo shaqaduu doonaba ha ka shaqeeyee (Shaqooyinka xalaasha ah)

Waa nin cibaadada Rabbi ku xiran oo Ilaaliya. Ma aha sida gabadhii caqliga badnayd ee ragga kala dooranaysay kay ka tiri

 

“Kaan garan salaadiyo waqtiga guulle faralyeelay

Googoyska cibaadada gefaye geesta uga leexday

Oon masaajid soo gelin waqiis guur aan ka la’aado”

 

Gabay kaloo tilmaamayay sayga wanaagsan baa isna oranayay

 

Sumad-gaar ku dhigo sadaradaydu waa tilmaan-sugane

Saxarlaay haddaan seyga wacan sugo tilmaantiisa

Sifihiisaa wanaag-lahoo marnaba maad saluugteene

Suuraddiisa gaarka ah haddaan saami kaasiiyo

Saciim weeye aan lagu aqoon Saaqid uu yahaye

Saalax weeye sabbixooyinkiyo loo Sakhiray sawd-qur’aanyahaye

Sunankiyo saxiixaynka, buu Sax u yaqaanaaye

Salaadaha dhamaantood ayuu wada sujuudaaye

Sakhibuu ilaahay ka dhigay oo sakada dhiiba

Sujuud-baa ku taalliyo tilmaan sugi yaqiintiisa

Subciskii quraankuu intaa, saddaro sheegaaye

Soonkiisu waa saxanyahoo malaha seegseege

Saligii rasuulkuu(scw) intaa sawd ku leeyahay

Saaxiibkii xumaada marbuu kugu safaadaaye

Saacaddii la joogaba qoluu saar u tumayaaye

Sa’da gabaygu yay ila si kane waan sagootiyaye

Seygii wanaagsani naftuu wada siraadaaye

Sifahaa ku xolo iga wallaad saatir ku xamdiyiye

Talooyin iyo tusaalooyin aad muhiim u ah oo u gaara gabadha guurdoonka ah.

Waxaa loo baahanyahay inaad ogaatid oo aad mar walba laabta ku haysid wiilka aad qalbigaaga u furaysid inuu noqon doono mid aad isla bilaabi doontaaan socdaal nololeed dheer ilaa uu mowdku idin kala geeyo. Haddaba waa inaad maskaxda ku haysaa in doorashadaadaasi tahay imtixaan aad gasho inta aad nooshahay midka ugu adag, sidaas daraadeedna ay muhiim tahay inaad isugu gayso wax allaale wixii xeelad iyo khibrad aad leedahay si aad u ogaatid shakhsiyadiisa hoose iyo qaab nololeedka wiilka aad dooranaysid. Waxaa kaloo muhim ah inaad kala tashatid doorashada dad ahlul xalli wal caqdi ah, dad waayeel iyo waayo arag diin lehba isugu jira. Ninkii jiray waatuu lahaa “Haddaan weel gun laga tolin, waayaha adduunyada xog-ogaal la weydiin, ruuxii gu’ kaa weyn, lagu odhan wax ii sheeg, taladaadu wiilooy, dalab waayi maysoo.”.

Iska Ilaali inaad noqoto mid rag badan oo ragga marba mid la shekaysata sida ay Soomaalidu tiraahdo “Naag kun bey kulmisaa kow ayeyna kala baxdaa” Waa arrin aad u dhibaato badan. Waxay keensataa ama ku bartaa wax yaalo badan oo noloshaada dambe dhib u keeni kara. Waxay ku bartaa inaad noqotid mid been badan, Waxay keentaa in qiimihii ragga aad u haysay ay yaraato, waxay keentaa inuu wakhtigu kaa dhammaado oo aad is aragtid iyadoo cimrigaagii tagay gacantana aadan wax ku hayn, waxa kale oo ay keentaa xiisihii guurka aad u haysay oo yaraada iyo qaar kaloo badan

Haddaad doonaysid guur xalaal ah oo wanaagsan ku billow shukaansigaaga waddo xalaal ah. Inta aad wakhtiga sheekada ku jirtid iska Ilaali la kali noqodka ninka aad la shekaysanaysid. Iska ilaali iney afkaaga ka soo baxaan weedho ragga dareenkooda kiciya. Sidoo kale waxaa dhacda ineey raggu ku yiraahdaan gabdhaha haddalo ay ku beer laxowsanayaan. Waxaa la yiraahdaa ”
الرجـــــــال ذئـــــاب”(Raggu waa yeey) sidaas daraadeed noqo gabar ad adag, gabar aan la dagi karin iyadana aan wax dagin, Ha noqon qof aad daacad u ah oo shabaq kastoo loo dhigo ku dhici karta, geedaha waxaa la hor goostaa kuwooda toos-toosan dadkana waxaa noloshooda lagu ciyaaraa oo la bur-buriyaa kuwooda aadka daacadda u ah. Noqo siduu lahaa Cumar Ibn Al Khadaab (RA) “لست بالخب ولا الخب يخدعني ” (Ma ihi mid dadka khiyaana mana ihi qof uu khiyaani karo mid wax khiyaana)

Ogow waxa ugu qiimaha badan ay gabadhi haysato waa Cifadadeeda (dhowrsanideeda), haddii ay dhowrsanidaa waydo oo ay ku ciyaartana Ilaah xagiisa iyo xaga dadkaba way ka dhacday

Ogow Jacaylku waa wax jira, laakiin jacaylku waa inuu noqdo mid Alle cabsidiisu ay u tahay hoggaan xakameeya.

Waxaa jirta arrin inta badan qof kastoo wax jeclaada ku dhacda. Waxaa dhacda in wiil aad ku hanwaynayd inaad is guursataan aad hanan waydo. Waxaan ku leeyahay marmar bay dhacdaa wax aadan jeclaysan inaad aragtid. Waxaa la yiraahdaa,”
قد تجري الرياح بما لاتشتهي السفن” Mar-mar bay dabeeshu la dhabataa waxaysan doomu jeclaysan) Ha welwelin hana murugoon, waxaa laga yaabaa inuusan khayrba kuugu jirin oo uu Eebbe bedal ka wanaagsan kuu kaydinayo.

Iska Ilaali in meel cidla ah lagaa helo, intaad nin iska raacdid kadibna aad isku qancisid inaad xaas la qabo tahay iyadoon waddo sharci ah laguu soo marin. Waxaan taa ula jeedaa gabadhu ma mehersanto xaasna ma noqoto weli la’aan. Nabigu (CSW) wuxuu xadiis ay Tirmiidi iyo Abu Da’uud soo saareen Sh Albaanina saxiixiyay ku leeyahay, ”
أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل فنكاحها باطل فنكاحها باطل” (Gabadhii la meheriyo iyadoon idan laga qaadan waligeeda nikaaxeedu waa waxba kama jiraan, nikaaxeedu waa waxba kama jiraan, nikaaxeedu waa waxba kama jiraan). Noqo gabar lagu hantay oo loo soo maray waddo sharci ah, Sharafteeda iyo midda waalidkeedna dhowrta. Howraar abwaan hal abuur yaqaana horay gabadhiisa ugu yiri baa ahayd

“Inantii hawootee hiyigeeda guur galo

Aabbaheed haneyaa dumar ugu hagaagsan”

Ogow oo niyadda ku hay guurku waa mas’uuliyad iyo raaxo iswata lana rabo in la isku qaato.

Baro xaqqa lagugu leeyahay intaadan baran xaqqa aad ku leedahay ninka aad guursandoontid.

Ogow ninku waa madaxii reerka adiguna waxaad tahay qoortii leex-leexinaysay oo ay micnaheedu tahay adiguba mas’uuliyad baa ku saaran

Ha guursan ninka aad jeceshahay oo kaliya ee guurso nin aad is leedahay caruurtaaduu aabbe u noqon karaa.

Ugu dambeyntii waxaan ku leeyahay qofku waa labo, waxna waa wax raasamaal ma guurta ah oo uu qofku leeyahay sida shaqsiyadiisa, diintiisa, dabeecadiisa, wanaagsiisa iyo garashadiisa, waxna waa wax dhaldhalaal iyo xoogaa aduunyo ah oo qofka loogu xilanaayo. Middan dambe ee adduunyada iyo dhaldhalaalkeeda ah way hari, inta runta ah baa soo haraysa, “Xabaal iyo ninkeeda waa loo kala tagaa markay noqoto” gawaariddii ku soo galbisay habeenka arooska way hari, hoteelkii sharraxnaa ee qaaliga ahaa wuu hari, dadkii idinla socday way hari, idinkaa isku soo haridoona. Guri laguu camiray nin ma noqdo, dahab laguu soo gadayna nin ma noqdo, hotel qaaliya oo aroos laguugu dhigayna nin ma noqdo reerna ma dhaqo. Reer waxaa dhaqa oo nin u noqonkara nin shaqsiyad leh, xilna qaadi kara, dabeecaddii iyo kartidii uu xilkaa ku qaadi lahaana leh. Intaa waxaan uga dan leeyahay qofkaad dooranaysid ku dooro diintiisa iyo dadnimadiisa ee haku dooran adduunyo yar. Adduunyada ninba maalin buu Rabbi siiyaa. Gabyaagii caanka ahaa ee mufakirka ahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid waatuu lahaa “Abaar iyo barwaaqaa is xiga labo ayaamoode, Allaylkiina waxaan joogin baa iman dharaartiiye” Imisaa arooskoodii hoteelo waaweyn lagu qabtay, qarash badanna aqal galkoodii ku baxday, maantana aan guri kuwada nooleyn oo ninba keligii meel ku dhibaataysanyahay. Imisaa habeenkii aqal galkooda derin kuwada seexday, habeenka labaadna martida waxay siiyaan aan haysan, maantana jacayl dhexdooda ah, hanti iyo weliba owlaad ay ku indho qabowsadaan Ilaah ku arsaaqay.

Ilaah waxaan ka baryayaa inuu gabdheheenna qiimaha badan ee guurdoonka ah u sahlo guur ay ka qaadaan bash
-bash, baraare iyo barwaaqo aan la soo koobi Kerin. Anigana Ilaah ha iga cafiyo wixii khalad ah ee uu qalinku iga dafay.

__________________________________
والله يقول الحق وهو يهدى السبيل ____________________________________

Fiiro gaar ah: Wixii khalad ah ama dhaliil ah ila soo socodsii adigoo iigu soo diraya emailka hoos ku xusan.

Email: Mubarakhadi@gmail.com


No comments: